QORSHAHA IS BALLAARINTA IYO AWOOD SHEEGASHADA ETHIOPIA AY CIIDAMADA BADEED KU SAMAYSANAYSO
November 21, 2019
Latest Headlines:   _

QORSHAHA IS BALLAARINTA IYO AWOOD SHEEGASHADA ETHIOPIA AY CIIDAMADA BADEED KU SAMAYSANAYSO

0
Saturday April 27, 2019 - 13:58:55 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORSHAHA IS BALLAARINTA IYO AWOOD SHEEGASHADA ETHIOPIA AY CIIDAMADA BADEED KU SAMAYSANAYSO

    QORSHAHA IS BALLAARINTA IYO AWOOD SHEEGASHADA ETHIOPIA AY CIIDAMADA BADEED KU SAMAYSANAYSO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QORSHAHA IS BALLAARINTA IYO AWOOD SHEEGASHADA ETHIOPIA AY CIIDAMADA BADEED KU SAMAYSANAYSO

Xukumadii Boqor Xayle Salaase ee ka Ariminaysay dalka Itoobiya ayaa 1958 aasaastay Ciidamadii badda ee ugu horreeyey Itoobiya, xilligaasi oo ay wadamada Afrika intooda badan ku jiraan gacanta guumeysiga, waxayna ciidamada badda Itoobiya ay noqdeen ciidamada badda ugu xoog badnaa qaaradda Afrika.
Taliyaha ciidamada badda ee Itoobiyana wuxuu tababarkiisa ku soo qaatay dugsi ciidamada badda ay leeyihiin oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa si aqlabiyad leh ku Ansixiyey 20 December 2018, Dhismaha Ciidamada Badda dalkaas iyagoon bad lahayn, Markii la doortay Abiy Axmed, "Waxaan dhisaynaa ciidamo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika". ayuu yiri ra'isal wasaaruhu.

12kii Maarso 2019, Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday Heshiis iskaashi Millateri uu qayb ka yahay in Dal aan lahayn badda lagu caawiyo dhismaha Ciidan Badeed, kaddib socdaal afar maalmood qaatay oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku yimid Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.
04 April 2019, Waddamada ku bahoobay urur gobolleedka IGAD ayaa shaaciyay qorshe ciidan badeed oo wada jir ah loogu samaynayo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo Itoobiya Qorshaheeda ciidan loogu danaynaayo.
Go;aankaas oo daba jooga shirkii Wasiirada arrimaha Dibedda dalalka IGAD ku bahoobay ku dhex maray Magaalada Jabuuti 27kii Febraayo 2019, oo qorshahaas lagaga wada Hadlay.
Itoobiya waxay leedahay mac-had lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxana sanad kasta ka soo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxana la qorsheynaya in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 Xirfadle.

Qorshahaan waxaa dabada ka riixaya Faransiis, Yuhuud iyo Maraykan, wuxuuna khatar ku yahay Badaha Somaliya oo aan ciidan badeed lahayn.

XIGASHO WARGEYSKA KAAHA BARI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip