Doorashooyinka Kiiniya iyo Somaaliland Ee 2017ka iyo Isku Ee kaanshaha Siyaasadahooda.
August 21, 2017
Latest Headlines:   _

Doorashooyinka Kiiniya iyo Somaaliland Ee 2017ka iyo Isku Ee kaanshaha Siyaasadahooda.

0
Thursday August 03, 2017 - 11:05:29 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka Kiiniya iyo Somaaliland Ee 2017ka iyo Isku Ee kaanshaha Siyaasadahooda.

    Doorashooyinka Kiiniya iyo Somaaliland Ee 2017ka iyo Isku Ee kaanshaha Siyaasadahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashooyinka Kiiniya iyo Somaaliland Ee 2017ka iyo Isku Ee kaanshaha Siyaasadahooda.

Guud ahaan,Doorashada Kiiniya iyo ta Somaaliland, midkoodna shacabku kuma codaynayaan aa’raa iyo fikrado ay kala xambaarsanyihiin xisbiyada loolamayaa,balse waxa ugu weyn ee lagu codaynayaa waa Qabiil iyo oodi­ab kaaga dhaw. Xisbiga Kulmiye iyo ka TNA ee Kiiniya. Beesha Kiikuuyu ee madaxweynaha kiiniya, Uhuru Kenyatta Si la mid ah sidii Xisbiga kulmiye ay go’aanka ku gaadheen 2008dii shirkii Gar­adag kadib, ee ahaa in beesha madaxweyne siilanyo doorkan hiil iyo hoob’a la garab istaagto beesha gudoomiyaha xisbiga kulmiye, taa badalkeedana ay doorashada danbe Iyana codkooda siiyaan gudoomiyaha 3aad ee xsibiga oo markaa ahaa Gudoomiyaha kulmiye ee hadda. Kiinyana labada beelood ee ay ka soo kala jeedaan madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto oo ka mid ah beelaha ugu tirada badan kiiniya islamarkaana is bida, in ay ugu dhaqaale roonyihiin ayaa waxay kuheshiiyeen in doorkan Uhuru Kenyatta labada beeloodba ay codkooda ku hubsadaan kursigana saaraan,sidaa si la mid ahna doorashada danbe ee 2021ka beesha kikuuyada ee madaxwayne uhuru ay u codayso beesha kalanjin ee uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenkiisu. Durtaba waxa muuqata saan­saan u eeg, tii ka dhex dhacday kulmiye ee dhawr nin oo isku jufo hoose ahi ay isku soo sharaxeen jagada musharaxnimada xisbiga,khilaaf ba’an iyo tafa­ raaruqna u keentay xisbiga kulmiye,sidaa si la mid ah ayaa Gedoan Moi oo ay isku qabiil yihiin madaxweyne kuxigeenka kiiniya islamarkaana ah wiilka madaxweynihii labaad ee kenya mudane Daniel Arap Moi uu durtaba badka soo dhigay in uu kursiga kula loolamayo 2021,waxay saadaashu u badantahay in Ruto laga guulaysan doono waayo nacayb badan oo uu ka kasbaday qaskii 2007da dad badan oo dhawrka kun ah lagu dilay,kadib doorashadii dhacday 2007dii. Xisbiga Wadani iyo ka Kiiniya ee Nasa (National Coalition Alliance) Dhanka kale waxaad moodaa xisbiga Wadani iyo gaashaan buurta NASA (National Alliance Coalition) ee uu hogaamiyo mudane Raila Odigan raysal wasaarihii hore ee kiiniya ayaa Iyana ay aad isu matalaan xisbiga wadani.xisbiga wadani si ay beelo kala duwan codad badan ugu helaan waxay balaadhiyeen maamulkii xisbiga iyaga oo sameeyay xilal iswada dulsaaran. Guddoomiyaha xisbiga,musharaxa xisbiga,musharax kuxigeenka xisbiga iyo hogaamiyaha xisbiga oo intuba beelo kala duwan ka yimi,sidaa si la mid ah ayaa xisbiga Nasa ee kiiniya waxay sameeyeen madaxweyne,madaxweyne ku xigeen,prime minister,prime minister ku xigeem,xoghayaha arimaha dibada iyo qorshaynta iyo waliba xoghayaga maaliyadda iyo dhaqaalaha,waa shan nin oo afar qabiil oo waawayn ka soo kala jeeda,danta laga leeyahayna ay tahay in shanta qabiil cod tiro badan ay ka helaan, si loo muquuriyo xisbiga talada dalka haya. Wali fari kama qodna wakhtigii dalalka afrika ay ka bixi lahaayeen aragtida ku dhisan nin jeclaysiga iyo qabiilka ayna u gudbi lahaayeen ku codaynta fikradaha la kala aaminsanyahay iyo kala horumarinta biidhiqaataha iyo xisbiga danta dalka iyo dadka wada.

Mukhtar koshin 

koshinme@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip