ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA].
August 21, 2017
Latest Headlines:   _

ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA].

0
Thursday August 03, 2017 - 11:05:29 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA].

    ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA].

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA].
ASTAAMAHA HOGAAMIYAHA WANAAGASAN. QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA]
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba.

Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay ; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah, tan Diktatuuriyadda(kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam, hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu.
Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu tilmaamaa inay isugu jiraan ; dejin siyaasad,, qorshayn, maamul, khabiirnimo, ciqaabid iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo gudaha ah,arrimaha dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip