Qabaa'iladda io Saami qaybsiga ay sheegaan
February 23, 2018
Latest Headlines:   _

Qabaa'iladda io Saami qaybsiga ay sheegaan

0
Tuesday February 06, 2018 - 20:13:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabaa'iladda io Saami qaybsiga ay sheegaan

    Qabaa'iladda io Saami qaybsiga ay sheegaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabaa'iladda io Saami qaybsiga ay sheegaan

Saami marka laga hadlaayo sida aan u aqaan waa in umadda wadan ku wada nool ee hal dawlad wadaaggaa ay helaan sinaan dhaqaale, sinaan cadaaladeed iyo sinaan dhankasta ah sida baahiyaha bulshada iyo wixii soo raacaba.

sidoo kale Qabaa'ilada ilbaxnimada leh ee fahmaaya dawladnimadu waxa ay tahay waxba uma doonaan nidaam cunsuriyad ah oo ay ku liidayaan beelaha kale ee ay wadagaan calanka iyo hab-dawladeedkaba.

ma eegaan wax ay helayaan asaagood balse waxa ay eegaan waxa ay uga baahan yihiin dawladdooda iyaga oo nidaam sharci ku doonta wixii ka dhiman balse aan cidna xag xagan sumcadda beelaha kalena waxba ka sheegin.

haddaba Soomaalilaan waxaa inta badan ka jira habka aad u liita oo aad moodid in bulshada qabaa'iladeeddu is ifinayaan oo ay si hadhub hoomaynimo ah isu eegayaan oo aanay ku kala xishoon meelna haday tahay xarun dawladeed, meqaaxi iyo saxaafad midna.

waxaad aragtaa odayaal sheeganaaya deegaan, iyo in la inkiray oo aan kuraasta dawlada siiba xukuumada aan waxba laga siin.

 

waxaad markiiba ogaanasaa in bulshada sidan u fekeraysaa ay tahay mid dib u dhacsan hab fekerka iyo dawladnimada aqoonta ay u leeyihiinba.

 

waa arin muujinaysa in xubnaha wasiiraddu ay metelaan beelo balse aanay metelin shaqo qaran.
waa arin ceeb ku ah dawladnimada.

bal e waxaaba dhici jirtay in xukuumadihii hore mid ka mid ah xullashada wasiiradu ahayd mid laga talo geliyo madax dhaqameed taas oo keeni jirtay in wasiirku iska dhiso oo keli ah reerkiisa isla bedelkeedana aanu kaba cabsan madaxwaynihii magacaabay, maadaama uu haysto odayaal la dhegeysanaayo oo toojar garayn kara madaxwaynaha.

Haddaba bulshooy waxaad ogaataa in xubinta la magacaabay ay tahay mid u shaqaynaysa qaranka oodhan balse aanay ahayn wakiil ama oday dhaqameed aad u dirateen dan reer leeeyahay.

Xukuumaddeey waxaad ogaataa in manaafacaadka dawladnimo iyo horumarinta bulsho ay tahay mid degmo wal iyo gobol waliba u baahan yahay masuulna aad u tihiin umadda hadhsata calanka qaranka oodhan.

haddii xukuumaddu cadaalad noqoto oo shaqada qaranka hagaajiso iman mayso in odayaal qabyaaladayste yaal ahi ay bulshada idinka horkeenaan.

waan badiyee ilaahay ummadda iyo qarankaba ha inoo wanaajiyo.

Abwaan Muuse Cali Nuur Amaan.
4489606



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip