MADAX-DHAQAMEEDKU HA KU NOQDEEN HALKII LAGU OGAA
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

MADAX-DHAQAMEEDKU HA KU NOQDEEN HALKII LAGU OGAA

0
Wednesday November 01, 2017 - 12:57:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAX-DHAQAMEEDKU HA KU NOQDEEN HALKII LAGU OGAA

    MADAX-DHAQAMEEDKU HA KU NOQDEEN HALKII LAGU OGAA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAX-DHAQAMEEDKU HA KU NOQDEEN HALKII LAGU OGAA

Mujtamac kastaa wuxuu leeyahay qaybo bulsho oo kala gedisan, kuwaasoo mid kastaaba leeyahay martabad iyo kaalin lagu qadariyo oo uu bulshadda kaga jiro, sida macalinka, sugaanyahanka, dhakhtarka, askariga, siyaasiga, madax-dhaqameedka iwm, hubaal waxaa ah, in mid kastaaba yahay dhardhaar muhiim u ah taagnaanta iyo jiritaanka qaran kasta, oo haddii midkood gabo kaalintii uu ku jiray uu dheeli ku imanayo hanaan socodkii qarankaas, Somaliland, waxay ka mid tahay dadyowga ay bulshadiisu leedahay qaybaha kala duwan ee aan kor kusoo xusay, si weyna ugu soo caana-maalay, gaar ahaan, bulshadani waxay lahayd madax-dhaqameed si lixaad leh uga soo qayb qaatay xasilintii dalkan marar badan oo ay ka dhacday xasilooni-darro siyaasadeed iyo colaado ahli ahi, dhab ahaantiina waxay sabab u noqdeen in la joogo mustawaha nabadeed iyo kan horumarineed ee maanta Somaliland kaga gedisan tahay dhulyowga kale ee Soomaalidu degto intooda badan.

Arimaha ugu muhiimsan ee u saamaxay in madax-dhaqameedka Soomaaliland ay kaalintaas qaataan, bulshadana ay qadarin kaga helaan ayaa waxay ahayd iyagoo iska ilaaliyay inay ku dhex-milmaan siyaasadda iyo siyaasigeeda, una dhex-noqdaan, markastana ay xigsadaan dhinaca danta iyo dalka iyo xasiloonidiisa, waana taas ta u saamaxday inay damiyaan colaado badan oo geyigan ka oogmay, sida tii Burco ee 1991-kii, Toii berbera, 1992-kii, tyo colaaddii daba dheeraatay 1994-1997 kii, iyagoo weliba door libaax ka ciyaaray dhisida Xukuumadahii kala danbeeyay iyo xoojintoodaba.

Akhriste, maanta waxaan arkayaa wax ka gedisan wixii aan usoo joogay sabaanka taariiklheed ee kor ku xusan, oo ah madax-dhaqameedkii haybadaas weyn lahaa oo siyaasadii ku dhex-milmay, isla markaana ku kala daba-faylay Musharaxiinta hanka siyaasadeed leh ee maanta taagan, adigoo arkaya maalin-kasta iyagoo warbaahinta taagan oo u ololaynaya Musharax ay ka dhex arkeen dantooda shakhsiyadeed, su’aashu waxay tahay, haddii ay la kala safteen raggii siyaasada isku hayay, yaa ay ku og yihiin kaalintooda madax dhaqameed ee siyaasadda ka madax banaanayd? Haddiise ay siyaasiyiintu sidii caddada u ahayd ay isku qabtaan natiijadda doorashada, oo raggii madax dhaqameedka ahaa ee u kala dab-qaadi jiray ayna ay maanta iyagii la kala safan yihiin, yaa ciyaari doona doorkii lagu yiqiinay madax-dhaqameedkii Soomaliland, oo runtii ahaa kuwo waqtiyo badan lagu soo badbaaday?

Inkastoo marka doorashadda laysku qabto ay sharci tahay in maxkamadda sare lagu kala baxo, haddana, doorka madax-dhaqameedka ee banaanaaday waa mid aynu tebi doono in badan, waxaanan, kula talin lahaa Madax-dhaqameedka Somaliland inay siyaasadda iskaga baxaan oo ku noqdaan booskii lagu yiqiinay ee ay haybadda iyo maamuuska ku lahaayeen, si aanay u liminin kaalintoodii dhexdhexaadnimo ee milgaha lahayd, siyaasaddana ha kaga eekaadaan inay maalinta coddaynta ay fartooda siiyaan cidda ay rabaan, waana taas, tan karaamadda iyo maamuuska u leh iyaga iyo dalkaba.

Wa Bilaahi Twofiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud

Email,husseinlucky@hotmail.com

Burco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip