Aduun-yadda Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuu Laaban ( Dr Daacad Ally Yaqaan)?
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

Aduun-yadda Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuu Laaban ( Dr Daacad Ally Yaqaan)?

0
Wednesday November 01, 2017 - 12:57:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aduun-yadda Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuu Laaban ( Dr Daacad Ally Yaqaan)?

    Aduun-yadda Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuu Laaban ( Dr Daacad Ally Yaqaan)?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduun-yadda Nin Noolaw Maxaa Aragti Kuu Laaban ( Dr Daacad Ally Yaqaan)?

Aqoontu waa qaali iyo garashadu, waa waxa haga noolaha, haday bani’aadam yihiin iyo xataa haddii ay yihiin Xayawaan-ba, ee uu Eebbe ku dul abuuray dunidiisan. sidaas oo ay tahay, hadana sidaa uu wejiya-deena u kala duway, bau maskax-doodauna u kala gedisan tahay, laba uur ka wadda yimi ( oo mataano ah) buu rabbi kala duway garasha-doodda oo aan isku mid ahayn. hadaba waxan odhan lahaa, labadda askari ee Kulmiye weesaaqay, bad baad dhex dabaala-naysaan, aan ahayn tii la idiinku talo galay, fekred-na kama haysataan, ee waad iska jibaaxay-saane, hawsha xusbi-yadu tababar askareed maaha iyo


awaamiir la bixiyo, ee waxay ku qotontaa, kuna salkaysan tahay dimuqraadiyad, dul-qaad, iyo ummadda loo talinayo, oo la derso baahidda ay qabaan iyo siddii xal loogu heli lahaa maskaailka ay tirsanayaan, sidda sixir bararka, cadaalad loo wadda sinaado, oo aan tolaayeey lagu maamulin. Warqadda wareegaysa, ee aad ku saxeexan tahay, waxa ku qoran maaha siddii dal lagu maamuli lahaa, Waxa aad soo qortay, hadaan tusaalo kaa siiyo, waxad tidhi:-

(1) Waa in ciidamadda madax-doodda loo badiyaa Reerka Sacad Muuse,
(2) Dhulka Samaroon iyo sacad muuse isku haystaan ( ee xeebta ah) waa in xoog lagu siiyo sacad muuse, sidaana ruux in uun ay maskaxi ku jirto kama suuro-gasho.
(3) In dagaal la dhex dhigo beelaha Somaliland, oo qaar gaar ah la isu gaashaan buuraysto. arimahaas iyo qaar kaloo badan baa waxay ku qayaxan-yihiin qoraal-kaaga, sidaasina mid dhaqaysa ummadan maaha, waana waxa lagaaga yaacay, kuguna keliftay in aad masaakiinta ka iibsato kaadhadhka codaynta.

 

Waxa wanaagsan in uu qofku isagu is qiyaaso, oo wixii uu ka bixi karo isku dayo, ee aanu isku qaadin hawel aanu geli karin sidda Ina Biixi. Waxan maqli jirey ” Indho Adkaa Ma Bacaadaa, Yaa la taliya Asiriga Ina Biixi, waxa wacan qofku in uu isagu is barto, inta aanu is dhex dhigin bahalo sugaayey, oo aan hawadda lagu qaybsan, ka dibna aan la is waydiin, meel uu jaan iyo cidhib dhigay, kani waa kaad ogayd, oo aan biyo is marin, baa muwaadin raba, in uu isaga iyo ka uu iska maamushaa ( waa kay ugu yeedhaan Ina kaahine), oo labada-ba aynu og nahay waxa yihiin, dadnimo, iyo macaamil-koodda, isna daba dhidiiqi-naayey ilaa dagaalkii sokeeye, wax ay yihiina aany jirin, damcay in ay hadda buste ku saaraan, ee caqli-gaaga ma gashaa muwaadin?
Waxa la yidhi ” Nin aad taqanao uur-kiisa baad ku jirtaaye” miyaanu ahayn, Ninkan doobta riyadda ah ku jiraa, ka arimahan hoose ay ku cad yihiin, miyaanu ahayn, maalintii dalka la soo galay, ilaa maanta, ka haysta hantiddii ummadda, ee ahayd sidatan:-

(a) Beertii Ciidamadda Askuubta, ee Xababka, Kaabajka, Basasha, Baradhada iyo khudrad kaloo badani ay uga baxdo, oo aan indha-hayga ku soo arkay 2009 markii aan dalka tegay, ma dafiraad baa ku jirta, saw cadaan maaha.
(b) Biyihii Geed-Deeb-leh, ee shiinuhu u sameeyey in caasimadda Waraabiyaan, waxa lagu waraab-shaa, beertaa.
(c) Laba ceel oo kaloo ka mid ahna, wershdaha biyaha iibiya ee hargaysa ku yaal baa dib caaggado uga buuxiya , isganaana qandraas ku siiyey, bal eega, oo taga, ma laha riigag biyaha u soo saara, ee waxay ka dhaamiyaan, labadaas ceel, lacagtana isaga baa qaata, oo waa waxa uu isku sharaxaayo.
(d) Waxa weliba dheer intaa, isaga oo oo ceel sadexaad, ka iibiya booyadaha Shiicbka ee biyaha ka baayac-mushtareeya.

* Akhristaw la yaab ma leh, oo horaa loo yidhi duqsi mawdki galay baa fuud kulul dabaashoo, markuu dalaq yidhaa-daa, nolol ugu dambaysa, waxa can-kaas ka dhigan, oo ah kii la yidhi ” doqoni xadhiga lagu xidhaayo bay xaglaha ku sidataa ” Raggii-ragga ahaa markuu waayey, ee ay shideedeen” buu cumaamadda madaxa ku laalay”, waa kaas oo way shidaysaa, rafadkii ugu dambeeyey. ugu dambayn, waxan odhan lahaa askariga, ha iska soo dhawayn, cid aad wax yeeli karto baa aan jirine, xaaraan bay ka tahay, sidee baad adiga oo ay kugu cad yihiin arimaha aan sare ku xusay,, oo biyahooddii ku takri falay, weliba ay si toos ah u og-yihiin, ay kuu dooraan karaan madax-weyne, saw iyaka iibin-maysid. xaajooyinka sidaas ah, baa ku keenay in biyo la’aani ku dhacdo caasimadda, sabab-tuna tahay, maskax askari, ma fekerto in amar la siiyo mooyaane, askariga waxanu leenahay ” Digtoonaw oo dib u jeeso” halkan kursi kaagama banaana’e. Waxan ku soo af-xidhay qoraalkan, bal in uu xusbad la’yahay, Ina kaahina yahay iyo lax dhukani abaar moog, ninka ay ku cadahay tuugadda noocaas ahi, ee cid waliba og-tahay, baa raba in uu yidhaah-do daacd baan ahay, saw xaalku maaha kii yidhi ” Ilayn waa la iga roonaa, oo ismaa aqoon, ee imika aan dib isugu noqdo” marka birta lagu jiido, inta siddii neef la gawracayo, afarta adin la qabto oo sare kor loogu taago, buu is ogaan hadda weli riyo buu ku jiraa.mana foga ee 12 cisho baa ka dhay, ee maalintaas ha la ilaaliyo yaanu is toogane.


Qore:- Daacad Alle Yaqaan

daacad1512@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip