Guumaysiga Qarsoon Ee Itoobiya. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
November 13, 2019
Latest Headlines:   _

Guumaysiga Qarsoon Ee Itoobiya. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

0
Thursday February 28, 2019 - 23:29:23 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guumaysiga Qarsoon Ee Itoobiya. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Guumaysiga Qarsoon Ee Itoobiya. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guumaysiga Qarsoon Ee Itoobiya. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Macaluul waxkaagama taraan maal luguu guraye,

Middigtaadu waxay xoogstaybaa maydha gaajade,

Marki aanad lahayn looma lulo maanka weligaaye,

Magaabadda hashaadaa karoon maydhaan kaleee”

…Allaah yarxama Abwaan tima-cadde

 

Run ahaantii ilaa mudadii ay qaraxday colaadii ka dhex bilaamatay labada qoomiyadood ee Soomaalida Iyo Oromada ee Dalka Itoobiya, saameyn iyo waxyeelo ayey soo gaadhsiisay dal iyo dad aan lugu ku lahayn colaadaas.

Guud ahaan magaalooyinka Somaliland, maalmahan colaadu ka jirtay Itoobiya, ee ay ku dagaalamayeen labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromadu waxaa gebi ahaanba go’ay waxsoosaarkii Itoobiya ee soogeli jiray Somaliland, inta badan warbaahinta gudaha Somaliland waxay tebinaysay oo si faahfaahsan uga hadlaysay Qaadka ama Jaadka oo kamid ah waxsoosaarka Oromada ee gebi ahaanba ka istaagay gudaha Somaliland, taasi waa mid khusaysa ama saameyn ku yeelatay dadkii qabatimay qaadka hawadaayga ee Itoobiya, laakiin waxaa jira waxsoosaaro kale oo guud ahaan ka istaagay suuqyada Somaliland kuwaas oo daruuri u ah nolosha iyo jiritaanka bin-aadamka, ilaa intii uu xidhnaa xuduudka Somalida iyo Oromadu waxaa gudaha Somaliland laga isticmaalayey waxsoosaar dhanka khudarad ah oo aan tiro badnayn oo kasoo baxay dalka gudihiisa gaar ahaan gobolada galbeedka oo ku fiican waxsoosaarka.

 

Suuqyada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayaa yaraanta ama kala go’a inta badan khudaartii lugu iibin jiray suuqyada ee lugu samaysan jiray cuntooyinka wakhtiyada kala duwan. Mar aan khudaar yaraanta wax ka weydiiyey qaar kamid ah hudheelada laga cunteeyo waxay tilmaameen in dalka gudihiisa aan wax tiro leh aan lagasoo saarin, taas badalkeedana inta badan khudaarta qaydhin iyo khudaarta bisil labaduba kayimadaan dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada qoomiyada Oromada, Tani waxay tusaale u tahay dal iyo dad ku tiirsan nolol ahaan dal iyo dad kale.

Tusaale: Inta badan cuntooyinka daruuriga ah ee laga cuno gudaha Somaliland waa Bariis, baasto, garow, canjeero iyo hilib. Bariiska iyo baastadu waxay kasoo degaan dekeda Berbera oo waxay kayimamdaan wadamo kale, Khudaarta sida Xabuubta (yaanyada), Barandhada, Kaabashka, Qajida, Basasha, Toona iyo wixii lamid ahiba inta badan waxay ka yimadaan Itoobiya oo hadda waxay galeen hakad kaga yimi colaada ka dhex taagan qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida, sidoo kale waxaa hadda hakad ku yimi oo gebi ahaanba istaagay Khudaarta macmacaan ee bisil, sida liin macaanta, muuska, afo-kaadhada, canbaha iyo in kale oo badan.

Hadaba su’aashu miyaanay ahayn siday noqon doontaa hadii ay Itoobiya gebi ahaanba inaga jarto waxsoosaarkeeda ay inoosoo dhoofiso? Ma waxaa ina kaafiyaaya oo aynu ku noolaan karnaa wax yar oo deegaano yaryar aynu ka beernay oo aynaan si fiican uga faaidaysan ama aynaan u tayeynin?

Mar nin aanu saaxiib nahay oo waxbarasho u joogay dalka Itoobiya aanu mar is wareysaneynay waxa uu igu yidhi hadal runtii aad iiga yaabiyey kaas oo ah in dadka Oromada ama Itoobiyaanku ku maahmaahaan "70 ka Milyan ee Itoobiyaanka ah waxaa ka dhaqaale badan 3 milyan ee Hargeysa ku nool”, sida aan u yaabay adiguna ha u yaabin waayo Qaadka iyo khudaartuba waxay inooga yimadaan Itoobiya.

Ceeb iyo caydh ayey inugu tahay in dad tiro ahaan aad u yar oo aan gaadheyn 5 milyan aanay lasoo bixi Karin wixii ay ku noolaan lahaayeen, bil hadii laga xidho dekeda iyo xuduudahana ay gebi ahaanba Illahay oo meel kale ka quudiya mooyaan ay dhindhimanayaan.

Fadlan akhristayaal, muwadiniinta sharafta leh aynu usoo jeedsano dalkeena oo aynu ka faaidaysano raxmaadka rabi ee Eebe inugu manaystay abaar dheer kadib, maanta meelo badan oo dalkeena ah waxaa wadhan biyaha iyo xareeda, ee aynu ka faaidaysano oo aynu noqon dad waxsoosaar leh oo aan ku fikirin maxaynu cunaa oo keliya.

Mahadsanid

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail:Xamse18@gmail.com

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip