Caalamka:-Imaaraadka oo waqti kama dambays ah u qabtay Xuutiyiinta ku sugan Xudeydah.
December 13, 2018
Latest Headlines:   _

Caalamka:-Imaaraadka oo waqti kama dambays ah u qabtay Xuutiyiinta ku sugan Xudeydah.

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:48:45 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Imaaraadka oo waqti kama dambays ah u qabtay Xuutiyiinta ku sugan Xudeydah.

    Caalamka:-Imaaraadka oo waqti kama dambays ah u qabtay Xuutiyiinta ku sugan Xudeydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Imaaraadka oo waqti kama dambays ah u qabtay Xuutiyiinta ku sugan Xudeydah.

Wadanka Imaaraadka ayaa u qabtay kooxaha Xuutiyinta Yemen waqti kama dambays ah oo ay ciidamadooda ugala baxaan magaalada dekadda leh ee Xudeydah.

Imaaraadka ayaa waxa ay ku hanjabeen in haddii aysan Xutiyiinta ciidamadooda halkaasi kala bixin ay weerari doonaan.

Gargaarka bina'aadanimo ee muhimka ah ee la gaarsiiyo Yemen ayaa waxa uu ka degaa dekadaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa BBC u sheegay in isbahaysiga uu dulqaadkii ka dhamaaday gaar ahaan marka ay timaado in arrintan lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.

Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxa ay horey Xuutiyinta ugu qabteen in muddo 48 saacadood ah ay uga baxaaan Xudeydah.

Horey ayay dowladda Britain u sheegtay in ay isku dayi doonto in ay ku qanciso xulufadada uu Sacuudiga hogaamiyo in aysan weerarin magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yamen.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 250,000 ay naftooda halis galaayso haddii xulufada Sacuudiga ay ku dhaqaaqaan weerar ay ku qadaan dekadda magaaladaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip