Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya

0
Wednesday September 13, 2017 - 10:09:51 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya

    Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya oo sheegtay in ay maalgashi ku sameyn doonaan Soomaaliya

Danjiraha dawladda Denmark u fadhiya dalka Soomaaliya Mss Mette Knudsen, ayaa sheegtay amniga 

iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey dalka Soomaaliya. 

Mss Mette, ayaa dhinaca kale sheegtay in dowladda Denmark ay diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga 

labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Danjiraha, ayaa hadalkaasi waxaa ay ka sheegtay kulan shalay Magaalladda Muqdishu ay kula qaadatay 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulanka labada dhinaca ayaa waxaa sidoo kale looga hadly sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo 

in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

"Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin 

lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul 

Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip