Waligaa Xaasid Ha Noqon! Xaasidna Hala Saaxiibin! Hana La Fadhiisan!, Hadalna Haka Qorin!!!
September 23, 2017
Latest Headlines:   _

Waligaa Xaasid Ha Noqon! Xaasidna Hala Saaxiibin! Hana La Fadhiisan!, Hadalna Haka Qorin!!!

0
Wednesday September 06, 2017 - 18:18:03 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waligaa Xaasid Ha Noqon! Xaasidna Hala Saaxiibin! Hana La Fadhiisan!, Hadalna Haka Qorin!!!

    Waligaa Xaasid Ha Noqon! Xaasidna Hala Saaxiibin! Hana La Fadhiisan!, Hadalna Haka Qorin!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waligaa Xaasid Ha Noqon! Xaasidna Hala Saaxiibin! Hana La Fadhiisan!, Hadalna Haka Qorin!!!

Xaasidnimadu waa shay aad iyo aad u xun oo bulshooyinka oo dhammi isku raaceen in ay tahay shay xun oo aan lahayn wax loo xisho.Diinta islaamkuna meel adag ayey ka istaagtay.bulshooyinku meel kastoo ay joogaan,waxa ku dhex abuuran dad xaasidiin ah. waa dhibaato markasta taagan oo ay tahay in la daaweeyo, si bulshooyinku uga badbaadaan dhibta ay leedahay xaasidnimadu. waxa hadaba,muhiim ah..in aan ka fogaan oo aan taxadir ka sameyno waxkata oo keeni kara in bulshadeena ay dhibaato ka soo gaadho falka xaasidnimada.qofka xaasidka ah,waxa uu had iyo jeer ku dadaalaa in uu dareenka ku jira dadku la wadaagaan. waxa uu had iyo jeer ku mashuulsanyahay in dadku isnacaan oo ay noqdaan dad kala tagsan dareen ahaan…iyo jacayl ahaan. qofka xaasidka ahi,waa qof ay ka muuqato in uu jecelyahay in aan meesha ladnaa iyo faraxtiba iman.in aan la arag dad u nool si farxad iyo rayn rayn leh. waxa uu had iyo jeer xaasidku ku jiraa dagaal hoose oo aad iyo aad u daran oo uu doonaayo in uu la beegsado,dad ay ka muuqato nimcada ilaahay qaybinaayo ee maalin iyo habeen socota.waa fal ama hawlgal u socda si qaboow oo ayna dadka badan koodu dareemayn. qofka xaasidka ahi,waxa aan ku tilmaami karaa anigu sida: shimbirta fiid­meerta!!! habeenkii uun baa la arkaa iyada oo meereysanaysa meel madoow.qofka xaasidka waxa Quraanka lagu soo daray dhowr ayaadood oo loogu talogalay in lagula dagaalamo.!!! hadaba, maxaa inala gudboon oo aynu kaga badbaadi karnaa dadka xaasidiinta ah,sharkooda iyo fidnadooda???? Ilaahay ha u naxariisto qoraagii M.M.kastam,barri ayaa uu qoray maqaal ku saabsan(xaasidka) waxana uu cinwaan uga dhigay(Xaasidoow daawo kuuma hayo),muddo ka dibna waxa ka soo jawaabay nin dhakhtar ah,oo magaciisa la yidhaahdo, mustafe oo dagan dalka Denmark, oo soo qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay(waxaan hayaa dawadii xaasidka)!!!. waxa uu yidhi: (dawada xaasidku waa in aan la daweyn xaasidku

haddii uu bukoodo,si uu nimcada ilaahay u xasuusto,oo uu yidhaahdo: waar ilaahay ciddii uu doono wax ha siiyee,yaa aniga caafimaadkeygii ii soo celiya!)).aniguna waxaa ku talinayaa in xaasidka la tuso nimcada ilaahay in uuna joojin karin ee uu iska daalaayo oo loo soo xaragoodo!!!!waxa kaloon ku talinayaa in haddii aad aragto qof xaasid ah, ama dareen xaasidnimo ku jirto in aad ka fogaato oodan hadalkiisana qorin,lana saaxiibin.lana fadhiisan,si uga badbaado sharkiisa!!! 

Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari). 

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan school for English!!! 


Email:aragtiwanaagsan@gmail.com 

Tell: 063 4175733. 

facebook:abdiazizyonis. 

Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip