Wararka ka Soo Baxay Weerar Kooxda Al-Shabaab Ay Mar Kale Ku Qaadey Sh. Mukhtaar Roobow.
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Wararka ka Soo Baxay Weerar Kooxda Al-Shabaab Ay Mar Kale Ku Qaadey Sh. Mukhtaar Roobow.

0
Saturday August 12, 2017 - 11:36:32 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararka ka Soo Baxay Weerar Kooxda Al-Shabaab Ay Mar Kale Ku Qaadey Sh. Mukhtaar Roobow.

    Wararka ka Soo Baxay Weerar Kooxda Al-Shabaab Ay Mar Kale Ku Qaadey Sh. Mukhtaar Roobow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka Soo Baxay Weerar Kooxda Al-Shabaab Ay Mar Kale Ku Qaadey Sh. Mukhtaar Roobow. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar mar kale Al-Shabab shalay ku

qaaday aagga uu ku sugan yahay wadaadka gooni u goosadka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.



Dagaalkii shalay oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegayaa in maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday.


Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku fiday goobo hor leh oo ka tirsan Gobolka Bakool, iyadoo maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow ay jilbaha dhulka u dhigteen weerarkii lagu soo qaaday, iskana difaaceen.


 

 

Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo si dhow xaalada dagaalka ula socda ayaa sheegaya in maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow ay difaacyo adag ka sameysteen dhulka howdka iyo buuraha ee deegaanka Abal, taas oo u sahashay inay dib isaga riixaan Shabaabkii soo weeraray.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay dagaalkii shalay uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Sayalow oo u dhow deegaanka Abal, isagoo tilmaamay in dagaalka uu ku sii fidayo goobo hor leh.


"Maalmahan deegaanka Abal oo hoos taga Xudur iska hor imaadyo ayaa ka jiray oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Mukhtaar Roobow, dagaalkii shalay saacado ayuu socday, waxaa lagu dagaalamay meel la dhaho Sayalow oo dhowr KM u jirta Abal, waa deegaan howd iyo buuro ah”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed.


Waxaa uu sheegay in dib mar kale loo caabiyay ciidankii duulaanka soo qaaday, laguna jebiyay dagaalka sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hada waxaa adag warar faah faahsan oo ku aadan dagaalka, iyadoo halka lagu dagaalamayo ay tahay deegaan fog oo aanay warbaahinta ka ag dhowaan karin, si ay u hesho macluumaad la xiriira dagaalka.


Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa u muuqata in waqti dheer ku soo qaadaneyso sidii ay ku soo afjari laheyd Wadaadka ka fallaagoobay ee Mukhtaar Roobow oo horay uga mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Kooxda, waxaana la sheegayaa inuu wadaadka helayo taageero kala duwan iyo maleeshiyaad aad u fara badan taabacsan.


 

Lama oga halka uu ku dambeyn doono dagaalkan u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab, iyadoo wali aanay suura gelin in wadaadka uu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip