Qaran iyo Qabiil Meel ma wada Mari Karaan Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac.
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Qaran iyo Qabiil Meel ma wada Mari Karaan Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac.

0
Monday August 07, 2017 - 13:07:27 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaran iyo Qabiil Meel ma wada Mari Karaan Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac.

    Qaran iyo Qabiil Meel ma wada Mari Karaan Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaran iyo Qabiil Meel ma wada Mari Karaan Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac.
qarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna Cid walba waa u dan ee sidaa ha loola socodo, ta kale Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba arrimood


Dhammaan waxaan halkan ka salaamayaa bulshada Somaliland meelkasta oo ay joogaan mudanayaal iyo marwooyinba , waxa kale oo aan si gaar ah u salaamayaa bahda saxaafaddda qaybaheeda kala duwan ee hadh iyo habeenba na soo gaadhsiiya wararka u doorka roon gude iyo dibadaba, Bacdal salaam, Waxa beryahan dambe saxaafadda lagu arkayay salaadiintii, aqoonyahankii, ganacsatadii , siyaasiintii , abwaanadii , cuqaashii iyo xidhibaanadii hadaanu reer hebel nahay ma ogolin reer hebel , halka qaar kalena ay laahyeen, anaga waan raacsanahay reer hebel iyo waanu ka soo horjeedanaa reer hebel, mana ah inanaynu qaranka iyo qabiilka sino ama qabiilku ka awood sareeyo qaranimadu

 

qarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna



 
 

Cid walba waa u dan ee sidaa ha loola socodo, ta kale Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba arrimood oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo baasiin,
waa qabiil, Waxaan aaminsanahay in Qarannimada, Qabyaaladda iyo nidaamka Dimuqraadiyaddu ay yihiin saddex nidaam oo aan sinaba isku qaban karayn, bulshada reer somaliland waxay xaq u leeyihiin inay Xukuumadda la xisaabtamaan oo ay ku dhalliilaan wixii khalad xukumadda ah, gaabis ama hagrasho ah ee ay Xukuumaddu gasho. Xukuumadda waxa ku waajib ah inay saxdo dhaliilaha iyo qaladaadka xukumadda ee loo soo jeeediyo, shacbiguna waxa ku waajiba ah in ay ka fogadaan qabyaalada , nin jecalysiga iyo eexda ragaadisay qarankan

Guntii iyo gaba-gabadii Cadawga qudha ee qarankani uu leeyahay waa qabiil , Waxan si gaara uga codsanaya bulsho waynta reer Somaliland inaynu kala dayno qaran iyo qabiil oo aynu taageero qaranimada iyo Midnimada Somaliland ,

Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip