Liiska Hantidii Qaranka Ee Xukuumada Kulmiye Xaraashtay Ee Raamsatay Mudadii Ay Xilka Haysay .Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK.
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

Liiska Hantidii Qaranka Ee Xukuumada Kulmiye Xaraashtay Ee Raamsatay Mudadii Ay Xilka Haysay .Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK.

0
Tuesday October 31, 2017 - 13:08:37 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Hantidii Qaranka Ee Xukuumada Kulmiye Xaraashtay Ee Raamsatay Mudadii Ay Xilka Haysay .Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK.

    Liiska Hantidii Qaranka Ee Xukuumada Kulmiye Xaraashtay Ee Raamsatay Mudadii Ay Xilka Haysay .Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiska Hantidii Qaranka Ee Xukuumada Kulmiye Xaraashtay Ee Raamsatay Mudadii Ay Xilka Haysay .Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK. Waxaa la wada Xaraashay dhamaan dantii guud iyo Hantidii maguuraanka aheyd ee Qaranka oo anfac leh, agab leh,magan leh, macdan leh, mooro leh iyo muquuno leh ( monopolistic economy ) Waxaa la iibiyey Qaranimadii, Dhulkii, Buurihii, baddii, Banaanadii, Beerihii,Taariikhdii iyo assedkii Jiritaanka Qaranimada Somaliland. iyada oo Xukuumadu ka faa’ideysaneysa qabyada ka jirta xeerarka maalgashiga ee qaybyoobay, iyada oo aan Tandhar gelin oo aan la raacin sifeyaasha tartanka xorta ah ” Fair competition ” ee qandaraasyada qaranka ku qeexan, iyada oo Xukuumadu ku tagrifaleysay oo adeegsaneysay mar walba iyo meel kastaba awooda dawladnimo ayey dhamaan wada wareejisay oo wada xaraashtay kaabeyaashii,ilihii dhaqaalaha iyo Hantidii maguuraanka aheyd ee qaranku wada lahaa. Boowe bal ufiirso liiskan dheer ee hoose, muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey. Ma Maqli jirteen ” Aabaa Yaabay ! ” Walee waxaan la yaabay tani galbatay’e waxa u hadhi doona Dawladaha danbe ee Somaliland ka talin doona mustaqbalka.
 1- Wershadii Leydhka ee Hargeysa 
2- Wershadii Leydhka ee Berbera iyo Dekedii hore ee Berbera 
3- Guryihii dawlada ee shacabka oo gaadhaaya ilaa 520 guri 
4- Xaruntii Netfishka ee Berbera iyo Raasigii Dekeda Berbera 
5- Leynkii Booliska ee Hargeisa 
6- Xafiisyadii qaranku lahaa sida kii Wasaarasda Duulista Hawada ee Hargeisa
 7- Xaruntii Womens Clubka Hargeisa
8- Gandhi- Libaray oo Weli inoo huursan
 9- Xanaanooyinkii Caruurta sida ta Hargeisa 
10- Sariibadihii iyo Suuqyadii Ganacsiga oo la xaraashay sida Sariibada Octobar 
11- Buurta Gacan Libaac iyo qaras gooye oo Sheikh Carab ah laga carbuunay 
12- Buurta Siimoodi ee Degmada Baki oo shirkad Chines ah sife qarsoon oo gacan wadaag ah looga kireeyey 
13- Bir-libaaxdii dalka taalay oo dhan (all scrubs) oo cagta iyo carabka la mariyey 
14- Liisanka Baabuurta ee Qaranka oo shaqsi maquuno loo siiyey 
15- Warqadii wado marista ee Dalka oo shaqsi shirkad sheegta sife midigeys ah loogu naaxiyey 
16- Haamihii keydka ee berbera oo sherar loo qayb saday
 17- Dekedii Berbera oo DPW lagu wareejiyey laguna bedeshay xaqul qalin yar 
18- Airporka Berbera oo Isbahaysiga Carbeed lagu wareejiyey lagana qaatay lacag aan ummada loo soo bandhigin 
19- Hawadii Somaliland oo Somalia lagu wareejiyey 20- Xeebtii Awliyo koonbo oo isbahaysiga Carbeed laga iibiyey 
21- Kaalimihii shidaalka oo la xaraashay sida kaalinta shidaalka ee Dawlada Hoose hargeisa
 22- Xeryihii Ciidamada oo la xaraashay sida xeradii Tarafikada ee Hargeisa 
23- Xero Dhiigtii oo la xaraashay sida xero shiigta Hargeisa 
24- Xabaalihii oo la xaraashay sida Xabaalaha Daljirka dahsoon ee Hargeisa 
25- Masaajid la sigay laakiin hadhqoodaarkiisii iyo parking kiisii la raamsaday sida Masajidka caasimada ka soo horjeedka xisaabaadka guud ee Hargeisa. Dhamaan liiskan sare oo ah Hantidii maguuraanka aheyd ee ummaddu wada laheyd ayaa Xukuumadu kula shuraakowday shaqsiyaad gaar ah iyo shirkado sameys ah oo ay gacan wadaag togan leeyihiin ku was oo ku mamay hantidii qaranka ee mujtamaca reer Somaliland wada lahaa. Xukuumadan uu Siyaasad ku taajirka iyo Mooryaanku uu shidhka u galay maantana waxay Olole Weesaaq ah oo Weeran iyo tartan feydan oo fadalo waaweyn ugu jirtaa sifihii ay mar labaad dalka kheyraadkiisa usii xaraashi lahaayeen.
Mar hadaan Dukaan iyo Derked yar oo uu qaranku leeyahay aan laga tegeyn! , Waar Maxaa Dalkii iyo Dadkii u hadhaaya oo Dawlad iyo Dal jira lagu noqon karaa? Waa Su’aal Da’ Weynoo Madaxa Daalineysee ! Jawaabta Su’aashaa Waxaan u daayey Shacabweynaha diihaalay ee towsta iyo tiiraanyadu ka muuqato ee isbedel-doonka ah ee reer Somaliland. Waxaan idiinkuu Soo Garoocayaa– Shacaboow Codkaaga ku ciil bax oo u codee Xisbiga isbedeldoonka ah ee Waddani Waxaa Dhamaan shacabka JSL dani ugu jirtaa in isbedel yimaado si loo kala jaro silsilada Musuq-maasuqa ee taxan ilaa qaaradaha aduunka. Alleh ayaa Mahad Leh iyo Mudnaanba Leh Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- 

Waa Billaahi-Taw-fiiq, 
Qalinkii :A/rahman fidhinle
 Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA 
United Kingdom 
inafidhinle@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip