Riyadaydii Aan Ku Dhex Arkay Himilada Bulushadeena Somaliland
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

Riyadaydii Aan Ku Dhex Arkay Himilada Bulushadeena Somaliland

0
Monday September 11, 2017 - 09:23:03 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyadaydii Aan Ku Dhex Arkay Himilada Bulushadeena Somaliland

    Riyadaydii Aan Ku Dhex Arkay Himilada Bulushadeena Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadaydii Aan Ku Dhex Arkay Himilada Bulushadeena Somaliland

habeen axada oo ay bishu ahayd 27 June 2017 , waxa uu ahaa habeen iigaga duwan habeenadii kale ee lasoo dhaafay , waayo wuxuu ahaa habeen aan Ku riyooday himilada in badan bulushada reer Somaliland Ku hamiyaan .Goortan aan riyada Ku dhex jiray waxaan Ku sugnaa carliga america , manaan joogin carligaa , wax igeeyay se garanmaayo , waxaan sidoo kale Ku sugnaa jawi aad u macaan jawi in badan oo naga midi ilmadu farxad iyo qiiro datasheets uga daadanaysay . Abaaro toddobadii subaxnimo ayay saacada itoosin jirtay itoosisay anigoo Ku riyoonaya america oo ina ictiraaftay oo calankeena aanu ka dhex taagnay . Hadaba suaashu waxay tahay , saddexdan xisbi ee tartamaya keeba Inoo rumayn kara oo ina gaadhsiin kara riyadaydaa .


Aan Ku horeeyo xisbiga kulmiye Waa xisbi muddo soo hayay xukunka dalka , waa xisbi horumar u horseeday dalkeena . sidoo kale waa xisbi kala fogeeyay bulushadii reer Somaliland , kaasoo sabab u ah magacyada khaatumo state , awdal state oo ay samaysteen deegaano wax ka tirsanaya dawlada , sidaa daradeed waa xili is bedel loo baahan yahay ayagoo La isku soo dhawaynayo deegaanadaa sii kala foganaya. Xisbiga wadani ayay noqotay , waa xisbi curdina , waa xisbi Ku cusub saaxada siyaasada , kuna jiraan siyaasiin ruug cadaayi , waa xisbi aanay wali cidi fahmin ahdaafta ama himiladuu hiigsanayo , laakiin in badan oo inaga midi shaki aada ka qabaan inuu wato ololaha midnimada somaliyeed , taasoo aynu horeba Ugu hungawnay , sidaa daradeed inaan lagu dagdegin ayay ilatahay oo lafahmo horta ahdaafta uu wato iyo wuxuu hiigsanayo si aan hadhaw farta dhexda looga qaniinin. Xisbiga ucid u kaalay , waa xisbi in badan soo tartamayay oo dhawr jeer Ku guuldaraystay tartankii , waa xisbi ay yartahay in rajo xumi lagala kulmaa wanaag iyo horumar mooyee , sidaa daradeed bal doorkan aynu doorano waa intaasoo uu riyadaydaa inoo dhabeeyaa 

Allaa mahad leh 

Mohamed abdriahmaan ( dhumiye ) 

maxamedabdirah@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip