Taleefannada Casriga Ahi Waxa Ay Sababaan Dhibaatooyin Dhinaca Maskaxda Ah
October 22, 2019
Latest Headlines:   _

Taleefannada Casriga Ahi Waxa Ay Sababaan Dhibaatooyin Dhinaca Maskaxda Ah

0
Sunday September 22, 2019 - 04:26:11 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taleefannada Casriga Ahi Waxa Ay Sababaan Dhibaatooyin Dhinaca Maskaxda Ah

    Taleefannada Casriga Ahi Waxa Ay Sababaan Dhibaatooyin Dhinaca Maskaxda Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taleefannada Casriga Ahi Waxa Ay Sababaan Dhibaatooyin Dhinaca Maskaxda Ah

 Qof kasta oo sita taleefanka gacanta ee casriga ahi celcelis 150 jeer ayaa uu maalintii taleefankiisa gacanta eegaa, taas oo ah calaamad kale oo muujinaysa sida ay taleefannada gacantu uga mid noqdeen waxyaabaha ay nafteennu u aragto in ay dhammaystir u yihiin nolol maalmeedkeena. Waxa uu inoo noqday qalab isgaadhsiineed aan laga maarmi karin iyo balwad aynu qabatinnay gacan ku haynteeda iyo isticmaalkeeda kala duwan.

Majaladda dalka Isbayn ka soo baxda ee Tech-Pet ayaa warbixin ay dhowaan arrintan ka qortay ku sheegtay in xeeldheereyaal badani ay caddeeyeen xanuunno maskaxeed oo ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee taleefanka gacanta ee casriga ah iyo qalabka la mid ah. waxaa ka mid ah dhibaatooyin nafsadeed oo ay ugu horreyso in qofku uu bulshada ka xidhxidh furmo iyo in uu waayo dhugmada ama awoodda ay maskaxdu u leedahay u fiirsiga.

Warbixinta majaladda Tech Pet waxa ay sheegtay in inkasta oo aanay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo wasaaradaha caafimaadka ee dawladaha adduunku xanuunnada maskaxda waxyeela ku darin la qabsiga isticmaalka internet ka iyo aadalaha uu taleefanka casriga ahi ka mid yahay, haddana xaqiiqadu la isla qirsanyahay ay tahay in dad aad u tiro badan siina kordhayaa ay si joogto ah ugu baahdaan in ay tagaan xarumaha xanuunnada nafsiga ah lagu dabiibo si looga daweeyo xaalado ka dhashay isticmaalka badan iyo la qabsiga taleefanka gacanta.

Manuel Armayones oo ah xeeldheere ka tirsan jaamacadda Catalonia ee dalka Isbayn iyo ku xigeenka agaasimaha akademiyadda daraasaadka cilminafsiga iyo cilmiga waxbarashada ayaa dhowaan soo bandhigay shan dhibaato oo qabatinka taleefanka gacantu ay ku keento maskaxda iyo siyaabaha ugu fiican ee looga badbaadi karo.

  1. Cabsi ah in ay wax ku seegaan: In qofka uu ku abuurmo dareen cabsiyeed aan sabab cad lahayn oo uu ka qabo in uu jiro wax seegan ama uu seegayo. Waxa ay ka mid tahay xaaladaha nafsiga ah ee lagu arko inta badan ee dadka akoonnada ku leh baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ka. Waana sababta keentay in qofku uu ku samri kari waayo in uu waqti badan ka maqnaado eegista iyo rog-rogista baraha bulshada, oo mar kasta oo ay maskaxdiisu xasuusato in ay gasho Facebook, twitter, Instegram ama baraha kale ee bulshada.

Andrew Brzebelsky oo ka tirsan qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Essex ee dalka Ingiriiska iyo cilmibaadhayaal uu hormuud u ahaa ayaa baadhitaan ay sannado badan samaynayeen waxa ay ku ogaadeen in xaaladaha nafsiga ah ee ka dhasha qabatinka isticmaalka taleefanka gacantu ay ku badan yihiin dhalinyarada gaar ahaan ragga ah. Calaamadaha lagu garto dadkanna waxaa ka mid ah in qofku isaga oo aan is dareensanayn uu dabiib ka raadiyo isticmaalka taleefannada gacanta ee casriga ah iyo gaar ahaan baraha bulshada, sida Facebook, laakiin dhibaatadu ay tahay in uu dhib dheeraad ah uun ka sii qaado, kana soo jeesto isaga oo aan weli naftiisa ka raalli ahayn ama murugadu ku sii korodhay uun.

  1. Argagax ah in taleefanku kaa lumo ama waxa afka caafiamadka loogu yeedho Nomophobia: Warbixintu waxa ay sheegtay in Nomophobia ay tahay xaalad caafimaad oo qofka ku abuuraysa in uu ka baqo in uu taleefankiisa gacanta waayo, taas oo mararka qaarkood gaadha heer aynu taleefanka raadinno innaga oo gacanta ku hayna.

Manuel Armayones waxa uu sheegay in calaamadaha xaaladdan lagu garto ay ka mid tahay qofka oo iska ilaaliya in taleefanka gacantu uu mar keliya gacantiisa ka fogaado, heerna gaadha in uu xamaamka la galo ama in isaga oo wada shaqo kale oo xitaa shaqooyinka kijadu ku jiraan in uu dhinaca kalana ka wad-wado taleefanka iyo booqashada baraha bulshada. Waxa kale oo xaaladdan qofka lagu arkaa in uu cabsi gaar ah ka qabo in taleefanku uu ka dab beelo.

Waxa uu dhakhtarku dadka xaaladahan isku arka kula taliyey in ay naftooda ku tababaraan in ay waqtiyada qaar si badheedh ah isaga fogeyso taleefanka, tusaale ahaan in dabka aanay gelin xitaa iyaga oo og in uu dhaqso uga dab beelayo, ama in ay marmarka qaarkood guriga kaga tagaan iyaga oo shaqo ama hawlkale bannaanka ugu baxaya. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in qofku uu iska joojiyo in habeenkii uu isticmaalo taleefankiisa gacanta.

  1. Ismoodsiiska codka iyo gariirka taleefanka: Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka qabatima isticmaalka taleefanka lagu arko xaalad loo yaqaanno xidhiidhada ismoodsiiska ah, taas oo ah in qofku uu mar keliya dareemo in taleefankiisu dhacayo ama gariirayo, haddii uu codku ka xidhan yahay, laakiin uu yahay ismoodsiis aan run ahayn.

Xaaladdani waxa ay qofka ku abuurtaa walbahaar aanu garan sida uu ugu yimi iyo in uu mar kasta feejigni dheeraad ah ugu jiro dhegeysiga iyo la socoshada taleefankiisa.

Waxa aanay xeeldheereyaashu ku talinayaan in qofka xaaladdan oo kale isku arkaa uu muddo hakiyo isticmaalka taleefanka gacanta.

  1. Khalkhal maskaxeed: Xaaladdani waa marka uu qofku isku arko in uu ku jiro dareen aan ka maarmayn in uu rogrogo bogagga kala duwan ee internet ka, isaga oo raadinaya hadba muuqaallo iyo qoraallo ka sii fiican kuwa uu arkayo, si uu taas u helana gujinaya waxyaabaha kala duwan ee ay dadka baraha bulshada ugu jiraa soo dhigaan bogaggooda.

Xaaladdani waxa ay qofka ka qaaddaa raalli ahaanshiyaha iyo qancista, waxa aanu mar kasta qawadaa waxa uu hayo, isaga oo u hanqal taagaya wax kale oo dheeraad ah.

Haddii uu qofku xaaladdan isku arko sida ugu fiicani waa in uu isku cadaadiyo cilmibaadhista iyo xog ka raadinta buugaagta qoran iyo akhriskooda. Isaga oo weliba ku dadaalaya in uu diiwaangeliyo xogaha uu helayo, kaddibna muddo marka uu wado uu barbar dhigo xogaha uu marka hore muddada intaas le’eg ka dheefi jiray bogagga kala duwan ee uu baraha bulshada ka booqanayey si u uu qiimeeyo labada jeer midka ay baadhistiisu faa’iido badan u yeelatay.

  1. Raadka ‘Google’ ka: Saamaynta ugu weyn ee illaa hadda la ogyahay in ‘mishiinka baadhista xogta ee Google’ uu maskaxdeenna ku leeyahay waa in uu ku abuuro dareen ah in ay u aragto in ‘Google’ uu yahay qayb ka mid ah oo ka caawinaya ama u qabanaya hawsha xasuusashada, sidaa awgeedka ay daciifto xasuusteedu.

‘Google’ oo adegyo badan oo dheeraad ah ku soo kordhiyey dhinaca xusuusta iyo qoraalkeeda ayaa ay khubaradu aaminsan yihiin in uu dhaawac ku yahay dadaalkii ay maskaxdu gelin lahayd waxbarashada ama arrimaha muhiimka u ah ee ay tahay in ay xafiddo.

Xeeldheereyaasha qaar ayaa ku doodaya in muhiim ay tahay in aadamuhu uu dib u eego dhib iyo dheef waxa ugu jira Teknoolajiyada xogta, isla markaana ay wax iska weydiiyaan dhaawaca ay ku keenayso awooddii xusuusta qofka iyo dadaalkii ay maskaxdu ku raadin jirtay in ay wax badan xafiddo. Sida ugu fiican ee uu qofku maskaxdiisa ku badbaadsan karaana waa in uu naftiisa ku tababaro in wax badan ay xafido, xitaa haddii marka ugu horreysa ay ‘Google’ ka heshay in ay mararka dambe xasuusato.


Xigasho geeska



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip