MADAXWEYNE ISMAIL OMAR GUELEH WAA MADAXWEYNE KU DAYASHO MUDAN {JAWAAB KU SOCOTA : HUSSEIN-LUCKY MOHAMED MOHAMOUD,}
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

MADAXWEYNE ISMAIL OMAR GUELEH WAA MADAXWEYNE KU DAYASHO MUDAN {JAWAAB KU SOCOTA : HUSSEIN-LUCKY MOHAMED MOHAMOUD,}

0
Wednesday September 13, 2017 - 13:17:09 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE ISMAIL OMAR GUELEH WAA MADAXWEYNE KU DAYASHO MUDAN {JAWAAB KU SOCOTA : HUSSEIN-LUCKY MOHAMED MOHAMOUD,}

    MADAXWEYNE ISMAIL OMAR GUELEH WAA MADAXWEYNE KU DAYASHO MUDAN {JAWAAB KU SOCOTA : HUSSEIN-LUCKY MOHAMED MOHAMOUD,}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE ISMAIL OMAR GUELEH WAA MADAXWEYNE KU DAYASHO MUDAN {JAWAAB KU SOCOTA : HUSSEIN-LUCKY MOHAMED MOHAMOUD,}

Haddaba muwaadin bal aan u gunda dego gorfaynta siyaasisyyinta hogaanka mandaqada geeska Afrika ama guud ahaanba Afrika: horta mka la qiimaynayo

 

Araar: Marka hore waxaan jecelahay in aan araar idiinka dhigo asbaabta maqaalkan oo aan jawaab jga dhagayo qoraal uu ka qoray Md. Muuse Biixi Cabdi nina la yidhaahdo "Hussein-Lucky Mohamed Mohamoud,—- laguna daabacay mareegta Hadhwanaagnews" kaas oo uu ku eedeeyey in MBA uu marjac siyaasadeed u yahay madaxweynaha dalka Djibouti Md. Ismail Omar Gueilleh.

Haddaba muwaadin bal aan u gunda dego gorfaynta siyaasisyyinta hogaanka mandaqada geeska Afrika ama guud ahaanba Afrika: horta mka la qiimaynayo nin hogaamiye siyaasadeed ah "Political Leader” waxaa laga eegaa qarnigan aynu nool nahay dhinacyo doora, – marka hore waxa la qiimeeyaa aqoontiisa waxbarasho, – marka labaadna kaalintiisa waayo aragnimo ee shaqadda uu

 

soo qabtay, – marka saddexaadna doorka uu ku leeyahay bulshadda dalka uu ka soo jeedo ee uu rabo in uu hogaamiyo.

Muwaadin marka aan haddaba si kooban u dul maro xidhiidhka xagga arrimahaas aan kor ku sheegnay ee labadan hogaamiye Madaxweyne Ismail O. Guilleh iyo Muse Bihi Abdi waa rag isku kaalin koobsaday oo waxaa kuu soo baxaya humaag ama (image) muujinaaya in ay isku jid hayaan. Haddaba sida uu hadalka u dhigay ninka aan jawaabtan u qoraayo oo ah " ———–" waxa uu rabay in uu ku cambaareeyo MBA arrinta uu ugu xidhiidhiyey Madaweyne IOG, balse waxaan leeyahay aad ayaanu ugu faraxsanahay in uu Md. Muuse Biixi Abdi uu qaado jidka Madaxweyne Geele, isla markaana waa hubaal in dalkan Somaliland u baahan yahay hogaamiye jidkaas oo kale mara..!!!

Haddaba muwaadin anigu xidhiidhka shakhsiga ah ee labadan hogaamiye waxba ka odhan maayo, oo waa arrin sir ah ay labada hogaamiye leeyihiin, balse waxaan jecelahay in aan umadda u soo bandhigo qiimeynta aan ku sameeyey ee ku salaysan cilmiga siyaasadda iyo diblomaasiyada " Politics and Diplomatic Analysis” taas oo aan ku eegay labadan hogaame, annigga oo kaashanaya aqoontayda iyo waayo aragnimadayda xagga siyaasadda ee aan ka helay xafiiska United Nation ka kaas oo aan wakhti nasiib u helay in aan xog-hayn ka noqto UNRCO " United Nations Resident Coordination Office” 2004 – 2006. wakhtigaas oo aan u xilsaarnaa in aan qaado minutes-ka shirka United Nations Head of Agency Meeting … taasi oo wax badan iga bartay diblomaasiyadda caalamka ee haatan.

 

Waa Kuma IOG?

Su’aashaas, waa kuma Madaxweyne Ismail Omar Guilleh haddii aan isweydiino, jawaabtu waxay noqonaysaa IOG, waa madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Djibouti, sida la wada ogyahay waxba taariikh nololeedkiisa ku durki maayo, balse aan ka bilaabo aqoontiisa siyaasada iyo hogaamintiisa taas oo ah inta khusaysa mawduuca aan ka hadlayno. Madaxweyne IOG waxa uu bartay cilmiga " Police Science” halkaas oo uu dalkiisa shaqada kaga bilaabay " Prosecutor” ama xeer ilaaliye lana shaqeeyey dawladii u horaysay ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayey Allah ha u naxariistee Haji Hassan Guilleed Abtidoon, Mudane Ismail waa aqoon yahan ku hadla dhawr luuqadood oo ay ka mid yihiin –Af-soomaali, -Arabic, -English, -French, -Denkali iyo qaar kale.

Haddaba, IOG waa halyey la wadaaga Muuse Biixi Abdi taariikhda halganka uu dalkiisa u soo galay oo waxa uu ka soo qayb qaatay xornimo doonkii dalka Djibouti, kadibna waxa uu ka hawlgalay dhismihii qaranka ee dawladii Alla ha u naxariistee Haji Hassan Guilled, taas oo uu Iyana la wadaago Md. Muuse Biixi Abdi oo ka soo qayb qaatay dhismihii qaranka Somaliland intii uu jiray. Marka laga eego xagga beesha caalamka Madaxweyne Ismail Omar Guilleh waa hogaamiyihii Afrikaan ahaa ee inta aan ogahay dunida tallo laga weydiiyo, waxaanan soo qaadanayaa arrinta loo yaqaan "Counter Terrorism” ama la dagaalanka arga-gixisada, sida aad ogtihiin dalka Djibouti waxa uu saldhig u yahay ciidamo dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin USA, JAPAN, CHINA iyo qaar kale, haddaba ciidamadan la iskama dhigin dalkan yare e Afrika ku yaala balse waxaad ogaataa in uu yahay Madaxweyne Ismail Omar Guilleh maskaxda dunidu u daba fadhiisato arrintan sidaa darteena dalkiisa ciidamadan xarun looga dhigay, waxaanu ku gaadhay aqoon iyo kartidiisa uu Allah swt u dhaliyey.

Markaas waxaan leeyahay waa arrin lagu farxo isla markaana mudan in lagu hambalyeeyo in Md. Muuse Biixi Abdi uu macalin xagga siyaasadda iyo hoggaaminta ka dhigto Madaxweyne Ismail Omar Guilleh…. Sida aad la socotaan dalka Djibouti ascaarta daruuriga ahi isma badesho qiimaheedu oo sicirku waxa uu marayaa halkii uu ahaa sanaddii ay xoriyadda qaateen 1977kii, manta Somaliland waxa ay la liidataa korodhka qiimaha alaabta daruuriga ah, markaas aad Ayaan ugu baahanahy hogaamiye sida Djibouti oo kale wax salka u dhiga, waayo dalka Djibouti degenaanshaha suuqu waxa uu ku yimid siyaasadda dawladda ee ay dejiyeen hogaankeedu oo uu kow ka yahay Ismail Omar Guilleh, gebogabadii waxaan ku dhaafayaa ninka maqaalka hore qoray intaasi ha kaaga filaato.

 

Qalinkii: Keyse Amare

 

Keyse.amare@live.com

 

+ 252 63 447 0552




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip