Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga W/Q Mohamed Siciid Gees
November 13, 2019
Latest Headlines:   _

Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga W/Q Mohamed Siciid Gees

0
Friday October 11, 2019 - 01:51:46 in
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga W/Q Mohamed Siciid Gees

    Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) iyo Soomaaliga
Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga
Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad – Ankara 
Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; "Hieroglyphic.” Magacaas oo 
ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; "Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, 
Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo 
aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) 
taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas 
u yiqiineen; "Sixir.”
Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka 
tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka 
Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa. 
➢ Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen
➢ Magacyada Boqoradoodii iyo
➢ Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore
Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka 
Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika 
lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo 
hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu 
dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer 
Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn.
Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay:
➢ Dhinaca Galbeedka Afrika,
➢ Dhinaca Bariga Afrika 
Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la 
leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika.
Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan 
yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan:
Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu 
ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan 
xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga kamid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee 
alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen.
Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka 
A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn.
Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo 
W: o, u. 
Y: a, e, i.
Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; "Sawirka A loo 
qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma 
sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa.
Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban
erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan 
soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha 
Reer Yurub (Khawaajayaashu).
Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da'weyn aataarta iyo 
taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka 
marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo.
Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba 
da'weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas oo 
loo maleeyey xabaalo-wadareed.
Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu 
meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; "Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga 
Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa;
"Geeri.”
Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had.
Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama 
had ah oo H ku bilaabma.
Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah: 
➢ AB = (heart) wadne iyo 
➢ BA = (good soul) nafta karaamada leh.
Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay.
Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB.
Ereyga labasdna BH.
Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga 
waa Wadnaha. Bal heestan eeg;
Abdiyaw habi laawe lo'daadan harraadan……
Waa cabdiyaw wadne-laawe.
Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH).
bal eeg weedhan’ "Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama 
naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga 
qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay.

Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo 
jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u 
yahay ee "HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay "H.”
Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa 
oo la yidhaahdo; "Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa 
muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo'da 
meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn 
(Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel.
Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad 
isna la odhan jiray; "Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka 
iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa 
dabar go'ay uu ku noolaa.!
Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa;
"Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan
qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore!
Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, 
mise waa meelihii lo'da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii 
baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; "Kii koowaad.”
Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka "S" ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii 
Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka "S.” Markaas waxaad arkaysaa "Horus," halkii hore ama Hoori noqon lahayd.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip