Haba la Qabtee horta ma Jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socdaa? Qaybtii 1 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo).
October 17, 2018
Latest Headlines:   _

Haba la Qabtee horta ma Jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socdaa? Qaybtii 1 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo).

0
Saturday February 03, 2018 - 16:06:39 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haba la Qabtee horta ma Jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socdaa? Qaybtii 1 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo).

    Haba la Qabtee horta ma Jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socdaa? Qaybtii 1 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haba la Qabtee horta ma Jiraa Shirka lagu sheegay mid Garxajis iyo Garxajis siyaasad ku wada socdaa? Qaybtii 1 aad Qalinkii Ibraahim (Xabbo). Waxa uu maqaalkaygan halku dhig ama hal qabsi u ah Su,aal aan ku billaabay, inta aanan u gelin jawaabta su,aasha waxaa aan rabaa akhristaw in aan ku fahamsiiyo arimo la xidhiidha arintaas. Marka hore hadii aan wax kaa fahamsiiyo Garxajis cida la yidhaa. Garxajis waa mid ka mid ah 8 da wiil ee uu dhallay Sheikh Isaxaaq waxaana Magaciisa runta ah la yidhaa Ismaaciil Sheikh isaxaaq. Waxa uu ka mid yahay 4 ta bahda weyn ee ba Magaado ee ilma Sheikh Isaxaaq. Waxa aan ku maqlay in inkasta oo aanan xog badan ka ahayn in uu Mataan la ahaa Maxamed Carrab Sheikh Isaxaaq oo hada loo yaqaan (Arab). Waxa uu dhalay Ismaaciil inta aan maqlay 2 Wiil, maan maqal wax dumar ah oo la dhashay labadaas Wiil. Labada Wiil waxaa la kalla yidhaa" Daa,uud iyo Siciid" oo labaduba maanta dhaqan oo Wadaaga Deegaan, sidoo kale ayaga laftooduna Deegaan la wadaaga 7 dii kale ee ay la dhasheen iyo Odayaal kale oo aan ka fogayn oo noqonaya Somaliland ta kale. Siciid iyo Daa,uud ma rabo in aan sii dhex gallo noloshoodii iyo Waayahoodii hore ee Xaga Miyiga. Waxa aan wax ka odhanayaa arinta Siyaasada iyo Xisbiyada Somaliland oo Shirku uu ku dabo leeyahay. Waxaa Dalkeena ka hirgallay nidaamka Asxaabta badan oo hadana aanay ka madhnayn Reernimada oo saldhig u ah asxaabta. Waxaa Ruqsada Xisbino la siiyey 3 Xisbi oo ay kalla hogaaminayaan 3 Musharax oo laba tahay Reer Sheikh Isaxaaq. Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo ah Muuse Sheikh Isaxaaq weliba Maxamed Abokor. Eng Faysal Cali (Waraabe) Ismaaciil Sheikh Isaxaaq Min Qabiilatu Daakhilal Turaab. Al Saldanatu Qadiimiya. Halka Xisbiga kalena uu hogaaminayey Wallaalkeen Daahir Riyaale oo isaguna ah Malka Door kana sii ah Makaahiil kana sii ah Jibriil Yoonis. Xisbi walba waxaa saldhig u ahaa codka Musharaxa hogaaminaya Reerkooda. Garxajis waxa hogaamiye Xisbi ay u suuro gashay Eng Faysal Cali Xuseen. Inkasta oo cida markaa saldhiga u ahayd Xisbiga Ucid ay ahayd uun Daa,uud ama Qabiilatu Daakhillal Turaab. Wuu ka helay tageero haba yaraatee Somaliland ta kale laakiin HY kamuu helin wax tageero mid aduun, mid arin iyo mid cod toona. Waxa uu ka hellay taageero badan oo ah dhinaca Negative ka ah. Sida dacaayado lagu furo Musharaxa, Xaasidnimo, luggooyo, ballan daro, Etc. Iska daa wax tar oo waxa uu ka waayey amaan iyo nabad gelyo. Waxa ay siiyeen ballan qaad ah luggooyo oo ay dhaantay diidmadu. Taas oo sida aan xogta ku hayo ama aan maqlay in lacag dhawr boqol oo kun ah oo la yidhi waa kharashkii aanu ku hawl gallaynaye keen, isna uu gacanta ka galiyey wixii maqrib iyo maqshir la iskaga soo ururiyey. Al muhiim wax ay Siyaasada Garxajiska Barri ama Dhabta Libaaxu taageer sanayd Xisbigii Udub ama Daahir Riyaale oo ay Samaysteen Jeegaan yar Jibsin ka mid ah Samaroon oo la yidhaa Makaahiil oo ilaa maantana ay wataan Jeegaan toodaa yar. Marka ay sidaas tahay Daawo Siyaasadeed lamay lahayn Isaaq, Habar Jeclo iyo Garxajistoona oo markaa labaduba ka shukaamiyey tageero siyaasi. Waxa Axmed Maxamed (Siillaanyo) iyo Beesha Habar Jecloba u qaadeen Heesta Al Isaxaaqiya iyo Al Burciya wal Sharqiya al Sanaagiya, oo ay xitaa Madaxa u ruxi waayeen. Waxaana ay kalla soo hoydeen faro madhan , waanay shaqayn wayday Isaaq nimadii iyo deegaan wadaagiiba. Sidoo kale Eng Faysal Cali Waraabe iyo Beesha Daakhil al Turaabiya, wal Saldanatu Qadiimiya, hadana Al Garxajisiya. Iyana way shaqayn weyday, iyada oo manfacii Xisbiga ka soo baxay oo ahaa Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Mr Cabdiraxman Shacru Abyad oo ka soo jeeda Beesha Dhabta Libaaxa uu ku fadhiistay Kursigii Ucif bi duuni tacab. Sidoo kale Xildhibaanadii mandaqatu Al Caasimatu min Jamhuuriyatu Ardul Somaal min Qabiilatu dhab Libaax oo looga dhaar maray in ay iska sharaxaan ay si fudud uga helleen Ucid iyo Faysal biduuni tacab. Halka ay ka diideen Xisbiyadii Udub iyo Kulmiye oo ku yidhi Khadar Ambassador iyo Xaashi oo Musharaxiin ahaa xiligaas "hinii mush Burco, Hunaa Hargeisa, Yakhii Roox Caasimatu Burco. Waxaas oo taariikh ah waxa aan u gallayaa Akhristaw inaad ogaato wax badan oo aad naf walba naftaada ku Metaasho adiga oo ilaalinaya Cadaalada iyo runta. Waxa Naftaada ku fiican ayaa nafaha kalena ku fiican. Waa Xadiis Nabawi ah NNK. Sidoo kale waa hadal cadaalad ku ah oo sax ah. Halkaas marka ay inoo marsyso Somaliland waxaa Qabyaaladii ka tegay oo inoo horseeday nidaamka Jeegaanta ee aan ku dhisnayn haybta iyo Deegaanka toona Beesha Dhabta Libaaxa ama Garxajiska Cusub. Way ku amaan naayeen jidkaas fiican ee ay umada u horseedeen oo ahaa mid ilbaxnimo ku dhisan, inaad Wallaalkaa iyo Inaadeerkaa Ruma labadaba ka dhaqaaqdo oo aad Somalilander la samaysato Jeegaan Yar. Cid kaga cabatay. Cid ku dacaayadaysay. Cid ku cayday. Cid kulla collawday Jeegaantaa yar ee ay samaysteen may jirin. Weliba ayaga ayaa Cawaandadoonayey oo lahaa" Madaxweyne Daahir Riyaale Dhab Libaax ayuu ku fadhiyaa ayaga oo ka xigtaysanaya dadka kale" 

 La soco Qaybaha danbe.........? 

 By Ibraahim (Xabbo)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip