Saddexdaasi Inta ay Jiraan Guuli Waa Weli ! W/Q: Saciid Cagjar
September 22, 2018
Latest Headlines:   _

Saddexdaasi Inta ay Jiraan Guuli Waa Weli ! W/Q: Saciid Cagjar

0
Thursday June 21, 2018 - 00:46:10 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexdaasi Inta ay Jiraan Guuli Waa Weli ! W/Q: Saciid Cagjar

    Saddexdaasi Inta ay Jiraan Guuli Waa Weli ! W/Q: Saciid Cagjar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexdaasi Inta ay Jiraan Guuli Waa Weli ! W/Q: Saciid Cagjar

Jiritaanka madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland cimri ahaan waa labatan iyo todoba sanno marka la eego xawliga socodka iyo xawaarahu ma yara waayo waxa uu laba sanno dhaafay cimriga rubuc qarniga dunida

 

Marka la eego da’da aynu jirno iyo waxa inoo qabsoomay boqolkii shan kama noqoysa cimriga aynu jooga hadaba waxaa jira saddex qodob oo qabad ku ah horumar iyo badheedh uu qaranka gaadhi lahaa si uu la jaanqaado waddamada dunida gaar ahaan kuwa aan aqoonsiga ahayn sida Taiwan

:

 

1)Qabyaalad;

Qabyaaladawaa wax ilaa hadda aad looga tixgeliyo bulshada Somaliland dhexdeeda, balse u keentay waxyeelo baahsan oo cuqubo iyo horumar la’aanba leh, kana noqday cudur, kaas oo dillaaca xilliyada saameyntiisu ugu badan tahay oo khilaaf dhaco, iyadoo loo adeegsanayo guubaabo. Waxayna ku xidhan tahay cidda ma jaraha u haysa amma taladu ka go’do si haddii ay sii huriyaan iyo in ay suuliyaan amma hakiyaanba.inkasta oo shanti madaxweyne ee hoggaanka usoo qabtay Somaliland aanay ku guulaysan wax ka qabashadeedna taa bedelkeedana lagu tilmaamay in ay sii huriyeen

Abwaan keenii allaha u naxariistee (Cabdilaahi Suldan Tima-cade)

Waxa uu ka yidhi qabyalada somalida

 

Dugsi maleh qayaaladi wax dumiso mooyaane

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahooy, duunka ka heshiiso

Dadka Kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

 

2)Hoggaan-xumo;

Waxa cad oo marag aan u baahnayn in dadka Somaliland aysan helin hoggaan Wanaagsan oo daajiya halkay rabeen , hoggaanka Somaliland waxa ay u badan yihiin daynastayaal kursiga u fuula danahooda iyo ta qoyskooda waxaana meesha ka baxday haggistii Wanaagsayd ee shucuubta dalkeena .

Sida hoggaan xumadaas looga bixi karo waa in la helo dad aqoonyahan ah, wadaniyad leh, dadnimo wanaagsan oo ay dadka ku hoggaamin karaan leh dadkaasina cirka kama imaanayaan, dhulka kama soo baxayaan ee waxay ka dhex curanayaan bulshada Somaliland .

 

–Somaliland uma baahna nin kursiga lagu fadhiisiyey ee waxay u baahan tahay nin kursiga gaya, wadaniyad iyo waayo aragnimo leh, oo ku baraarugsan halka dunidu geediga u tahay.

 

– Somaliland maantay uma baahna hoggaamiye qabiil, koox gaar ah, urur diineed iwm oo u jilib xidhan hantida dalka kuna naas nuujinaya qoysaskooda ee waxa ay u baahan tahay mid la tartansiiya dunida ay kaga nool yihiin barigga Afrika.

 

– Somaliland waxa ay u baahan tahay hoggaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka u adeegaya, abuuri kara hanan dowladnimo oo isla xisaabtan leh, kana madhan gacmo shisheeye. Iyo danno gaar ah

 

– Somaliland maantay uma baahna nin soo shaqo tagay oo raba in uu meesha dhaqaale ka sameeya, hantida dad weynaha lunsado ee waxay u baahantahay nin hantidiisa gaarka ah dadka ugu adeegaya.

 

– maantay waxaan u baahanahay hoggaamiye ku dayasho leh soona saara hoggaamiyaashi berri. Waxaana lagu heli karaa hoggaamiye lahaansha waddankiisa aminsan (Waddaniya )

 

3) Caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay caadeysteen siyaasiyiinta aan damiirka lahayn.

 

Siyaasiyinta raba in loo dhiibo xilalka iyo mansabka ugu sareeya dalka ayaa ku caano meelay lunsiga hantida umadda , musuqmaasuqa dhinacyada dhaqaalaha , wakhtiga iyo adeegyadda bulshada ah taasi oo rajo beel iyo quus ku riday dadkii dalka jecel ee u heelana horumarka iyo wax ka bedelka nolosha qoysaska qaranka ku abtirsada , haddaan la helin hoggaamiye la xisaabta siyaasiyinta uu xilalka u dhiibanaya oo ku abaal mariya wanaag iyo xumaan waxa ay qaranka gaadhsiiyan meesha ka saara Caaddifada indhaha la’a , jahliga fiirada gaaban iyo maalin-la noolnimada ay ku caan yihiin inta badan kuwa maamulka bulshada u haya iyo kuwa xilalka ka raadiya hoggaanka dalka.

 

 

 

W/Q: Wariye Saciid Faarax Cagjar

" Saciid Faarax Cagjar Waa Saxafi ka hawl gala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland. Waxaa uu hadda u shaqeeya Wargeyska Dawan, waxaa uu 9 sanno ee ugu danbeeyey uu wax ku qoraayay warbaahinta kala duwan ee soomalida, waxaana uu daabacay maqaalo tiro badan oo bulshadda khuseeya "

Hargeysa/Somaliland

00252634421898



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip