Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha
January 24, 2020
Latest Headlines:   _

Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

0
Monday January 13, 2020 - 07:46:45 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

    Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga oo sheegtay  inay  Somaliland ka fulinayso  mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto  mustaqbalka  saameynta abaaraha.

Warku wuxuu intaas ku daray in Masuuliyiinta Hay’adda TIKA ay 100 xubnood oo ka mid ah Beeraleyda Khudrada ee Gabiley ku wareejiyeen  40 kiilo oo ah siidhka Tamaandhada, basbaaska iyo  sunta cayayaanka iyo bacrimiyeyaasha beeraha.

Isku-duwaha Hay’adda TIKA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Galip Y?lmaz ayaa sheegay inuu  beeralayda u rajaynayo in wax-soosaarkoodu noqdo mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaystaan taageerada Turkiga.

Masuulkaa ka socday Hay’addaas Turkiga ah ayaa balanqaaday in dawladiisu sii wadayso inay taageerto dadka reer Somaliland. Hay’adda TIKA waxay xustay in wejiga labaad ee Mashruuca ay ku saacidayaan beeralayda Gabiley uu noqon doono inay si casri ah u tababari doonaan  beerlayda iyo inay siiyaan qalabkii u dambeeyey ee loo adeegasado beeraha.

Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gabiley Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adda TIKA uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan beeraleyda gobolkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip