SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY

0
Friday October 20, 2017 - 11:49:35 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY

    SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SALAADIINTA CIR CADAAGA NOQDEY Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu dunida ka korarsada khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta

Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu dunida ka korarsada khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta"taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in dib danbe kuugu dhicin.
Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegnoloolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaadamaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, ka kalena dibindaabyo uu la rabo walaalkiis, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshoodii u durbaan tumeysayna dawakhisaa oo gelisaa dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas intauu loolanka u dhaxeeyo waa laga waayaa in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka ahaayeenba.

Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay "Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo "maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaabawaa deyrtamaanta ahe!”, iyadoo intiikasoohadhayna dufaanadii colaadeeday raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oogarbahoodii dunshay oodushana laga wada qabsaday.

Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii,masuuliyad kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay.
Waxaan Shacabka reer Somaliland leeyahay, wixii maanta ka bilowda in ay isweydiiyaan jawaab cadna ka bixiyaan, Sumad na u yeelaan Salaadiinta cir cadaaga noqdey ee qaranimadeenii iyo walaaltinimadii shacabka Somaliland qabiil dib ugu celiyey.

 

Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)
Kristiansand, Norwey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip