Sharmaake Geelle masuulkii ugu maamulka xumaa ee hayada shaqalaha somaliland soo mara iyo cadalad daradii ugu waynayd Waa Qalinkii Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

Sharmaake Geelle masuulkii ugu maamulka xumaa ee hayada shaqalaha somaliland soo mara iyo cadalad daradii ugu waynayd Waa Qalinkii Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)

0
Monday September 04, 2017 - 11:16:57 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharmaake Geelle masuulkii ugu maamulka xumaa ee hayada shaqalaha somaliland soo mara iyo cadalad daradii ugu waynayd Waa Qalinkii Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)

    Sharmaake Geelle masuulkii ugu maamulka xumaa ee hayada shaqalaha somaliland soo mara iyo cadalad daradii ugu waynayd Waa Qalinkii Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharmaake Geelle masuulkii ugu maamulka xumaa ee hayada shaqalaha somaliland soo mara iyo cadalad daradii ugu waynayd Waa Qalinkii Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)

Qormadan waxaynu diirada ku saari-donaa gudomiyaha hayada shaqaalaha somaliland sharmake axmed maxamuud geelle'
waxaynu halkan kusoo bandhigaynaa dhacdooyin dhab ah iyo qoraalo kuu tilmamaya shaqsiyada dhabta ah ee sharmake geelle

Sharmake geele wa gudomiyaha hayada shaqaalaha somaliland ,wa nin dhalinyaro ah oo ay dad-badni u hanqal-tagayeen hogaankiisa. hayada shaqalaha dawlada oo ay saluug badan ka qabeen dhalinyarada somaliland ayay rajadood diib usoo noqotay markii ay arkeen nin dhalinayro ah oo mimbarka hayada shaqaalaha taagan,

Sharmake geelle wuxu kamid ahaa 2011-kii ardaydii ka qalinjabisay jamacada camuud ee gobolka awdal.wakhtigaas waxa xaflada qalinjabinta ka qaybgalay madaxwayne siilanyo ,waxa halkaas wasiirkii madaxtoyada xirsi cali xasan kaga dhawaaqay inuu qaar kamid ah ardayda uu ka shaqo galin doono wasarada madaxtoyada.sharmake wuxu nasiib u helay inuu noqdo xoghayaha garka ah ee wasiirka madaxtoyda

Sharmaake intuu uu madxtoyada jogay waxa lagu yaqiinay inuu ahaa wiil-yar oo guul-wade u ah xirsi cali xaji xasan oo uu u arkayay ninkii kasoo saaray noloshii shaqo la,aanta ee uu ku jiray isla markana u furay albaabka rajade ee noloshiisa.

 

Markii wasiir xirsi oo uu xog-haye u ahaa iscasilay wuxu isagu ku hadhay madaxtoyada isagoo werwer ka qabay in shaqada laga eryo,waayo muu ahayn qof aragti siyasadeed kula socday xirsi ee wuxu ahaa nin werwer ka qaba dhuuni iyo nolol xumo,wa guul-wade yaqaana sida loogu guul-wadeeyo dadka ay dantiisu uga dhex muuqato wuxuna wajigiisa guul-wadanimo tusay maxmuud xashi oo ahaa wasiirkii cusba ee madaxtoyada,maxmuud xashi wa nin jecel dadka u guul-wadeeye wuxuuna sharmake geelle u magacabay xog-hayaha golaha wasiirada 14/12/2015-kii ,taaasi oo muujisay inuu sharmke geelle uu ka soo baxay shaqadii guul-wade ee loo igmaday,isagoo wixii siro ah usoo basaasi jiray taasi oo u suurtagalisay in lo magacaabo gudoomiyaha hayada shaqalaha dawlada

 

Sharmaake Geelle wa nin marka uu dadka la hadlaayo muujiya daacadnimo iyo inuu yahay nin wanagsan oo cadaalada iyo horumarka jecel ,taasi oo uu dhalinyarada ugu laab-qaboojin jiray inuu yahay rajada dhalinyarada somalilad uuna hayada shaqaalaha ku maamuli doono si cadalad ah.
sharmake wa nin aan qawlkiisa iyo uurkiisu islahayn,wa nin labo wajiile ah oo umada u muujiya dacadnimo, shaqadiisna ay hadhaysay eex,qabyalad,cadalad- darro iyo kibir ku lamaan shaqdiisa madaama oo shaqada uu hayo culays-keeda qaadi karaynin madaama aanu ahayn nin hayin ah

Waxa xaqiiqo ah inan dad-badani rumaysan karin xaqiiqada madaamo oo ay media-ha ka arkaan sharmaake oo hadalo macaan oo af-gobaadsi ah la taagan media-ha oo ku hadaaqaya hadalo u muuqda kuwo uu kusoo jiidanayo shacabka somaliland ee aan ka war haynin qaabka foosha xun ee uu umaamulo hayada shaqaalaha taaasi oo uu ku muujiyo inuu yahay nin cadaaliya

Hadalkaas macaane ee sharmake waxaan ka leyahay hal-kudhigii somaliyeed ee ahaa( Nin madluub ah oo golle ka maah-maahay wuxuu ku qarinayaa wa amuurihiisi)

Sharmake bishii (may) ee sanadkan aynu ku jirno wuxuu ku dhawaqay oo soo bandhigay in 30-boos' ay ka bananadeen hayadaha dawlada isla markaan imtixaan loo gali doono si cadalad ah ,dhawaaqa sharmake waxa u hanqal taagay boqolaal dhalinyaro ah oo ka qalinjabiyay jamacadaha dalka isla markaana bilaa camal aha,sharmake si uu indhaha u qabto bulshada,isla markaan uu si cadaalad wax u eeg u tuso dadka wuxu shegay in gobolka sool lagu qaban doono imitixanka ,macalimiinti imtixanka qaday way dhaaratay. dhartiina way kasoo baxeen ,waxa dhab ah dadkuna ogyahay in 30-qof ee so baxay qaarkood ay ka cabanayeen oo ay shegeen inay imtixankaasi cadalad ahayn

19/8/2017-kii aya sharmake ku dhawaqay inay imtixan ku xulan donaan 30-shaqaale ah oo ka hawlgali doona wasarada daliixiska somaliland
imtixaankii si dhakhso ah ayay u qabtay hayada shaqaaluhu waxana shaqalihii imitixanka galay lagu dhex daray shaqsiyaad uu watay sharmake iyo wasiirka dalxiiska,waxay ahayd arrin indho sarcaad ah oo sacabka lagu saaray indhaha shacabka somaliland
30-kii qof ee so baxay waxay noqdeen shaqsiyaad ay dabada ku wateen wasiirka dalxiiska iyoĪ Geelle.arrintaasi waxay niyad xumo ku riday ardaydii usoo kalah-day ee gobolda dalka uga yimi cadaladii uu sharmake media-ha ka sheegay

Sharmake waxan leyahay inkastuu dur-dur iyo dabaal tago,hadana dofaar waligiis ma daahiro

sharmake geelle waxan leeyahay dadku labo ayay ahayeen,qaar aan ku aqoon iyo qaar hore ku yaqaanay inta aan sharmake aqoon waxan leeyahay sharmaake wa labo shaadh-leh,marba midbuu xidhaa
mid dadka ayuu ugu matala inuu cadaali-yahay
midna wa ka dhabtaa ee u qarsoon

Kuma xadgudbin shaqsiyada iyo sharfta masuulkan lkn kaliya waxan qoraal ku sheegay qofka uu yahay sharmake geelle,waana wajib in farta lagu fiiqo khaldadka qof-kasta oo masuul ahi ku kaco

Qoraalkan waxa diyaariyay ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)

------------------------------ ----------------------
allaah mahadle
Qoraa Ugaas Cumar Jamac Eidle(Bulshaawi)
cumarjaamac07@gmail.com

063-4439712 0654439712


Burco-togdheer somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip