Ethiopia maal-gashiga 4 ta Dekadood ee xeebaha somalida Saylac ama Lughaya ha ugu horeeyaan 4 sababood dartood. Dr.khadar-Libaaxley.
July 19, 2018
Latest Headlines:   _

Ethiopia maal-gashiga 4 ta Dekadood ee xeebaha somalida Saylac ama Lughaya ha ugu horeeyaan 4 sababood dartood. Dr.khadar-Libaaxley.

0
Wednesday June 20, 2018 - 01:42:18 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia maal-gashiga 4 ta Dekadood ee xeebaha somalida Saylac ama Lughaya ha ugu horeeyaan 4 sababood dartood. Dr.khadar-Libaaxley.

    Ethiopia maal-gashiga 4 ta Dekadood ee xeebaha somalida Saylac ama Lughaya ha ugu horeeyaan 4 sababood dartood. Dr.khadar-Libaaxley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia maal-gashiga 4 ta Dekadood ee xeebaha somalida Saylac ama Lughaya ha ugu horeeyaan 4 sababood dartood. Dr.khadar-Libaaxley.

Kadib Hambalyo iyo bogaadin rai’sal wasaaraha itoobiya Dr. aby axmed cali oo ah xidig weyn oo u soo baxay geeska afrika marka la eego isbadelada taariikhda galey ee uu ku sii socdo rasadooda , dhamaantoodna xisaabsan mucjisooyin wax ku ool ah ; Si kooban waa tuma itoobiya? Ethiopio waa hoyga xarunta rasmiga ah ee afrika, waa gayigii ay ku bad-baaday 2 jeer diinta aan haysto aniga iyo muslimiin badan xilligii ay biqilka ama curdinka aheyd; kadib ishaarada hijrada baladul xabash ee asxaabta (Nabi maxamed NNKH) Somaliland waxa ay nasiib u heshay marinka hijradaa bilaadul xabash ( saylac) marinka iyo albaabkii ay soo mareen hormadii ugu horeysay ee diinta islaamta qaadatay si ay itoobiya magan-galyo siyaasadeed ugu joogaan; ugu danbeyn itoobiya meeshii laga xoreeyey Somaliland dulmiga taliskii Somalia 1990.

6/16/2018 waxa magaalada muqdisho hishiis iskaashi oo dhinacyo badan khuseeya wada-jir ku wada saxeexday dawladaha Somalia iyo itoobiya ; kaas oo ay ugu muhiimsaneyd maal-gashiga 4 dekadood dhanka itoobiya oo mudan in si weyn loo soo dhaweeyo;

Waxa aan rajeynayaa maal-gashiga 4 ta dekadood ee itoobiya xeebaha soomaalida ku maal-gashaneyso in dawlada muqdisho u qaybiso fursada maal-gashiga 4ta dekadood sida tan ( 2 ports for Somaliland because of stronger stability and peace than Somalia and 2 ports for Somalia ) khayrka iyo khayraadka kale ee dunida ka soo kor-dhaayana nabad, xasilooni iyo buuq la’aan lagu sugo inta Somaliland aqoonsi buuxa ka hellayso Somalia iyo dunida inteeda kale.

Waxa aan madaxweynaha Somaliland, madaxweynaha Somalia iyo rai’sal wasaaraha itoobiya iyo dhamaan cid kasta oo ay khusayso maal-gashigan 4ta dekadood ee itoobiya maal-galinayso in ay ugu horeysiiso maal-galinta dekada ( Saylac ama Lughaya) sababahan dartood:

1. Gumeystaha hortii dekada saylac oo aheyd dekada ugu weyn geeska afrika ee ay gacanta ku hayeen dawladii cusmaaniyiinta iyo boqortooyadii (ADAL) oo ay caasimad u aheyd saylac geeska afrika isla markaana aheyd marinka koowaad ee itoobiya ( Zaila to Harar), raad iyo taariikh islaam ka carar darteed gumeysta yaashii ingiriiska iyo faransiisku si qabow albaabada u xidheen dekadii saylac iyo horumar ay siisameyn la hayd intaba.

2. juquraafi ahaan maabka iyo xuduuda caalamiga meel kasta oo Gobolka Awdal ka mid ah ayaa ah halka ( biyaha bada itoobiya ugu dhow) marka laga qiyaas qaato fogaanta badka dhulka magaalooyinka Somaliland ee xadka itoobiya ku yaal inta ay u jiraan biyaha bada tusaale ahaan xarunta gobolka Awdal ee Borama iyo Xariirad oo ku teedsan xadka Somaliland iyo itoobiya waxa ay biyaha bada u jiraan sida tan ( Borama to Lughaya= 118 km, Xariirad to saylac = 150 km; iyada oo waliba meesha kale ee itoobiya biyaha bada ugu soo dhaw tahay xarunta gobolka saaxil ee barbera ( Berbera to wajaale = 250 km.

3. mar-kale sameyska dhulka , maabka iyo xuduuduhu sida ay u yaalaan ( Xeebaha gobolada Awdal iyo Salal waa xeebaha kaliya Djabuuti marka laga reebo ee u dhaw Xarunta Caasimada itoobiya Adis ababa , xarunta dawlad deegaanka soomaalida itoobiya ee jigjiga iyo xarunta guud ee ganacsiga itoobiya Diri-dhaba) marka laga qiyaas qaato fogaanta badka dhulka xuduuda itoobiya inta ay biyaha bada u jiraan Somalia iyo Somaliland.

4. Gobolada Awdal iyo Salal ayaa ah kuwo 100 sanno ee u danbeeyey hoy u noqday ( Nasiib daro siyaasadeed ) marka laga yimaado ifafaalaha muuqda ee dhoolka soo shitay; nasiib darooyinkaa siyaasadeed ee ku habsaday gobolka waxa ka mid ahaa: dawladii 1961 israacii Somaliland iyo Somalia maal-galin kasta iyo mashruuc kasta oo qiima leh iyo mid aan qiima la heynba intuba ma soo dhaafi jirin magaalooyinka iyo deegaanaada siyaasiinta talada dalka gacanta ku haya ee ( Daarood iyo Hawiye) wixii soo dhaafa waxa ugu weynaa ( laameyda dilla ku joogtay iyo dekada Berbera oo ajaanid dhisay) ; waxa ay mar-walba u eeg tahay in cadaalad daradu hoy u tahay madaxda soomaalida meel ay joogaan ba haba yaraatee iyaga oo aan wax tix-galin ah siinin mudnaanta iyo ku haboonaashaha qaybinta fursadaha yimaada; taa badal keedana door bida fursad kasta oo soo baxda ama timaada ka fuur yeelida ( Deegaan kooda iyo dadka ay isku hayb dhawyihiin) waxa aan u soo jeedinayaa madaxda soomaalida meel ay joogaan ba ilmaadeerayaal doorkan bal jidhka isyara galiya, indhahana isku qabta oo maal-gashigaa 4ta dekadood ee itoobiya mid iskaga soo leexiya dhanka xeebaha ( Awdal iyo Salal ee la hagraday) ee waliba buuxinaya shuruudaha itoobiya dekadaha ku maal-gashaneyso oo ay ugu horeyso ( Nabad galyada, u dhawaanta xeebta awdal xadkeeda iyo u dhawaanta xeebta awdal ee xarunta ganacsiga itoobiya ee diri-dhaba, caasimada itoobiya ee addis ababa iyo waliba caasimada dawlad deegaanka itoobiya).

 

Gunaanad iyo gabagabo :

Waxa aan ahey muwaadin reer Somaliland ah aaminsan gooni isku taaga jamhuuriyada Somaliland ; hase ahaatee mar hadaaney ( Somalia iyo dunida inteeda kale wali ina aqoonsanin) waxa aan aaminsanahay saxna aan u arkaa:

1) in wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia dib loo furo oo waliba dhankeena ka yimaadaa illeyn inaga ayaa dan leh oo aqoonsiga doonayee.

2) maadaama dunidu wax ku bixiso, ku hishiis gasho magaca Somalia inta aynu u kala guureyno Somaliland iyo Somalia waa in aynu dawlada muqdisho ka doonano qaybteena deeqaha dunidu bixiso iyo waliba maal-gashiyada caalamiga ahna qeybteena soo qaadano oo ay ka mid tahay tan 4ta dekadood ; iima muuqato in aynu geed cidla’ah isku xidhno; ha shaqeyso diblomaasiyadu.

3) Waxa aan rajeynayaa maal-gashiga 4 ta dekadood ee itoobiya xeebaha soomaalida ku maal-gashaneyso in dawlada muqdisho u qaybiso fursada maal-gashiga 4ta dekadood sida tan ( 2 ports for Somaliland because of stronger stability and peace than Somalia and 2 ports for Somalia ) khayrka iyo khayraadka kale ee dunida ka soo kor-dhaayana nabad, xasilooni iyo buuq la’aan lagu sugo inta Somaliland aqoonsi buuxa ka hellayso Somalia iyo dunida inteeda kale.

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip