Farmaajo Xataa Jawaab {Constructive Ambiguity} Ahna Ma Bixin Kari Waayey?
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

Farmaajo Xataa Jawaab {Constructive Ambiguity} Ahna Ma Bixin Kari Waayey?

0
Monday September 04, 2017 - 11:16:57 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Xataa Jawaab {Constructive Ambiguity} Ahna Ma Bixin Kari Waayey?

    Farmaajo Xataa Jawaab {Constructive Ambiguity} Ahna Ma Bixin Kari Waayey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo Xataa Jawaab {Constructive Ambiguity} Ahna Ma Bixin Kari Waayey?

Dawladda taagta daran, la ilaaliyo ee dheeka­dheekada ahi sarkaal ONLF ah oo dhul u dhalashana ka itoobiyaan ah qoom na ka Soomaali ah ayey heshiis amni oo Itoobiya dhex maray darteed isku waydaarisay! Soomaali oo dhan ayaa ka catowday, oo jidh diidday iyaga oo u xilanaya qarannimo, qiil na ka dhiganaya in uu Farmaajo khiyaamay oo uu been ka sheegay waddaniyad ku dhisan shisheeye nacayb oo ay hore u la jibboodeen! Inta ay qiiradani socoto, marnaba la is ma wayddiin sarkaalku sharci dhalasho ahaan waa ayo? Soomaali Galbeed ma Itoobiyaa mise waa Soomaaliya? Iyamaa mudan kuwa diyaaradaha la gu rushaynayo ee beerahooda la gu gummaadayo hadh iyo habeen Soomaaliya dhexdeeda iyo sarkaalka ONLF in loo qiiroodo? Farmaajo se itaalkiisu intee ayuu gaadhsiisan yahay? Nacaybka jaarka iyo muramaha xuduudaha gumaysiga ee Soomaali Galbeed iyo NFD wakhtigan Soomaali maxaa dan ugu jira xag amni, dhaqaale, mujtamac amma siyaasadeed? Iyada oo intaa soo dhan la adeegsanayo dadka qiiraysan ee siyaasiyan marin habowsan – Farmaajo iyo Khayre miyey jawaab ku filan siin kari waayeen? Jawaab ah Constructive Ambiguity! Mise beentii hore ee ay xukunka ku yimaadeen ayaa fashilmi doonta haddii la jawaabo?

Sida ay doonta ha noqoto e, sawirka dhabta ah ee kacdoonkan caadifiga ah ee shacabka iyo miyir­doorsoonka jawaab la’aanta Farmaajo iyo dawladdiisu waxa ay inna tusaysaa in aan shacabka been loo sheegin oo aan filim been ah oo Soomaalinimo iyo jaar nacayb aan kursi la gu raadsan. Waayo waxa suura­gal ah in la fashilmo oo faruuryaha la ga xidhmo sidaa Farmaajo!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip