Ma Samayn Lahayd inaad Lahadasho ama Waaniso Qof isagu Damacsan inu Naftiisaa Khaarajiyo ? Halkan kaga bogo warbixin arintaasi Faalaynaysa
September 19, 2019
Latest Headlines:   _

Ma Samayn Lahayd inaad Lahadasho ama Waaniso Qof isagu Damacsan inu Naftiisaa Khaarajiyo ? Halkan kaga bogo warbixin arintaasi Faalaynaysa

0
Tuesday September 10, 2019 - 06:37:47 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Samayn Lahayd inaad Lahadasho ama Waaniso Qof isagu Damacsan inu Naftiisaa Khaarajiyo ? Halkan kaga bogo warbixin arintaasi Faalaynaysa

    Ma Samayn Lahayd inaad Lahadasho ama Waaniso Qof isagu Damacsan inu Naftiisaa Khaarajiyo ? Halkan kaga bogo warbixin arintaasi Faalaynaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Samayn Lahayd inaad Lahadasho ama Waaniso Qof isagu Damacsan inu Naftiisaa Khaarajiyo ? Halkan kaga bogo warbixin arintaasi Faalaynaysa

40-kii ilbiriqsaba, qof dunida ku sugan ayaa naftiisa dila.

Ku dhowaad 800,000 oo qof ayaa sanad walba naftooda dila sida ay sheegtay hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO) waana waxa labaad ee sababa dhimashada dadka ay da`doodu u dhaxayso 15 ilaa 29 sano, marka laga soo tago shilka waddooyinka.

WHO ayaa sheegay in mowduuca dadka naftooda dila aanan si waafi ah looga hadlin, waxayna saameysaa carruurta, waaliddiinta, lammaanaha, saaxiibbada amaba dadka aad isku meel ka shaqeysaan.

Iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta ka hortagga dadka naftooda dila, ayaa waxaan eegeynaa qaababka loola hadlo qof ku fekeraya inuu naftiisa dilo.

Bilow wada hadalka



Ma jiro hab sax ah amaba khalad ah oo looga hadlo dareenka isdilka - inaad hadalka bilowdo ayaa muhiim ah, sida ay Emma Carrington, oo ah afhayeenka Rethink UK, u sheegtay BBC-da.

"Ugu horreyn waa inaan fahannaa inuu yahay wada hadal adag. Ma aha wax aan maalin walba ka hadalno. Sidaas daraaddeed waad nixi doontaa wana wax iska caadi ah ."

Presentational grey line

Talo ku aaddan sida loola hadlo qof ku fekeraya inuu is dilo:

  • Dooro meel deggan oo qofka kalena uu nafis ku dareemayo.
  • Hubi inaad labadiinnuba haysataan waqti idinku filan oo aad ku hadashaan.
  • Haddii aad wax khaldan tiraahdo, ha walwalin; ha ciqaabin naftaada.
  • Qofka kale diiradda saar, indhaha toos uga eeg, telefoonka iska fogee. Dareenkaaga dhan sii.
  • Dulqaad yeelo. Waqti badan ayay qaadan kartaa inuu qofku is furfuro.
  • Adeegso su`aalo furan oo u baahan jawaab ka badan haa/maya. Hubi inaad fahantay.
  • Hadalka haka dhexgelin qofka amaba xal haku degdegin; hala soo boodin fekraddaada ku aaddan sida qofka kale uu dareemayo.
  • Hubi inay ogyihiin halka ay ka heli karaan caawinaad rasmi ah.
Presentational grey line

Yaa khatar ku jira?

Isdilku wuxuu saameeyaan da`aadka kala duwan ee dadka balse ragga ayaa u badan kuwa naftooda dila.

Sanadkii 2016 ragga naftooda dila ayaa ka badnaa haweenka. Ruushka waa dalka ugu badan ee ay raggu naftooda dilaan, marka loo barbardhigo haweenka.

Xiriirka u dhaxeeya inuu qofku naftiisa dilo iyo xanuunka dhimirka (gaar ahaan, walaaca iyo isticmaalka daroogada) ayaa la caddeeyay.

Balse waxaa sidoo kale qofka ku kallifi kara inuu naftiisa dilo ayaa ah dhibaatooyinka nolosha, dhibaatooyinka dhaqaale, xiriirka lammaanaha, iyo xanuun raagay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip