Dadka Lacagta Yar Ee U Hunguroonaya Lacagta Sicir Bararka Ku Samaynaysa Ee Looga Iibsanayo Foodkooda Waa Bisaddii Soofaha Leeftay.
November 22, 2017
Latest Headlines:   _

Dadka Lacagta Yar Ee U Hunguroonaya Lacagta Sicir Bararka Ku Samaynaysa Ee Looga Iibsanayo Foodkooda Waa Bisaddii Soofaha Leeftay.

0
Thursday October 19, 2017 - 13:12:34 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Lacagta Yar Ee U Hunguroonaya Lacagta Sicir Bararka Ku Samaynaysa Ee Looga Iibsanayo Foodkooda Waa Bisaddii Soofaha Leeftay.

    Dadka Lacagta Yar Ee U Hunguroonaya Lacagta Sicir Bararka Ku Samaynaysa Ee Looga Iibsanayo Foodkooda Waa Bisaddii Soofaha Leeftay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Lacagta Yar Ee U Hunguroonaya Lacagta Sicir Bararka Ku Samaynaysa Ee Looga Iibsanayo Foodkooda Waa Bisaddii Soofaha Leeftay.
Waxaa bishan doorashadu socoto shaaracyada iyo bulshada dhexdeeda ku arki doontaan dad aan idiin iman jirin oydaan arki jirin oo googo yar u ka soo qaaday XUKUUMADAN (CORRUPTED)ka ah ee aa wada garanaysaan inay musuqmaasaq ku nool tahay iyadiyo xusbigeedu ayaa idiin imanaya. Lacagta ay sidaan waa lacagtii wadooyinka, dhakhtarada, dugsiyada,dhalinta lagu shaqaalaysiin lahaa, askarta guryo iyo mushahaarooyin ku filan lagu siin lahaa ayaa wax yar la idiin daadaadinayaa, haddaa xukunka ku celisaan dibbaa cashuur kulul iyo danguud oo hor la idinku garaacayaa. Lacagtan Cabdiraxman aw Cali, Xoorxoor, suldaamada dadqalatoobay iyo tijaarta mamtay iyo wasiirada bahaloobay sidaan waa dhaqaalihii yaraa ee dalka oo si qaladan loo daadinayo lagana dhigayo wax qaad lagu cuno.Sicirbararku halkaa suu ka yimi imikana laba million buu halka doolar gaadhayaa dibna usoo noqomaayo waayo cid u diyaara inay sicirbararka joojisaa ma jirto Xukuumadda Kulmiye. DADKA WAXAA YARAY DAADINAYAAN KA QAATAA EE FOODKOODA KULMIYE KA IIBIYAA WAXAY LA MID YIHIIN BISADDII SOOFAHA LEEFTAY EE UU CARRABKA KALA GOOYEY EE DHIIGEEDII MOODDAY INUU SOOFAHA KA YIMI EE KU CELCELISAY EE HALKII KU QUDH BAXDAY. CIDDA WAX YAR KULMIYE FOODKEEDA KA SIISATAA WAA BISADDAA, KULMIYENA WAA SOOFAHAA QOFKA WAX KA LEEF YIDHAA UU KU DHIMANAYO. 
MAANTA MEDIA WAXAA KU JIRA KHIYAAMO QARAN OO QAAWAN OO ILAAHAYNA LAGA BIQI WAAYEY OO LA LEEYAHAY WAAR UMMADDA INTA KALE AYEYNU KHIYAAMAYNAYNAAYE DAAHYADA INOO XIDHA, TELEPHONE NADA INAGA BAKHTIIYA INTA AYNU BAKHTIGA QALANAYNO , MARKAASAA ALLAHII WEYNAANA KHIYAAMADII LAGU DARAY OO LA YIDHI SH.HEBELOWNA QURANKA INOOGU FUR KHIYAAMADA (subxaana laah). Xukuumada Kulmiye waxaa loo diray bay ahayd ictiraaf iyo horuumarin ummadeed; waxay dhinacna u dhaafiweyday Dan­guud oo la xaraasho iyo cashuurtoo guryo xunxun lagu dhisto debed iyo gudaba aragti fog oo ummadi higsato weli todobadaa sano maynu arag. Waayo madaxda intii wax kala garanaysayna Wadani bay galeen si ay wadanka uga badbaadiyaan godka madaw uu ku sii socdo. SWITZERLAND baan wiiggan tegay waxaan kusoo arkay dhalinyaro 150 gaadhaysa oo intii soo badbaaday oo gidi ka soo tahriibay xaafadda Qudhacdheer ee Hargeysa xaafadaa kale iyo wadanka intiisa kale ka timi waa kumaankun. Miyaa aragteen Xukuumad war u haysa dadkeedii oo ka hadlaysa. Dhibaatooyinka wadanka haddii hoos loogu dhaadhaco waa rogmad waxay baday Xukuumadda Kulmiye. Prof. Samater ka buugga indha sarcaadka ah la meeraysanayaa caruurtii halkay u yaaceen inuu ka waramo weeye inta uu ku dhec milmayo Xusnbigan bakhtigu u xaalaaloobay. Ummaddii gobolka Hawd Todobaadkii dhowaa waxay Muse Biixi, Kijaandha iyo Boqor Beenmadaw la hortageen sawirkoodii oo sanka ka haysta. MBashe(Meerkat) 

qoranebashe@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip