Garnaqsiga Somaliland & Sababihii Burburkii Magacii Midnimada Somaliland & Somalia Ee Jamhuuriyaddii Soomaalida
October 20, 2018
Latest Headlines:   _

Garnaqsiga Somaliland & Sababihii Burburkii Magacii Midnimada Somaliland & Somalia Ee Jamhuuriyaddii Soomaalida

0
Friday March 16, 2018 - 14:53:34 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garnaqsiga Somaliland & Sababihii Burburkii Magacii Midnimada Somaliland & Somalia Ee Jamhuuriyaddii Soomaalida

    Garnaqsiga Somaliland & Sababihii Burburkii Magacii Midnimada Somaliland & Somalia Ee Jamhuuriyaddii Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garnaqsiga Somaliland & Sababihii Burburkii Magacii Midnimada Somaliland & Somalia Ee Jamhuuriyaddii Soomaalida

"Falanqeynta Kala Gedisnaantii Dawladnimo Ee Somaliland & Somalia, Gumeystaha Ka Hor, Xiligii Gumeysiga, Xornimadii Qiirada Ku Luntay, Niyad Samaantii Liidnimada Keentay, Lahashadii Dheeliga Dawladnimada, 21 Oct iyo Dahsoonihii Burburka Magacii Midnimada Labada Dal, Dib u curashadii 1991-kii, Kala Guurkii & Daandaansiga Maanta”.


 

HORDHAC:
Ugu horreyn, waxaynu nahay ummad wadaagta Ab iyo Isir Soomaalinimo oo girid aroor fog leh. Waxaan ku wada uuman nahay geyiga geeska Afrika muddo ka badan 1000 sanno amma qiyaas ahaan meerto xiliyeed tirsigeedu gaadhi karo in ka badan 1400 sanno, waayo

raad raac sugan oo muujinaya taariikhdeenna dhabta ah lama hayo. Waxaan dunida ugu faanayaa ahaanshaha Soomaalinimada iyo in aynnu isku ahaanno garab iskaashada iyo awood ummadnimo oo dhiig iyo dheecaan ila wadaagga. Hassa yeeshee, waxa jirta arrimo ka duwan wada dhalashada iyo halbeegga qoomiyadnimada oo aynnu aad ugu kala gedisan nahay maanta iyo shalaytaba. Waana arrinta dawladnimada iyo is maamulka dalnimada casriga ah, jiritaanka arrintaa waxaan u hayaa caddeymo waafi ah iyo kala duwanaansho dawladnimo oo abadi ahaa in ka badan 1400 sanno. Bal si fiican u dhuux dhigmo dhigaalkaygan oo ila fahan, waxaad ila ogaanaysaa in aynaan kaliya ku kala duwaneyn xornimadii 1960-kii an gacantayda ku gawracay.

 

KALA GEDISNAANTA DAWLADNIMADA:
Walaalayaal, intii ilaahay innagu wada uumay arladan geeska Afrika, waxaan ahayn ummad walaalo ah oo leh qaab-dhismeed bulsho iyo hanaan maamul qabiileed kala gedisan. Waxaanan ku soo ururin karaa qoddobadan soo socda:

i. Gumeystaha ka hor:
• Waxaynu ahayn qabiilooyin walaalo ah oo an marnaba wadaagin nidaam dawladnimo dhexe, tusaale ahaan inta qabiil ee hadda Somaliland ku dhaqan, qabiilkastaaba wuxuu qarniyaal badan lahaa nidaam hoggaamineed dhaqami ah, oo mid walba lahaa salka nidaamka dwladnimada casriga ah. Nidaamkaas oo tilmaanta koowaad u ah kala gedisnaanteenna arrimaha dawladnimada, haddaan wax ka xuso waxaa ka mid ahaa:

1. Saldanada wayn ee uu ka soo jeeddo Ugaas Mustafe,
2. Saldanada guunka ah ee uu ka soo jeedo Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi,
3. Saldanada faca wayn ee uu ka soo jeedo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,
4. Saldanada Garaadiyada ee uu ka soo jeedo Garaad Jaamac Garaad Cali,
5. Saldanada baaxada sheegatay ee uu ka soo jeedo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam.

• Dhab ahaantii, qabiilooyinkii deganaa degsiimada Somaliland ayaa ahaa walaalo xidid iyo xigto wadaag ah, balse iyaga laftooda ayaa ku kala duwanaa is xukunka iyo hanaankii dawliga ahaa, oo waxay ahaayeen walaalo daris ah oo isku tixgaliya nidaamkooda dhaqan iyo hoggaamintooda kala duwan. Jiritaanka iyo xaqiiqnimada arrintan, waxaa tusaale cad u ah jiritaan la’aanta hal qoraal kayd oo muujinaya nidaam dawladnimo dhexe oo Soomaalidu lahayd tan iyo qarnigii 9 aad ilaa 20 aad kolna lama sheegin in aynnu mar uun lahayn wadaag dalnimo iyo dawladnimo dhexe. Waxaa jiray shisheeye badan oo wax ka qoray taariikhdii qoomiyadda Soomaalida oo sadar kaliya ku xusin lahaansho dawaldnimo Soomaaliyeed. Se waxaa kaliya sheeggan lahaanshihii is xukun dhaqameed kala duwan.

ii. Xiligii Gumeystaha:
• Marka an ka duulo taariikhda sugan ee la xaqiijiyay, sannadkii 1884/85-kii December 12 keedii, aagga kanbalka badda Saylac, waxaa Markab guudkii heshiis ku galay, qiyaastii ku dhawaad toban oday dhaqameed oo ka soo jeeday beel ka mid ah beelaha hadda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakiilo ka socday gumeystihii Britain, gaar ahaan wakiiladdii u joogay dhulkii gumeysiga India oo watay Markab shirkad ganacsi.

• Sidoo kale, waxaan hubaa in dhammaan beelaha kale hadda Somalilander ka ahina ay heshiis la galeen gumeystihii Britain isla xiliyadaa iyo xiliyo ka danbeeyay. Waxaana la noqday dal wadaag ay xukunkooda dawladnimo muddo 80 sanno ah ku midaysnaa maamul ilaalin ah oo gumeystihii Britain u bixiyay Somaliland. Aakhirkiina Somaliland iyo Somalia waxay xornimada ka kala qaateen laba gumeyste oo kala gedisan dhammaadkii June/bilawgii July ee 1960-kii.

iii. Qiiradii Dooniddii Soomaali-wayn:
• Horraantii qarnigii 20-aad waxaan hormood ka noqday dooniddii xornimada qaran Soomaaliyeed oo ka hanaqaadda geeska Afrika. qiiro, kalsooni iyo jacayl walaalnimo darteed ayaan lumiyay xornimadii qarankaygii ugu horreeyay geyiga Soomaalida "Somaliland” oo calanka qaatay 26 June 1960-kii. Qiiradda dooniddii soomaali wayn waa middii iga leexisay in an kula galo gorgortan ku saabsan saami qaybsigii hanaankii awoodda dawladnimada iyo keenidda shuruudo midnimo qaran iyo sidoo kale, midaw dalnimo oo mug iyo miisaan leh oo bulshada caalamkuna goob joog ka tahay.

• Runtii, waxaa nasiib darro ahayd in jacaylkii midnimo doonka iyo qiiradii Soomaalinimadaydu ay i gayeysiisay in aad wanaagga iyo niyad-samaantaydii u qaadatay macawis iyo cimmaamad haddiyad, oo ay durbadiiba ciyaalkii iyo maxastaadii igu xariireen liidnimo lumin dawladnimo xor ah.
• Inkasta oo aynaan galin heshiis midnimo oo dunida balaadhani goob ka ahayd 1 July 1960-kii, haddana waxaa caddaan ah in aynnu ahayn labo dal oo isku biiray lixdankii. Fadlan ha i waydiin hadda, waydiinta ah "Haddii aad dawlad gooniya ahayd 1960-kii maye midabka calankii aad qaatay sannadkii 26 June 1960-kii?”. Waayo, haddii aad gob tahay waa in aad xasuusataa in jacaylkii midnimada iyo qiiradii doonidda qaran Soomaali wayn ah darteed aan u isticmaalay calankii buluugga ahaa ee SYL oo an ka taagay beerta xoriyadda ee Hargeysa 26 June sannadkii 1960-kii.

iv. Tusaalaha Kala Ahaanshaha Labo Dal:
• Kala ahaanshaheenna labo dal, waxaa muujinaya dooniddii dawladnimadii shanta Soomaaliyeed oo ta koowaad aniga ahayd, ka hor midnimadii labada dal magacaagu wuxuu ahaa "Italiana Somalia”, halka anigana magacayga dalnimo ahaan jiray "British Protectorate of Somaliland”. Magaca Somalia weligeen maynaan wadaagin ee adiga ayaa lahaa/leh, midnimada ka dib dastuurkii dadwaynuhu u codeeyay waxaa magaca dalka lagu xardhay inuu ahaaddo Jamhuuriyadda Soomaalida "Somali Republic”. Sidoo kale, magaca Jamhuuriyadda Solmaaliyeed wuxuu u muuqday/muuqdaa mid muujinaya dal wadaag Isirley ah iyo in qoomiyadda Soomaalidu yeelato dal wayn oo loo dhan yahay "Pan Somalism”. Arrintaasina waxaa fashilay xornimadii dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

• Mar kale, kala gedisnaanteenna dalnimo iyo ka qoomameyntii midnimadii qiirada ku dhalatay ee Jamhuuriyaddii Soomaalida 01 July sannadkii 1960-kii, waxaa caddeyn buuxda u ah abaabulkii inqilaabkii fashilay ee ay fuliyeen saraakiishii ciidamada qarankii Jamhuuriyaddii Soomaalida ee dhalasho ahaan ka soo jeedday Somaliland iyo diidmadii dastuurkii Jamhuuriyaddii kala baxday oo shacabkii Somaliland intooda badani xiligaa ku jawaabbay "MAYA” horraantii lixdamaadkii.

v. Dahsoonihii Burburkii Midnimada Labada Dal:
• Xaqiiqdii, midnimadii dalkii Jamhuuriyadda Soomaalida ee ay ku midoobeen Somalia iyo Somaliland, waxay sharciyan burburtay 21 October 1969-kii, markii uu dhacay inqilaabkii ay talada dalka kula wareegeen ciidamaddii xoogga dalka Jamhuuriyaddii Soomaalida oo magaca dalka u bedelay amma ka dhigay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya "Democratic Republic of Somalia”.

• Ha la yaabin odhaahdan, waayo magacii midnimada labada dal "Somalia iyo Somaliland” wuxuu ahaa Jamhuuriyadda Soomaalida, hadaba, haddii magacii midnimada lagu bedelay nidaam an ku iman heshiis labo dal "Inqilaab Ciidan”, waxaa loo qaadanayaa in midnimadii labada dal si dahsoon ay u burburtay oo darkii Soomaaliya dhankiisa ka noqday midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaalida ee la unkay sannadkii 1960-kii. Balse, qiiradii, il-duufkii, kala socodkii iyo raadintii midnimo ummad Soomaaliyeed iyo yagleelidda dalnimo shan Soomaaliyeed wadaagto ayaa siyaasiyiintii iyo shacabkii Somaliland ee xiligaa ka sayid caleeyay, oo si qiiro leh usoo dhaweeyey xukunkii iyo taladii inqilaabka ku dhalatay ee ciidamada. Se wuxuu ahaa khalad siyaasadeed wayn oo xiligaa an galay, lana mid ahaa kii loox tuurnimada aabbaha u ahaa ee aan ku lumiyay curashadii hashii maandeeq ee geyiga qoomiyadda ka curatay 26 June 1960-kii.

vi. Gafafkii Naafeynta Midnimadii Laba Dal:
• Waxaa naafeyntii iyo furfurkii midnimadii labada dal "Somaliland & Somalia” sabab wayn u ahaa qaadashadii gobalkii Soomaaliya qaatay saddexdii kursi ee dalka ugu sarreeyay sidda Madaxwaynaha, Raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale qaadashadii inta badan xubnihii golaha wasiiradda iyo taliyeyaashii ciidamada Jamhuuriyaddii Soomaalida.

• Sidoo kale, caddaadiskii, dilkii, dhicii, iska hor keenkii, kala qaybintii, isku dirkii, xadhiggii, cabudhintii, cago-jugleyntii, kufsigii iyo gummaadkii shacabka ee kacaankii 21 Oct ku fuliyay shacabkii rayidka ahaa ee reer Somaliland bilawgii ilaa dhammaadkii 80-maadkii ayaa ahaa sababta labaad dhallisay burburkii midnimada labada dal. Islamarkaanna waxay dhiiladaasi oodda ka qaadday gaddoodkii dadwaynaha iyo curashadii dagaalkii jabhaddii dhaqdhaqaaqa qarankii Soomaalida "SNM”.

vii. Burburkii Rasmiga Ahaa Ee Midawgii Labada Dal:
• Sannadkii 1991-kii bishii May 18 keedii, ayaan ku dhawaaqay dib u curashadii xorriyaddii iga luntay 1960-kii, ka dib markii miyir qabkii dalnimadu mar kale ii soo noqotay, hubaashii waxaan goortaa dib uga noqday midnimadii qiirada ku alkuneyd qarniyada badan iyo raadintii dalnimo wayn oo shantu wadaagto oo 30 sannoka hor iga lumisay xornimadii dalkayga marka tirsiga taariikhda dib looga celiyo 1991-kii.

• Runtii, waxaan durbadiiba yagleelay maamul ku meel gaadh ahaa oo labo sanno xilka hayay, waxaan hirgaliyay xanaftirkii, nabaddeyntii iyo walaaleyntii beelihii dhiig, dhalasho, degsiimo iyo dal wadaagta ahaa ee aad adigu isku dirtay.

• 1993-kii waxaan shirwayne qaran ku qabtay magaalada Boorama, waxaana ka soo unkamay nidaam dawladeed beeluhu ku wada jiraan iyo axdi qarameed qoran. Waxaa mar kale la hirgaliyay hub ka dhigid, dib u carbin, dhaqan celin, unkidda nidaam dawladeed, cashuur ururin iyo dhismihii ciidamada kala duwan ee dalka.

• Horraantii, Sannadkii 1997-kii ayaa mar kale madaxwayne iyo ku xigeenkiisii lagu doortay shirwayne ka dhacay hoolka guriga shaqaalaha dawladda ee Hargeysa. Ka dibna waxaa la sameeyey mideyntii cashuuraha dalka, dhammeystirkii heshiiskii soo afjaridda dagaaladii sokeeye ee dalka ka curtay sannadkii1994-kii, soo celintii qoxootiga, qoriddii iyo u codeyntii dastuurka iyo sidoo kale furashadii ururada siyaasadda oo ay ka soo baxeen kaliya saddex xisbi qaran.

• 3-dii bishii May sannadkii 2002-dii, waxaan si dastuuriya u buuxiyay jagadii madaxwaynenimada iyo tii ku xigeenka, ka dib markii uu geeriyooday madaxwaynahaygii qaaliga ahaa hoggaamiye M.I.Cigaal. 15 Dec 2002-dii waxaa dhacday doorashadii ugu horraysay ee goleyaasha deegaanka dalka, 14 April 2003-dii waxaa loo dareeray oo la doortay madaxwayne iyo ku xigeen. 29 Oct 2005-tii waxa dhacday doorashadii golaha wakiiladda, 2008-2009-kii waxaan hirgaliyey diwaangalintii codbixiyeyaasha, 27 June 2010-kii waxa mar kale la qabtay kaltankii doorashada madaxtooyadda. Sannadkii 2012-kii waxaa xili kale la fuliyay kaltankii labaad ee loollankii doorashada goleyaasha deegaanka dalka. Badhtamihii 2016-kii waxaan goor kale dalka ka sameeyay diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo casri ah, 13 Nov 2017-kiina waxa ii suurtagashay qabsoomidda kaltankii saddexaad ee doorashada madaxtooyadda.

• Tan iyo 1991-kii waxaa isoo maray shan "5” oo saddex ka mid ah codka shacabka kursiga lagu saaray, waxaan leeyahay saddex xisbi qaran, waxaan dhisay nidaam iyo dal dimuqraadi ah, waxaan wax badan ka bedelay koboca dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dalka. Waxaa ii dhisan noocyada kala duwan ee dal madaxbanaan lagu yaqaan ciidamadiisa, waxaan ahay dal leh xuduudo sugan oo muddo gaadhaysa 27 sanno aan arag hal askari iyo mas’uul ka socda dalkii Jamhuuriyadda Soomalida. Tirsiga sannadku waa 2018-kii, waxaanan diyaar u ahay sameynta midnimo qaran, dheelitirka awood qaybsiga saamiga dawladda, mideynta midnimada muwaadiniinta, horumarinta dalka iyo yeelashada saaxiibbo siyaasadeed badan oo ka kooban wadamada daris-wadaagta ah iyo kuwa dunida kaleba. Intaasi iyo in kale oo badanba waan ku dheerahay adiga, intii an guulahayga qaran hirgalinayayna waxaad ku jirtay dagaal sokeeye, dawlad la’aan, qaran-jab, qaraxyo, farogalin shisheeye iyo dawladnimo ku meel gaadh ah. Imika haddii aad tahay dalka "Somalia” waxaa kaa taliaya shan madaxwayne iyo hal raysal wasaare, oo ka ugu afka dheer ay ciidamo shisheeye ku ilaaliyaan kun talaabo oo magaalada Xamar ah.

viii. Jawaabta Daandaansiga Soomaaliya:
• Hadaba, waa maxay dalnimada innaga dhaxaysa iyo waddanka aynnu wadaagnaa?, miyay kaa dhammaadeen rag aqoolkii iyo hanaankii gobanimo dhaqanka qoomiyadda Soomaalida lagu yiqiin ee qiraalka iyo garashada ku salaysnaa?, haddaan heshiis la galay UAE iyo Ethiopia maxay adiga dhibaato kugu haysaa?, miyaanad ogayn in ay naga dhimatay qiiradii raadinta dalnimadii wayneyd ee Soomaalida?. Ma dal aanad 27 sannnadood xukumin baad afka ku taagaysaa hadda?. Horta miyaad waalan tahay?.

GUNAANAD:
• Ugu danbeyntii, waxaan ku leeyahay sababaha kor ku sheeggan darteed, adiga ayaa burburiyay magacii midnimada labada dal "Somalia iyo Somaliland” ee Jamhuuriyaddii Soomaalida ka hor 48 sanno. Runtii, haddii aad weli miyir qab ku sugan tahay, waad ka war haysaa walaal in aad gaysatay ku tacaddi awood dawladnimo iyo gummaad shacab soddonkii sanno ee lagu jiray midnimadii qiiradda. Sidoo kale, muddo dhan 27 sanno marna maynaan wadaaggin wax dalnimo iyo dawladnimo ah ee maxaa keennay ka xumaanshaha heshiiska Somaliland, DP World iyo dawladda Ethiopia?. Walaal waxaan diyaar u ahay in dunidu innoo garnaqdo, balse haddii aad sii waddo damacan indho la’aanta ah, waxaad ogaataa in jawaab kugu habboon oo u dhiganta ficilkaaga qalafsan aad ka heli doonto dhankayga.

Allaa Mahad leh.

Jamal A. Muse
Hargeysa, Somaliland
Hirdandheer@gmail.com/jamalabdiya@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip