Safarkaygii Muqdisho Maxaa Iiga Baxay?
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Safarkaygii Muqdisho Maxaa Iiga Baxay?

0
Saturday September 30, 2017 - 12:20:28 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkaygii Muqdisho Maxaa Iiga Baxay?

    Safarkaygii Muqdisho Maxaa Iiga Baxay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkaygii Muqdisho Maxaa Iiga Baxay?
Muqdisho waa magaalo cimilo ahaan kulayl ah oo huura, waxaana marta badweynta Hindiya, Sahan lasaameyey 2015 kii waxa ka soo baxday in magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ay kunool yihiin dad lagu qaderay 2.5million.Marka aad ka soo gasho albaabka dhinaca cirka ee Madaarka loo yaqaan, waxa ay indhahaygu qabanteenfadhiisimo Ciidan oo laga sameeyey, xataa wadada laamiga ah ee madaarka ka timaada, waxaananaaminay inay ay tahay furin dagaal, balse markii aan gudaha u galay waa muqaal ka duwan, waa nololcaadiya iyo goobo ganacsi oo si fiican u shaqaynaya, inta ka horaysa 5 galabnimo. inta badanwaddooyinka waxa taagan ciidanka nabad sugidda oo gadiidka ku baadha. waxaa jira qaraxyo, dilal

 

qorshaysan iyo isku dhac ciidan oo mararka qaar ka dhaca, kuwaas oo galaaftay nolosha kumananSoomali ah, waxaanay ii sheegeen in ay ka soo kabanayso burburkii iyo dagaaladii rubuc qarniga kasocday .Baaburta ugu badan ee magaalada ka dhex shaqeeya waa gadiidka nooca loo yaqaan Bajaajta iyoBasaska Caasiga ah ee Hoomeyada loo yaqaan .Nolosha Maagalada Muqdisho waxa ay ka nolol qaalisantahay magaalada Hargeysa, marka loo eegogoobaha la seexdo, wax laga cuno iyo kiradda guryahaba, waxaanay sababtay in nolosha bulshadunoqoto laba dabaqadood, gaar ahaan dabaqad sare iyo dabaqad hoose, iyada oo ay meesha ka siibaxayso dabaqadda dhexe oo ah tan dhaqaajisa horumarka dal iyo dhaqaalihiisa.
Hanaanka iyo haykalka maamul ayaa shaqeeya sagaalka subaxnimo ilaa afarta galabnimo oo ayindhahaagu qabanayaan shaqaale sagaalka subaxnimo jarmaadaaya .Intaan arkay Dhallinyarada magaalada Muqdisho ayaan ku mashquulin arrimaha Siyaasadda waxaanaytaa bedelkeeda ku foogan yihiin falanqaynta ciyaaraha iyo haasawaha .

Goobaha ugu badan ee Caafimaadka ayaa lagu daweeya Xanuunadda ku dhaca Ilkaha oo inta badanbulshadu ka cabato, waxaanay ii sheeg in ay ugu wacan tahay biyaha magaalada oo ah kuwa adag oodhanaana iyo qaadka ama jaadka loo yaqaan miiroga.Magaalada Muqdisho waa mid ku adag inay ka dhex muraadsadaan dadka qariibka ah waxaanay iisheegeen maahmaah maxaliya oo ah, Muraadka Xamar Muraayad baa ka xigta .Safarkaygii waxaa iga baxay in ay Dadka shacabka ahi qabatimeen la noolashaha duruufaha wakhtigubaday kuna rajo weyn yihiin in ay mar uun ay heelaan Muqdisho oo Caasimadaha dunida ee nabadoon la
mida .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip