Na Daa Waan Ku Daynee, Dameer Malab La Saaroow
April 22, 2018
Latest Headlines:   _

Na Daa Waan Ku Daynee, Dameer Malab La Saaroow

0
Friday March 30, 2018 - 11:08:27 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Na Daa Waan Ku Daynee, Dameer Malab La Saaroow

    Digashadu Ma Fiicnee, Dilkaa Iyo Dhibaatadan, Dadkoodii Dhamaadeen, Damqashaba U Hayne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Digashadu Ma Fiicnee, Dilkaa Iyo Dhibaatadan, Dadkoodii Dhamaadeen, Damqashaba U Hayne.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

Waxa maqaalkan leh MD.Madaxweynaha SOMALIA.

Mudane iga gudoon.

DA’ UMA KORDHAYSOO,DUULKU WAA KUWIIYUUN,

DALKOODA LA BOOBIYO,DANHOOD MA DHAADAAN

DAWGAL WAA BELAAYE,BAL MAXANA DABADHIGAY,

DAWLAD BAANAY NOQONAYN,HADDII AYNA DAYAN.

DIGASHADU MA FIICNEE,DILKAA IYO DHIBAATADAN,

DADKOODII DHAMAADEEN,DAMQASHABA U HAYNE,

DOOLAR URURSIGOODIYO,DOOD MOOSHINUN TAHAY,

DABIIB IYO WAX SHEEGIYO,DUCAA LAGALA QUUSTO,

DOCKASTABA U CARAROO,DAALAA DHAC WEEYAAN,

DUNIDINA OGAATAYE,TOLOOW MIYEY DERDERANYIN,

DADKAN AY SUGAYSAAN,WAA HOREY DANAYSTEEN,

IDINA DOONIMAAYAANE,SHACABKIINAN DAAYACAN,

HADDAYDAAN DIFAACAYN,MAA KU KALA DAREERTAN,

DURBAAN BEENA TUMISTI,WAA HORUNA DHAASHADAY,

DARIIQII ADEERKAA DOCANA,MAAD KA MARINOO,

DURUUSTII U KUU DHIGAY,DUSHAAD WELI KA HAYSA.

 

DOQONIIMO WAA CEEB,DADKII WAYS BARTEENOO,

DUNIDU MAAHA TII HORE,WARAAQAA LA DIRI JIRAY,

DAQIIQAD WEEYE KELIYOO,IYO DAALAC YAA SHAMIS,

DURDURADIYO ORODKUU,GEEL DIBIRAY KU JABAYAA.

DOOLARKAAD DHURAYSEE,DEKEDA IYO MADAARKEE,

DADKI LAHA BAKHTIYAYAN,TURKIGAA KAGA DARAYO,

DAAD WARARACDAADII,KU DARSAAD BERBERA TIDHI,

DACWAD QOR DUNIDA GAADHSII,DUULO CIRKA QABO.

DADNIMIYO WALAALNIMO,ISDIIDSIIYEY WAXAN QABAY,

KUU DAADSHAY GOGASHEN,DERISLAHAA LA NOQO WACAN,

DUGSI CADAWGA UGA NOQO,GARAN WEYDAY DOQONOOW,

AFARTAYGA SOO DUDAY,DAWLAD MAAD KU NOQON WEYN.

NA DAA WAAN KU DEYNAYE,DAMEER MALAB LA SAAROOW.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip