Qaybtii 14 aad Sheekadii Maydhane iyo Mooge. Qalinkii Ibraahim (Xabbo)
August 15, 2018
Latest Headlines:   _

Qaybtii 14 aad Sheekadii Maydhane iyo Mooge. Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Thursday February 08, 2018 - 19:05:54 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 14 aad Sheekadii Maydhane iyo Mooge. Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Qaybtii 14 aad Sheekadii Maydhane iyo Mooge. Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 14 aad Sheekadii Maydhane iyo Mooge. Qalinkii Ibraahim (Xabbo) Mooge. Waan kaa yaabay Meydhanaw. Waxaan maanta xasuustey Hees uu Sameeyey Maxed aadan (Dacar) oo ay is waydaar san jireen amaba Daran Doori u qaadi jireen UHUN Axmed Mooge Liibaan iyo Axmed Sheekh Cali Haaruun (Dararamle) Heestaasi waxay ka hadlaysaa labadeenu halkaynu kalla joogno. Nasiib wanaag labada nin kallla qaadayaana waad garanaysaa oo waa Daakhil al Turaabi iyo Dhabtii libaaxa ila garo Sxb. Waxay is waydaarsanayaana waa halkaynu kalla taagan nahay iyo adigoo keligaa uun lagu tusay wax anagu aanaan kulla arkayn. Wuxuu yidhi Axmed Sida Wiyil Gadooddoo. Waaga joogta Karameed. Adigoon Wisiisiyiin. Oon iskuna weyneyn. Waali laguma soo hello. Waxaad Samo ku waydaye. Kugu wiirsan maayee. Wallaalkay rumaadoow. Waddadeen marraa? Wadddadeen marraa? Wadhiyey wey iyo aheey. Kugu warreersaniye muxuu soo wataa? Maydhane. Waa runtaa oo anigu dhabanka iyo gacanta ayaan isku hayaa, waxaan leeyahay miyaanu Shoodhahaagu kulla arkayn waxan aad keligaa aragto muxuu u dugsanayaa dhegxumida? Muxuu kuugu hiilin waayey? Muxuu Shirka u diidan yahay? Wuxuu ku Jawaabayaa. Dararamle. Weedhaa imaad tidhaahdeen. Hadaad Waayo aragtee. Weligay intaan jiroo aniga weygu weyntahee. Aduunyada wixii nool samo laguma waarree. Adna wallac sigaagiyo intuu Ciil wadnaha Xidhay . Kolley waad ogtee Kolley waad ogtee. Ma waxay arintaadi noqotay Faysal ayaa Dooran weydeen oo ana waan kaa aargoosanayaa? Mooge. Horta adiga waxaasi kugu jiraane. Weli anaga markuu dhacay Faysal nagamaad maqal Cabasho iyo Collaad aanu kugu fogaynayno. Cid Somaliland ciil noo hayaana ma jirto, oo nacaley naga tahay. Kiiska ayaadse iska waallaysaa. I know. Iminkana anigu Muuse hadaanu taageernay oo aad u haysato adigu Shisheeye dee adeer waad qaldantahay. Maantana maaha Madaxweyne Kulmiye ee waa Madaxweynaha Somaliland ee imaanso, weliba anigu kaa xigtaysan maayo. Sidaadiina odhan maayo dhab Abti ayuu ku fadhiyaaaye. Waa inoo Madaxweyne dhamaanteen cid uu dhabtooda ku fadhiyaana ma jirto, ee aynu u wada ducayno in ilaahay Cadaallada ha garan siiyo shaqadana ha la qabto. Inaguna aynu wakhti siino oo ka dayno hagardaamada iyo dhibaatada. Maydhane. Waar intaad Muuse u ducaynayso adigu ducayso in uu wallaalkaa Cabdiraxman ku tuso iyo in midnimada Reerkeena ku tuso. Mooge. Waar Cabdiraxman horta sidan umadu u aragto miyaad adigu u arkin mise waad ogtahayoo inaad ku shaqayato oo aanu isna juud iska kaa odhanin ayaad rabtay? Ma ninka markuu Madaxweynaha la Kulmo intay Dumarkan iyo Xaal waaga Qurbaha joogaa ahi soo canaan taan oo ku yidhaahdaan "yaa ku yidhi Muuse noogu tag" Intuu isna Shir jaraa,id qabto ka sheekaynaya Wixii uu Madaxtooyada uu ku soo Cunay iyo wuxuu ku soo cabay, ee odhanaya Xabad Saambuuse ah iyo koob Sharaab ah oo qudha ayaa laygu keenay meesha , walahi waan ku diiday Qadadii Muuse. Een iin aan Muxuu ahayeen inaan waxaanu Madaxweynaha ka wada hadalnay in Saliid Naarajiinta iyo Baasliinta dadku badsado xiliga dhaxanta. Sidoo kale waxaanu u sheegnay In Huudhaydhka laga xidho dhaxanta oo aan Bacadlaha la tegin si aynu uga badbadno Sixir bararka. Allaa Kariiim. Waar ilaahay ayaan kugu dhaarshee ma kaas ayaad Dalka la rabtay in uu Madaxweyne ka noqdo? Waar iminkana ixtiraam ayaan u hayaaye bal ninka waa habseyseen oo Bah diiba waa ka saarteene iska daaya ilmaadeerayaal. La soco Qaybaha danbe.......? Qalinkii Ibraahim (Xabbo)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip