Maayar Soltelco Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Ma Isagaa Dawlada Leh Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Xoghayaha Uu Awooda U Adeegsaday
August 15, 2018
Latest Headlines:   _

Maayar Soltelco Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Ma Isagaa Dawlada Leh Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Xoghayaha Uu Awooda U Adeegsaday

0
Tuesday February 06, 2018 - 20:13:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Soltelco Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Ma Isagaa Dawlada Leh Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Xoghayaha Uu Awooda U Adeegsaday

    Maayar Soltelco Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Ma Isagaa Dawlada Leh Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Xoghayaha Uu Awooda U Adeegsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar Soltelco Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Ma Isagaa Dawlada Leh Muxuu Uga Dardaar Warinayaa Xoghayaha Uu Awooda U Adeegsaday

Hadaanu nahay dadweynaha jamahuriyada S/land waxaanu dusha ka eegaynaa sida wax u socdaan waxaan dhegaystay xilwareejintii xoghayahii dawlada hoose xilka ku wareejinayey waxaa uu warkiisa u iftiimiyey si aan gabasho lahayn dhayda caanahana uga cadeeyey sida wax u jiraan iyo sida wax loo wado iyo awoodaha qarsoon iyo kuwa qaawan ee lagu hagar daamaynayo geedi socodka shaqada qaranka.


 

Xoghayihii hore sida uu hadalkiisa u dhigay ama loogu marag kacay waxaa uu ahaa nin shaqadiisa yaqaaan nin aaminimo ka muuqato illaalinaya hantida dawlada mid guud iyo mid gaaraba, waxaa uu cadeeyey xiligii uu xilka la wareegay

iyo miisaaniyadu intay leegay iyo heerka uu gaadhsiiyey, waxaa uu sheegay shaqaale kala lacag badan qaarkood aanayba shaqayn lacag "CAAGLENIMO AHNA QAATAAN” kuwo hawlkara lacgtooduna yartahay uuna u kordhiyey sheegayna in la kala ogaado.

 

Halka Soltelco oo ah Mayor uu adeegsaday afxumo iyo hadal saqajaanimo u badan iyo maxaad ii kashiftay waayo xagee lagu arkay shaqo danbe oo dawladeed waad iska ciidaysay mana qaban kartid ma isgaa iska leh waddanka yaase isagu Mayor u yahay haduu sidii madaxweyne u hadlayo yaase yidhi dadka sidaa ula hadal yaase qabta oo dabar u ah Mayorka ma madaxweynaha mise cid kale.

Xoghayahii hore waxaa uu cadeeyey inuu wasiir Kaahin iyo maxamed muuse u sheegay balse aan dheg jalaq loo siin isagiina lagu kala tegay oo la qabsaday wuxuu sheegay in Qalabka Dawlada hoose ee dad gaara ku shaqaystaan wadada dawga cad loo diiday inuu magaalada dhexdeeda wax kaga qabto waxaa iska cad in Qabyaalada nacasta ah ee JEEGAANTU ay waddanka u horseeday burbur iyo tafaraaruq siyaasadeed oo nacayb iyo naxli ku samaysan .

Mayor ka oo ay isku hayb yihiin Xoghayaha cusub waxaa uu si fiican u amaanay xoghayaha cusub oo ay wax isku qarsan doonaan siduu doonana u fulin doona Soltelco ama dhul ha cuno ama saxiixiisa dad haku shaqaystaane waa waddo u furantay mayorka waana siduu doonayey balse dhaqaalahana la boobayo iyo waddanka Mayordu xukumaan aan eego halkay dhigto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip