Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa
September 22, 2018
Latest Headlines:   _

Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa

0
Thursday February 15, 2018 - 12:19:01 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa

    Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Isaaqow Seddex Kala Daa, Hartiyow Seddex Kala Daa, Gabooyana Hal Ka Daa
Quruxda DawladnimadaQuruxda dawladnimadu waa cadaalad, fool-xumadeeduna waa cadaalad-darro. Walaalnimo, is-jacayl, midnimo, nabad iyo horumar waxaa lagu helaa cadaaalad. Cadaaalad-darrada waxaa lagadhaxlaa is-nacayb, midnimo la’aan, nabadgelyo-xumo iyo horumar la’aan. Quruxdadawladnimadu waa in loo sinaado waajibaadka difaaca dalka (gudaha iyo dibedaba) iyoxuquuqda horumarka.Isaaqow Seddex Kala Daa:

 

1. Inaad tidhaahdo dawladnimada iyo hoggaaminta dalka waa la wada leeyahay haddanatidhaahdo axsaabta dalka, mucaarad iyo muxaafidba, annagaa madax u noqonayna kaladaa. Xukunka waa la wada leeyahay iyo anigaa xukumaya kala daa.
2. Inaad tidhaahdo dawladnimada waa loo wada simanyahay haddana jagooyinka ugumuhiimsan qaadataan kala daa (uma jeedo jagooyinka ku salaysan sida loo kalabadanyahay balse waxaan ujeedaa jagooyinka muhiimka ah). Cadaalad iyo cadaalad-
xumo kala daa
3. Inaad tidhaahdo horumarka dalka waa loo simanyahay haddana Galbeedka xoogga lasaaro kala daa (maadaama laga soo kabtay dagaalladii sokeeye). Horumarka waa loosimanyahay iyo Galbeed xoog saar kala daa.Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Cadaalad sameeya sidaas baa u dhowdhawrsanaanta (Taqwada), oo ka cabsooda Ilaahay. Xaqiiqdii, Ilaahay waa u Xog-Ogaal waxa aad samaysaan.” [Suuradda Al-Maa’ida, Aayadda: 8aad].
Hartiyow Seddex Kala Daa:
1. Inaad muddo 27 sano ah qori u qaadato dadkaaga iyo dalkaaga Somaliland haddana kacabato horumar la’aan kala daa. Meel qori ka tasho nabadgelyo ma taal, meel aannabadgelyo oolna horumar ma jiro waayo qori iyo horumar meel ma wada galaan.Horumar iyo qori kala daa.
2. Inaad idanka oo og in Xuduudda Afrika ku dhisan tahay dhul haddana tidhaahdo isir bayku salaysantahay kala daa. Xuduudaha Afrika waa Xuduudihii Isticmaarka, kumanasalaysna isir balse waxay ku salaysanyihiin dhul oo qabiilkasta oo Afrikaan ah waxaa uukala deganyahay dhawr dal. Isir iyo xuduud kala daa. Fadlan akhri maqaalka:

2http://www.somalilandsun.com/2018/01/31/somaliland-the- danger-of- redrawing-african-
colonial-borders/
3. Inaad marna Puntland u sii yaacdaan marna Somaliland u soo yaacdaan gar maaha eeMabda’ iyo mabda’ la’aan kala daa. Dhulkaaga iyo dadkaaga Somaliland aamin si dadkukuu aamino. Buuhoodle iyo Sanaag Bari aad ayay uga dambeeyaan dalka intiisa kalewaxaana sabab u ah casabiyad fool-xun oo ku dhisan isirnimo oo ay Puntland kumaaweelinaysay 27 sano taas oo aan waxba u tarin.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Oo haddii ay u iishaan xagga nabadda, adiguna sidaas ookale u iilo, oo Ilaahay talo saaro.” [Suuradda Al-Anfafaal, Aayadda: 61aad].Gabooyana Hal Ka Daa:Dadka Gabooyaha ah weli waa la yasaa oo la xaqiraa, degaanadoodana kama muuqdowax horumar ah. Markaad aragto degaanadooda, waxaad xusuusanaysaa degmadiiSoweto ee Koonfurta Africa ee xukuumaddii caddaanka ahayd ee Koonfur Afrika u
samaysay dadkii madoobaa ee dalka sannadihii 1930s si loo kala sooco madowga iyo
caddaanka.Dadka Gabooya ah oo ah beel ka tirsan Somaliland, waajib iyo xuquuqna ku leh dalka,weli waa la takooraa, waxayna yasidda magacooda ku waayaan inay ummadda ulasinmaan horumarka, waxbarashada, caafimaadka, shaqada, jagooyinka dawladda iwm.Ummadaha aan Muslimka ahayn waa ka suurtogal inay dadkooda qaar yasaan amaxaqiraan waayo kama jirto Diin xaq oo u diidaysa arrintaas sida Diinta Islaamka. Laakiinummadda Muslimka ah Diinta Islaamka ayaa u diidaysa in qayb ka mid ah dadkeeda latakooro ama la xaqiro waayo waa dembi xagga Ilaahay (S.W.T). Ilaahay waxaa loogukala dhowyahay cibaadada ama taqwada ee looguma kala dhowa xagga haybta. Waxaasidaas caddaynaya Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee soo socda:Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: "Kuwa (Xaqa) rumeeyow! qolana yeysan quudhsan(yasin) qolo kale, waxaa laga yaabaa in kuwa la yasayo ay ka khayr badanyihiin kuwawax yasaya, oo yaanay haween quudhsan haween, waxaa laga yaabaa in kuwa la yasayoay ka khayr badanyihiin kuwa wax yasaya, oo ha is-ceebaynina, oo ha isugu yeedhina
naanaysyo xun, maxaa ka xun magacyada fusuqa ee la iskugu yeedho Iimaanka ka dib.Oo kii aan Ilaahay u toobadkeenin, waa kuwaas kuwa daalimiinta ah.” [SuuraddaXujuraat, Aayadda: 11].Allaah (S.W.T) waxaa kale oo uu leeyahay: "Dadow waxaanu idanka abuurnay lab iyodhedig, oo idanka dhignay ummado iyo beelo si aad isu aqoonsataan. Xaqiiqdii, kanidiinku gobsan (idiinku karaamo badan) Ilaahay agtiisa waa ka idiinku toosan (idiinku

3taqwo badan). Xaqiiqdii, Allaah waa Cilmi-Badane, Xog-Ogaal ah.” [Suuradda Al-Xujuraat, Aayadda: 13 aad].Ayaadaha kor ku xusan waxay Muslimiinta ka reebaysaa in dadka la kala fadilo nasabahaan oo loo kala saaro sab iyo gob laakiin lagu kala fadilo cibaadada. Xuduudaha
adduunka inta aan la samayn ama boqolaal sano ka hor, dadku waa isku tallaabijiray amaisku guurijiray. Haddii qolo u timaado dadkale oo meel degan, geeska ayaa lagudhufanjiray waxaana loo bixinjiray magacyo kala duwan oo ku salaysan yasid iyoxaqiraad iyaga oo u arkijiray waageeni ama galooti aan la aqoon. Waxaa laga yaabaa inqaybo ka tirsan beelaha Somaliland ee maanta ay boqolaal sano ka hor u guureen dalalkale oo Afrikaan ah lagu yaso ama xaqiro sida Gabooyaha.Dadku waxay ka soo wada jeedaan Adam iyo Xaawo (C.S). Beesha Gabooyaha ah waa lamid beelaha kale ee Somaliland. Waxaa habboon in laga bedelo magaca loona baxshomagac kale sida Beesha Saam. Markaas Gabooyaha ka daaya yasida iyo takooridda oo hala is-dhexgalo hana la kala guursado, horumarka dalkana halloo wada sinaado. Dadkuwaa isku mid mana jirto sifo lagu kala sooco.Soo jeedin
1. In shanta (5) sano ee Mudane Muuse Biixi madaxweynaha dalka yahay xoogga lasaaro horumarinta Gobolka Sool iyo Sanaag Bari sii loo soo gaadhsiiyo dalka intiisakale
2. In degaanada Beesha Gabooyaha la hormariyo lana soo gaadhsiiyo degaanada iyomagaalooyinka ay ka tirsanyihiin, dadkuna is-dhexgalaan, isla degaan, kalanaguursadaan.
3. In Guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye kalkan la siiyo laguna taageero Beesha Harti.Ma habboona in Isaaqu ku diriraan jagada guddoomiyanimada Xisbiga Kulmiye amabaaxsaabta kale maadaama dalka la wada leeyahay.
4. In Qalcadii Sayid Muhammad Cabdalla Xasan ee Taleex dib loo dhiso loona ekaysiiyosidii ay ahaanjirtay sannadkii 1920 (Replica). Qalcadaas waa goob Adduunka iyo Afrikacaan ku ah loona baahanyahay in la badbaadsho taariikhdeeda. Waa goob taariih weynleh oo halgan gumaysi la dirir ah, Somalilandna ay nasiib u yeelatay inay ku taaldhulkeeda. Waxay noqodoontaa goob dal-xiis oo adduunku ku soo qulqulo, magac iyomaamuusna u leh Somaliland.
5. Qabyaaladu waa aafada burburisa dawladnimada, qaranimada iyo cadaaladda islamarkaana horseedda dagaallo sokeeye iyo deganaansho la’aan. Qabyaaladu aad ayay ugusoo badanaysaa Somaliland waxaana loo baahanyahay in laga soo saaro shuruuc adag oo

4xakamaysa. Qabyaaladda oodda jabsatay waxaa ugu wacan madaxda dhaqanka ooxadhkaha goostay tiro ahaan. Sharaftii, haybaddii, iyo maamuuskii suldaanimada waalagu xad-gudbay waxaana lagu saleeyaa maanta hunguri.Suldaan bararku waxaa uu keenay in ninkii afar qof meel isugu keenaba duub qaatosheegtana suldaan, garaad, ama caaqil si uu mushahar ugu qaato. Dhaqankii hawsha iyowaajibka suldaanimada waa la xooray oo waxaa la dhexgalay siyaasad iyo in saxaafaddamaalinkasta laga caayo madaxda dalka iyo beelo si la iskaga horkeeno ummadda
Somaliland halkii maslaxadooda laga talinlahaa.Sidaas daraadeed, waxaa habboon in madaxda dhaqanka ee maanta jirta intooda badanlagala noqdo aqoonsiga lana joojiyo caleemo saar dambe, dib loo habeeyo madaxdadhaqanka, loona sameeyo xeerar ay ku ekaadaan hawshooda dhaqanka kana baxaansiyaasadda. Dawladda oo qudha ayaa leh siyaasadda, mas’uuliyadda iyo hoggaamintadalka. Waa in la kala saaraa dhaqanka iyo siyaasadda. Sharci adag waa in laga soo saaraamadaxda dhaqanka ee xurriyadda hadalka iyo saxaafadda u adeegsata af-lagaado, kiciniyo iska-horkeenka ummadda. Xurriyadda hadalka iyo saxaafadda waa inay kusalaysantahay dhaliil run ah iyo toosin kana fogaataa fitno, iska-horkeen iyo burburin.
6. In jagooyinka dawladda loo badiyo dal-joogta lana yareeyo jagooyinka la siiyo qurbo-
joogta sababta oo ah dal-joogta ayaa jagooyinka xaq uga leh qurbo-joogta maadaama
dalka ay joogaan ugana xog-ogaalsanyihiin baahida dalka qurbo-joogta.
7. Cimiladii adduunyada waa is-bedeshay, roobabkii iyo daaqii waa yaraadeen, abaarihiiayaa batay. Markaas waxaa habboon in la sameeyo biyo-xidheeno, ceelal badandabadeedna beeraha xoog la saaro, xoolahana loo sameeyo degaan joogto ah. Dhulku waaqani xagga beeraha, xoolaha, kalluunka, iyo macdantaba.
Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: February 12, 2018


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip