MAXAY GALABSATEE LAGA GOYNAYAA DEGMADA FARAWAYNE? Qalinkii (Mohamed A. Husein Azhari)
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

MAXAY GALABSATEE LAGA GOYNAYAA DEGMADA FARAWAYNE? Qalinkii (Mohamed A. Husein Azhari)

0
Wednesday September 06, 2017 - 18:18:03 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAY GALABSATEE LAGA GOYNAYAA DEGMADA FARAWAYNE? Qalinkii (Mohamed A. Husein Azhari)

    MAXAY GALABSATEE LAGA GOYNAYAA DEGMADA FARAWAYNE? Qalinkii (Mohamed A. Husein Azhari)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAY GALABSATEE LAGA GOYNAYAA DEGMADA FARAWAYNE? Qalinkii (Mohamed A. Husein Azhari)
Degmada Faraweyne waxa ay ka mid tahay degmooyinka qadiimka ah ee jiray ilaa
waqtiyadii gumaystaha ingiriiska, waxayna can ku ahayd dhul daaqsimeed xiligaasi iyo
geedaha kala ah maraaga iyo xogsogta taasina waxay keentay in uu deegaano noqday
xoolo dhaqato beeralay.
Degmadanu waxay ku taalaa koonfur galbeed magaalada hargeysa , baaxada dhul
ahaaneed waxa lagu qiyaasaa dhul ahaan 2000KM 2 waxayna xad la leedahay Deegaano
badan oo ay ka mid yihiin dhinaca galbeedka degmooyinka Alaybaday iyo Gabiley,
dhinaca waqooyi Hargeysa, dhinaca bari degmooyinka Sayla bari iyo balay cabane iyo
oogada oo ah xadka degmadu la wadaagto Ethiopia.
Degmada Faraweyne waxa hoos yimaada 36 tuulo, Dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa
inta u dhaxaysaa 24000 ilaa 27000
Qaab nololeed dadka deegaanka faraweyne waa mid ku tiirsan xoolaha nool iyo
qodaalka beeraha.
Degmada farawayne waxay ahayd aagagii dalka laga xoreeyay, gaar ahaana caasimada
Hargeysa, waana dadkii iyo dhulkii khasaaraha ugu badani ka soo gaadhay, isla markaana
dadka deegaankani waxay ahaayeen kuwii kaalmaha ugu muhiimsan kasoo qaatay
halgankii dibu xoraynta dalka.
Marlabaad waxay maalkoogii iyo muruqoodiiba galiyeen sidii uu xisbigan kulmiye u
qaban lahaa hogaanka dalka , wayna ku hungoobeen qabashadaasi.
markii xisbigu xukunka dalka qabtay ilaa hada oo laga joogo 7 sano farawayne way idin
sugaysaan dadka deegaanku.
Halkee ayuu marayaa adeega arrimaha bulshada ee degmadu
1. Caafimaadka
Caafimaadku waa tiir dhexaadka nolasha,waana muhiim in qofkastaa helo adeeg
caafimaad oo tayadiisu sarayso .
 Goobaha caafimaad ee gedmadu waa mid aam dabooli Karin baahida dadka
 Xirfadlayaal caaafimaad oo u jajaban u adeegida dadka kuma arag degmada
guud ahaan
 Degmadu malaha gaadhi ambulance oo u adeega dadka deegaankan
baaxada wayn ku nool

 

2. Biyaha
Biyo la’aani waa nolal la’aan , deegaankani waxbiyo ah malaha

 Dadka deegaanku waxay cabaan biyaha ceelasha gala xiliroobaadka
 Dadka deegaanku ma helaan biyo nadiif ,
 Waxay khatar u yihiin xanuuno
3. Waxbarashada

Hiigsiga horumarinta mustaqbalka suubani waa waxbarasho
o Waxbarashada ugu saraysa ee deegaanku waa dugsi hoose
o Tayada waxdhigista oo aan fiicnayn goobaha badankooda
o Malaha deegaankan balaadhan ee dadka bani ku nool yahay waxbarashada
fasalka 8 aad
o Goobaha waxbarsho ee deegaanku maaha kuwo leh adeegii ardaygu u
baahnaa
o Qoysas bani ma awoodan inay magaalada u wareejiyaan ilmahooda marka
uu gaadho fasalka 8 aad taasina waxay keentay in mustaqbalka
caruurbadani bartaa ku baaba’o

Mee Doorkii xukuumadu ay ku yeelan lahayd degmada farawayne ?
Ma jiraan wax dawladu ay sheegan karto oo ay degmada ka fulisay ,
Hay,adaha dawlada ee degmada ka hawl galaa maaha kuwo dadka sidii la rabay ugu
adeega lknse waxay madaxa u buuxiyaan dawlada
Hay’adaha dawladu ee ay ka mid yihiin wasaaraduhu doorkii ay ku lahaayeen degmada
way gabeen
Degmada oo ku taala xadka aan la wadaagno Ethiopia waxay ahayn inay lahaato xarun
caafimaad oo adeegyo badan qaban karta xanuuno badana xakamayn karta iyo shaldhig
ciidan intaba
Degmada oo muraacad adag ku ahayd xukuumadii dhacday ee UDUB ayaa ilaa hada
aanay dawladu dib u milicsan doorkii ay ku lahayd guusha xisbul xaakimka talada dalka
haya
Nolasha dadka iyo Deegaankuba waa sidii ay ahaayeen 7 sano ka hor
Wadadii rafta ahayd ee degmada farawayne way maraan gawaadhigu, waqtiguse maaha
shalay waxana idiin diyaar ah dadkii deegaanka oo raba inay idin la wadaagaan waxaad
ugu maqnaydeen 7 sano oo aad xil hayseen.
Degmada iyo dadka ku noolba nolashadoodii waa sidii aad kaga tagteen oo dadku wali
waxay cabaan biyaha ceelasha ee cirka ka yimaada marka uu roobku da’o , intaasi waxa
dheer hadii laba qoys diriri dhex marto ma jiro saldhiga maxaabiis lagu hayn karo, ma
jiran goobo caafimaad oo bixiya adeeg hufan , malaha degmadu ambulance, waxbarashu
waa halkeedii oo malaha dugsi sare.
Guntii iyo gunaanadkii waxan ku soo afmeeray qoraalkan gar naqsiga ah dadka
deegaanka degmada farawayne waxay idinka sugayaan wixii ay xaqa ugu lahaayeen.

Alla Mahad Leh

W/Qoray: Mohamed A. Husein (Azhari)

Hargeysa,somaliland
Email: Maxamedmasri@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip