Dadyahow ka fiirsada Murashaxinta golaha baarlamaanka dadka u sharaxan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabciwanaagba.
September 23, 2017
Latest Headlines:   _

Dadyahow ka fiirsada Murashaxinta golaha baarlamaanka dadka u sharaxan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabciwanaagba.

0
Tuesday August 29, 2017 - 12:49:07 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadyahow ka fiirsada Murashaxinta golaha baarlamaanka dadka u sharaxan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabciwanaagba.

    Dadyahow ka fiirsada Murashaxinta golaha baarlamaanka dadka u sharaxan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabciwanaagba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadyahow ka fiirsada Murashaxinta golaha baarlamaanka dadka u sharaxan, diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dabciwanaagba. Kuwa Cararayee Codka Doonayow, Dadku Maaha Kii, Doorkii Hore aad Dagteen, manta Way Digtoon Yihiin.

Kuwa Cararayee Codka Doonayow, Dadku Maaha Kii, Doorkii Hore aad Dagteen, manta Way Digtoon Yihiin.

Waxaan baaq u dirayaa dhamaan dhalinyarada iyo haweenka Somaliland guud ahaan, fariintaydu waxay tahay inay iska ilaaliyaan dadka u sharaxan doorashada golaha paarlamanka Somaliland oo aanay sahan la’aan guurin hadii kale hadhow bay fartay dhexda ka qaniini doonaan.

Sidaa darteed waxaan ku wargelinayaa hogaanka bulshada ee ugu horeeyaan salaadiinta iyo cuqaasha oo aan leeyahay dadka laydiin keenayo miisaanbaa u tihiine si fiican u kala hufa oo mid aydaan ka fiirsan hanagu soo daynina oo aan dadkan iyo dalkan lexeheclo ka hayn oo danayste ah.

Talo ku socota da’yarta codka bixisa xiliga doorashada.

  • Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad codkiina u meeldaydaan oo ay daan ku dooran xildhibaan qabyaalad iyo qaraamaad yar oo uu idinsiiyey.

  • Haku dooran sida caadada inoo ah ee aynu wada aamin sanahay in ninka afmiishaarka ahi uu yahay kan la doorto iyo ninka qabqablaha ahi inuu yahay mid wax dhacsan kara oo boobi kara hantida umada.

  • Ha dooran xildhibaan aan lahayn aqoon diineed, waxba yaanay ahaanin heer jaamacadeed.

  • Ha dooran hadanu kuu soo bandhigayn tirikoob ku saabsan hantidiisa.

  • Haku dooran xaq aanad lahayn inuu kuu soo dhiciyo.


 


Ku dooro shaqsiga aad doonayso diintiisa, dad dhexgalkiisa, dabeecadiisa, aqoontiisa iyo doorkiisa arimaha bulshada, hana ku dooran dan gaar ah oo aad leedahay, waa iga dardaaran dadyahow.

Hadii aad sidan ku doorato waad la xisaabtami kartaa barito xildhibaankii aad codkaaga siisay.

Ka digtoonaada inad sidii shalay qabyaalad ku doorataan, waynu aragnaa kuwa manta fadhiyaa inanay waxqabad lahayn, waxay qabsadeen mooyaane.


Waxaan ku soo gunaanaday qoraalkan weedh ka mid ah gabaygii gaariye AHU

Hadaan gu’ga kuu kordhaa gobow mooyee ku tarin garaad ilayn wax ma dhaantid geed.



ALLA MAHAD LEH




Mohamed A. Husein (Azhari)

Maxamedmasri@gmail.com

Hargeisa, Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip