´╗┐ Amb.Baashe Cawil Hindisaha Hoodadu Kaga Daray
July 19, 2018
Latest Headlines:   _

Amb.Baashe Cawil Hindisaha Hoodadu Kaga Daray

0
Friday March 16, 2018 - 14:53:34 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb.Baashe Cawil Hindisaha Hoodadu Kaga Daray

    Amb.Baashe Cawil Hindisaha Hoodadu Kaga Daray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb.Baashe Cawil Hindisaha Hoodadu Kaga Daray

Safiir Somaliland U Fadhiyas Imaaradka Carabta Wuxuu Gadhwadeen Ka Noqday Aqoonsi Raadiska Ay Gucle Orodka Ugu Jirta Somaliland,Wuxuu Furay Albaabo Tiro Badan Oo Ka Awdna Qaranka Somaliland Wuxuu Ibo Furay Saaxiibo Somaliland La Yeelanayso Wadamada Carbeed,Kuwaas Oo Somaliland Kusoo Jeediyey Indhah Beesha Caalamka,Halkay Saaxiibtinimada Somaliland Ku Koobnayd Ku Hudhsiiya La Hudhsiiya Waa Itoobiya Oo Danayste Ah,Go,aamo Adag Oo Geesi Qaadan Karo Wuxuu KuHantay Inay Berberi Qarniyada Soo Socda Hogaamiso Ganacsiga Geeska Africa,

Wuxuu Baqdin Geliyey Cadwga Somaliland Oo Ahaa Abeeso Dhulka Jiifta Kuwaas Oo Talaabadu Hore U Qaadaba Ay Baqdin Gelisay ,Wadamo Ku Wiirsan Jiray Waxa Inaga Qaloocda,Waa Jabouti Iyo Somaliya,

Wuxuu Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Madaxda Sare Ee Somaliya Oo Dagaal Kula Galay Heshiiska Dp-World,Kuwaas Oo Carab Iyo Cajaba Cabaadkooda Cidi Wax Ka Qaban Weyday,Waxaa Tababaray Siyaasi 60 Sanadood Budh-tuur U ahaa Siyaasiyiinta Somaaliyeed Maanta Inuu Laanta Xumeeyo Xaasha.

Aan Sifeeyo Amp Baashe Cawil

Alle Dadku Abuuray , Isku Caqli Kama Dhigin ,Qof Kastaana Meel Ayuu ku Haboon Yahay Oo Alle Hibo U Siiyay ,Hadii Aan In Yar Idiinka Ifiyo Ninka Dhaqaale Abuurka Badan Ama lexe-jeclada Badan Waxaa lagu Yaqaanaa Inuu Siduu U lexe-jeclo Badan Yahay u Dhaqaale Abuuri Badan Yahay ,laakiin Ninka Aan Waxba Dhaqaalaysan Kulama Tartami Karo Ninkaas Hibadiisa Dhaqaalaynta ,Ninka Hal Abuurka Badan Ee somalidu Abwaanka U taqaano,Nin Aan Hal Abuure Ahayn Kulama Tartami Karo Hibadiisa Abwaanimo Ama Mu,alifnimo.Sidoo Kale Geesiga Boqolka Aan Ka libiqsani lama tartami Karo Nin Aan Geesi Ahayn Hibadiisa Geesinimo,Sidaa Darteed Amp Baashe Cawil Waa Geesi Hibadiisu Hogaamiye Tahay

Waxaan Aaminsahay Saasay Tahay Inaanu Masuulkani Joogin Boosku Ku Haboona Oo Ah Wasaarada Halawday Ee Arimaha Debeda Waxa Hanan Kara Oo Xilkeeda Kasoo Bixi Kara,Siyaasi Hindise Iyo Hal Abuur Cusuble,Sida Dp World Maal Gelinteeda Laysugu Qabsaday,Ayaa Aqoonsigeenana Layskugu Qabsan Laha Waayo Xilka Wasaarada Arimaha Debeda Waxaa Haya Mudane Ku Haboon,Amp Hoodaale Lagama Faa,iidaysan

Gebo Gebo,

Gabadh Dhalinyaro Ah Ayaa Kasoo Ciyaar Guday Gurigooda,Waa Baadiye,Maadama Oo Duleedka Gurigooda Ciyaal Laga Tumay,Haf Iyo Balaw Ayey Soo Tidhi,Waxayna Gundhada U Gashay Ciyaarti Iyada Oo Xoojisay Jiibta Iyo Jaanta,Deedna Waxa U Yeedhay Labadeedi Waalid,Dhawaaqi Goluhu Maqal Lkn Waxay Ku Jawaabtay Heestan

Habarba Iska Haw-Halo

 

Odayba Hadaaqaye
Heelada Inoo Tuma

 

Caano yar iyo ciidan Yarba Marka La Waayo Ayaa La Tebaa.Dalka Ku Tebi Doona

Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike
Somaliland
Burco




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip