Daraasad: Dadka uu haleelo dhiig-karka ee 30-40 jirrada ah waa iney la socdaan caafimaadka maskaxdooda
November 13, 2019
Latest Headlines:   _

Daraasad: Dadka uu haleelo dhiig-karka ee 30-40 jirrada ah waa iney la socdaan caafimaadka maskaxdooda

0
Tuesday September 10, 2019 - 06:47:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad: Dadka uu haleelo dhiig-karka ee 30-40 jirrada ah waa iney la socdaan caafimaadka maskaxdooda

    Daraasad ayaa sheegtay, dadka ay da'dooda dhowr iyo soddon jirka tahay iney lagama maarmaan tahay iney aad ula socdaan xaaladda dhiigkarkooda si ay maskaxda uga ilaaliyaan saameynta caafimaad uu u geysan lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad ayaa sheegtay, dadka ay da'dooda dhowr iyo soddon jirka tahay iney lagama maarmaan tahay iney aad ula socdaan xaaladda dhiigkarkooda si ay maskaxda uga ilaaliyaan saameynta caafimaad uu u geysan lahaa.

Dadkaasi oo xaaladda dhiig karkooda aad ula socdo waxay "fursad wanaagsan u noqoneysaa" iney xaaladdooda caafimaad wanaagsanaato inta ay ka gaarayaan kontan jirrada.

500 oo qof oo 1964 uu haleelay cudurka dhiigkarka weliba aadka u sarreeyo iyaga oo ay da'dooduna tahay da'da dhexe wuxuu si weyn uu u saameeyey xiddiiddada maskaxda waxay si weyn u waxyeelleysay caafimaadka Maskaxda.

Khubarada daraasaddan sameeysayna waxay sheegeen dhiigkarka aadka u sarreeyo ee qofka haleelo marka ay da'diisu u dhaxeysa 30-40 jirrada "waxay dedejisaa waxyeellada" uu caafimaadka maskaxda u geysto.

Tani ma aha marki ugu horreysay oo ay khubarada caafimaadku ay daraasad ay ku sameeyeen dhiig karka ay soo saaraan waxayna horay khubara kale ay daraasad ay sameeyeen ku sheegeen dhiigkarka inuu xiriir la leeyahay cudurka dhimirka ku dhaca.

Balse saaynisyahannadu waxay sheegeen iney baaritaanno iyo cilmaa baadhis dheeri ah oo ku saabsan sida iyo habka uu cudurka dhimirka xiriirka ula lahaa oo faahfaahin badan laga soo saaro ay u baahan yihiin in la sameeyo.

Inta ay daraasadda cusub khubaradu wadeen waxay sameeynayeen mar weliba waxay cabbirayeen heerka dhiigkarka dadka daraasadda ka qayb qadanayey uu maraya iyo maskaxda oo ay Koombiyuutar ka saaraan si ay xaalkooda caafimaad marwalba ula socdaan.

Dhiigkarka oo kor u kaca dadka ay da'dooda u dhaxeyso 36-43 jir waxaa lala xiriiriyaa inuu wax u dhimo caafimaadka maskaxddda.

'Dardargelinta waxyeellada'

Qofkasta waxyeellada caafimaadka maskaxdiisa soo gaarto waxay ku xiran tahay da'da qofka uu jiro, balse waxay xiriir aad ah ula sii leedahay qofka waxa uu ka qabo xididdada dhiigga maskaxda geeya.

Khubaraduna waxay sheegeen sababta ay uga gaabsadeen iney calaamadaha qaar ay soo bandhigaan, waxay khubaradu sheegeen iney uga wacan tahay daraasadda qaybaheedi kale oo weli socota dadki daraasadda laga qayb geliyeyna xaaladdooda caafimaad ee maskaxda iyo dhiigg karkooda sida uu iisu bedbeddalayo lala soconayo.




Khubarada oo natiijada daraasaddooda si wata waxay sheegeen dadka uu dhiigkarka hayo oo ay da'dooda u dhaxeyso 43-53 jir inuu ku keeno xididdada dhiigga oo uu wax u dhimo, marka ay dadkaasi da'dooda gaarto 70 jirradana wuxuu ku keenaa 'dhiig furan yar' oo maskaxda qofka uga furmo.

Daraasaddan waxaa hogaaminayey Barafasoor Jonathan Schott, oo ah dhakhtar ku takhasusay neerfaha oo ka tirsan machadka neerfaha ee UCL Queen Square.

Wuxuuna sheegay: "Dhiigkarka 30 jirrada qofka ku haleena wuxuu tobaneeyo sano uu soo garaacayaa caafimaadka maskaxda si uu wax ugu dhimo, marka waxaa loo baahan yahay in aad loo adkeeyo la socodka, dabagalka iyo baaritaanka joogtada ah oo lagu sameeyo caafimaadka maskaxda qofka si saameeynta uu mustaqbalka uu u geysan lahaa qofka uu uga sii gaashaanto."

Barafasoor Schott oo BBC u warramay wuxuu sheegay: Hay'adda bixiso daryeelka caafimaadka ee NHS iney xoogga saaraan iney xaaladdooda caafimaad baaraan dadka ay da'dooda ka billaabato 40 jirrada 50%, balse natiijada daraasadda ayaa waxay ku tala bixineysaa iney habboon tahay in baaritaanka dhiigkarka la xiriira la billaabo inta ay qofka da'diisu gaarin 40 jir iyo wixi ka horreyo.

Barafasoor Paul Leeson oo ah barafasoor takhasuskiisu yahay caafimaadka wadnaha oo ka tirsan jaamacadda Oxford wuxuu yiri: "daraasaddu waxaan ku ogaannay dadka uu haleelo dhiigkarka aadka u sareeya iney mustaqbalkooda dambe ama ay da'dooda weynaato uyu maskxadooda siyaaba kala duwan u waxyeelleeyo."

"Dhakhaatiirtu waxay hadda ka doodi hayaan qofka inta ay da'diisu yar tahay laga daweeyo dhiigkarka aad u sarreeya iney ka hortagi karaan waxyeellada uu maskaxda u geysan lahaa iyo inkale."

Dr Carol Rouledge, oo ah agaasimaha xaruunta cilmi baadhista cudurka asaasiqa ee Alzheimer ee dalka Britain wuxuu sheegay: "Dhiigkarka aadka u sareeya ee da'da dhexe ku yimaadda uu ka mid yahay waxyaabaha ugu adag ee dhaliya khatarta ugu weyn ee qof kala soo dersita cudurka waallida dhimirka."

"Daraasaddan waxaa kale oo ay ku tala bixisay daweynta adag ee dhiig karka lagu sameeyo bariyahan dambe iney soo wanaagsanaaneyso taasina ay wanaajin karto caafimaadka maskaxda qofka dhiigkarka qaba marka uu weynaado."

"Marka waa inaan sii wadnaa dadaallada aan ku maareeyneyno kuna xakameyneyno dhiig karka aadka u sarreeya xitaa dadka ay da'dooda yartahay uu cudurkaasi haleelay."



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip