Qab-yallada Somaliland Ka Jirta Wakhigan ,Waxay Khatar Ku Tahay JIrtaanka Somaliland. W/Q.Mustafe Axmed Maxamed
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

Qab-yallada Somaliland Ka Jirta Wakhigan ,Waxay Khatar Ku Tahay JIrtaanka Somaliland. W/Q.Mustafe Axmed Maxamed

0
Tuesday October 31, 2017 - 13:08:37 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qab-yallada Somaliland Ka Jirta Wakhigan ,Waxay Khatar Ku Tahay JIrtaanka Somaliland. W/Q.Mustafe Axmed Maxamed

    Qab-yallada Somaliland Ka Jirta Wakhigan ,Waxay Khatar Ku Tahay JIrtaanka Somaliland. W/Q.Mustafe Axmed Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qab-yallada Somaliland Ka Jirta Wakhigan ,Waxay Khatar Ku Tahay JIrtaanka Somaliland. W/Q.Mustafe Axmed Maxamed
Qab-yaalda way shay aad u fool xun’ marka laga eego xaga diinta iyo dhaqanka fiican,wa shay xaraan ah oo bulshooyinka u kala qaybiya haybta iyo qolada ay yihiin. Wakhtiyadii hore somalidu waxay isu dili jiratay qabiilo,waxa la kala dhici jiray geella.waxa la isku dili jiray daaqa,markaas bulshada waxa laf-dhabar u ahayd reernimada ,waxay ahayd gabood iyo dhufays lagu nabad gallo. Ninka reer xoog-leh ka dhashaa geellisa ciyaar laguma dhici jirin.lkn isagu ninka ka liita wuu dhaci jiray oo waa dili jiray. Dagaalo beelleed-yo ayaa dhex-mari jiray qabiilo wada daga dhulka somalida gaar ahaa dhulka somaliland,beellahaas waxay isku dili jireen hay-bta qabiilka iyagoo ka midaysan,af,isir,diin,dhaqan iyo wada dhalasho. BAL AYNU DIB ISU YAR XUSUUSINO GABAYGII QABYALADA EE ABWAAN TIMO-CADE WA KII LAHAA Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Dagaallada ku salaysan reernimada waxay ahayeen kuwo la isku dulmiyo,waxay ahayeen guumaysi u dhaxeeyo dad wada dhashay oo walaalo ah,qabiil ayaa uu xoog sheegan jiray qabiil ay is xigeen oo uu markaas ka xoog wayn-yahay. Wakhtiyadii somalida ay qaadatay nidaamka dawladnimo iyo nolosha casriga ah,waxa casri noqotay qab-yaladii oo markale shaadh cusub loo helay,waxayna la jaan qaaday dawladnimadii. Sanadkii 1960-kii markii dawladii ugu horaysay ee somaali yeelato lagu yag-leelay muqdisho,isla markiiba waxay la jaan qaaday hab qabiil oo la isku dulmiyay.dawaldaas uu madaxda ka ahaa adan cade iyo c/rashiid cali sharmake oo kasoo kala jeeday laba bellood waxay u arkayeen in ay isu bahaystaan beellaha kale ee somaliyeed isla markaana ay dawladnimada laf-dhabar uga dhigaan beellaha ay iyagu kasoo jeedaan, Dawaladii marxuum maxamed siyaad barre uu gadh-wadeenka ka ahaa ee af-ganbiday dawldii rayidka ahayd ee ay hogaaminayeen c/rashiid cali sharmake iyo raysal wasaare cigaal,waxay ahayd dawllad ku dhisan nidaam qabiil oo kaligiis talis ahaa. Af-ganbigii 21/oct/1969-kii dhacay waxa hogaaminayay sarakiil u badan reer waqooyi ama dhamantood ahaa reer waqooyi,sababtuna waxay ahayd siyaad barre oo u arkayay sarakiisha reer waqooyi kuwo cadallad darro badan ka tirsanayay dawladihii rayidka ahaa iyo inay ku hun-goobeen midowgii gudcurka dhacay ee 1960-kii,marka xiga siyaad barre iskumay fiicnayn sarkiishii ay isku haybta ahayeen,c/laahi yusuf ayuu damcay siyaad barre inuu ka qayb-galiyo in-qilaabkaas blse c/laahi yusuf wuxuu damcay inuu fashiliyo inkasoo madaxdii wakhtigaasi aysan rumaysan jirin cllaahi yusuf oo ahaa nin mucaarid ah. Siyaad barre ragii ay saxiibada ahayeen ee uu isku aaminay ee reer waqooyiga ahaa,markii ay ku hub-sadeen kursiga ee in-qilaabkii guulaystay,dhamantood wuu ka qadiyay xilalkii dawladiisa ama waxa uu u dhiibay xilal aanay u qalmin,waxa uu xilalalkii ku taxay kuwo ay hayb-wadaag yihiin,askartii laga soo qoray gado iyo garbo-haaray ayaa akhirkii ka awood batay sarakiishi in-qilaabka dhigay oo sida la sheego waxay ku celin jireen albaabka madaxtoyada,waxana kornaylka ka awood badnaa wiilka reermiga ah ee gado iyo balad-xawa laga soo qoray, taasi waxay ku tusaysaa sida qabyaladu u raacday dhiiga madaxda somaliyeed. Hadii aan dib ugusoo laabto muw-duucayga dhinac somaliland ,markii jabhadii snm dalka xoraysay ,dadkii reer waqooyiga waxay isu dileen qabiilo,waxa dagaal iskaga horyimi laba sarkaal oo snm ah,oo dhufays kaliya dagaalka kawada gali jiray,oo kii dhawacma ka kale tuurta ku qaadi jiray.oo jid iyo jidiinba dhexmaray ayaa qayb ka noqday dagaaladii sokeeye oo iyagu dhabarka iska wada toog-tay iyagoo isu dilaaya qabiil iyo reernimo Markii dagaaladii sokeeye ay dhamadeen oo caruurtii wada agoon noqotay, ee xabaalo cusb magacyo loola baxay ayay dantu darmada nabada kuwada fadhisisay. Dadkaas waxa isku diray wa siyaasi reernimo kursi ku raba,intaas wixii ka danbeeyay dulmiga kursiga iyo xilalka ayaa somaliland ka jaan-qaaday. Madaxwayne kastaa waxa uu dulmiyay beellaha ay is hayaan .siyaasada ahaan,waxan tusaale usoo qadanayaa madax waynayaasha wakhtigan nool.Madaxwayne riyaalle waxa uu soo dhisay dawllad dhinac ka raran isagoo beellaha dawaldiisa tageera awooda siyay ,xukunka qasriga ay tallada wax ka goynayeen,halka beellaha mucaridka lala galay dagaal siyasadeed iyadoo laga ilaalin jiray xilalka iyo xanta dawlada, Dawlada madaxwayne siilanyo ,waxa u soo dhisay dawlad dhinac ka raran waxa uu xilalka dawladnimo ku taxay beellaha uu arkayay inay cod fiican siyeen xisbigiisa,waxaa dhacday in ay beelo wa wayni 2-kursi ka heleen dawalada ,halka beelo yaryari ay heleen ilaa 6-kursi oo waawayn waxa laga xan qarsaday beellihii loo arkayay mucaaridka. Somaliland waxay u baahntahay cadaallad buuxda ,iyo in beellha somaliland u sinadaan xaquuqda dawladnimo,.gaar ahaan beelaha sool iyo awdal,sanaag bari iyo saylac,marka la helo somaliland la wada leeyahay,oo cadaalad ku dhisan ayaynu noqonaynaa qaran jira.lkn inta beesha dhex 30-wasiir ay qadanayso beelaha darafyaduna 8-wasiir loo tuurayo cadallad lama helayo rag cadaalad wayaa sida cawsha kala yaac. Hadaynu nahay beesha dhexe oo manta minidida daabkeeda haysa wa inaynu dib u dhisnaa dawlad la wada leeyahay,oo intaynaan dunida ictiraaf u raadsan wa inaynu aynagu is ictiraafnaa ,cadallad ayaa raga deeqda ee aynu walalaheen cadallada waxa kula qayb-sanaa oo xisbiyadan iyo musharaxiintan wada isaaqa noqday wax ka badlano oo xilalka dawlada si siman ha loo qaybsado, 
alaah mahadleh 
W/Q.Mustafe axmed maxamed geedi 
Email.mustafea179@gmail.com 
Burco somaliland 
contact-063-4385398-0659555532



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip