Madaxweyne Cigaal Qaab Kuu Uga Guulaysan Jiray Sicir Bararka Iyo Casharada Laga Baran Karo, Qore:Barkhad­ladiif M. Cumar.
August 21, 2017
Latest Headlines:   _

Madaxweyne Cigaal Qaab Kuu Uga Guulaysan Jiray Sicir Bararka Iyo Casharada Laga Baran Karo, Qore:Barkhad­ladiif M. Cumar.

0
Sunday July 30, 2017 - 11:32:39 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cigaal Qaab Kuu Uga Guulaysan Jiray Sicir Bararka Iyo Casharada Laga Baran Karo, Qore:Barkhad­ladiif M. Cumar.

    Madaxweyne Cigaal Qaab Kuu Uga Guulaysan Jiray Sicir Bararka Iyo Casharada Laga Baran Karo, Qore:Barkhad­ladiif M. Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Cigaal Qaab Kuu Uga Guulaysan Jiray Sicir Bararka Iyo Casharada Laga Baran Karo, Qore:Barkhad­ladiif M. Cumar.

Sanadkii 1994­1997 kii Madaxweyne Cigaal waxa la soo gudboonaaday sicir barar aad u daran waana wakhtigii uu lacagta bedelayey ee lacagta cusub la soo daabacay, waxaanay ganacsataddii la galeen dagaal ah in aanay lacagtaasi la qaadan amaba inay ka faa’iidaan sarifka lacagtaasi lagu bedelayo. Sidoo kale, isbedelka ku yimid sarifka lacagaha ayaa ganacsataddii isku dayeen inay ka taarijaan sarifka lacagaha la isku bedelayo, waxaanu dareemay in ganacsi badan laga sameeyey sarifkii, taas oo uu arkay inay halis weyn ku tahay danyarta iyo shacabka, waxaanu diidanaa in bulshaddu aanay kala noqon laba dabaqadood, isagoo taas maanka ku haya waxa uu isku ilaalin jiray bulshadda si aanay aad u kala fogaan, (qayb dambaska ah iyo qayb taajir ah), waxaanu dagaal toos ah la galay ganacstadii wax qaali garaynaysay, waxaanu isku dayey in uu xiitaa isagu dalbaday raashin si qiimo jaban ugu iibiyo danyarta si wal oo ganacsatadda maalin taajirka ah u kibir jabinayo ayuu qaadi jiray. Madaxweynuhu iskuma mashquulinjiray inuu guddi u magacaabo xaaladda nololeed ee kolba la soo gudboonaadda ee isaga laftiisa ayaa amaradda si toos ah u fulinayey isagoo wasiir walba oo khuseeya ku amrayey in ganacstadda maalin taajirka ku doonaysa sarifka in wax laga qabto.
Masuulku haddii aanu danno dhaqaale ku qabin ganacsatadda ama aanu saami ku lahayn wuu ka adag yahay ganacsatadda awoodda is biday, laakiin haddii ganacsatadda haba yaraatee danno dhaqaale ku qabo ama wax ha loo laabo ama saami ha loo balanqaadee masuulkaasi wuu u habranayaa in go’aamadda madaxweynuhu fulaan. Talaabadda labaad ee uu qaaday waxay ahayd in ganacsatadda lacag qalaad wax ku iibsan Karin waxna lagaga iibsan Karin, waxaanu dagaal adag la galay ganacsatadda doonaysa inay wadankan saboolka ah dhiigmiirato, waxaanu sheegay In gabi ahaanba mamnuucay in lacag qalaad wax lagu kala iibsado, waxaanu sheegay in aanu ka ogolaan nin ganacsatadda inay wax ku iibiyaan doolarka. "waxa loo baahan yahay waxa weeyi oo lagama maarmaan ah in la helo ganacsato aan ku dhisnayn lacag qalaad doonid, sida caalamka oo dhan yahay, waa inuu qofka ganacstada ihi keeno badeecad dalku u baahan yahay oo uu ku gaddo lacagta dalka.”ayuu amar ku soo jeediyey madaxweyne Cigaal kuna socodsiisyey wasiiradiisa ay arrintai khuseyso sida ka soo xigtay buugiisa Ducco qabe. Mar kale waxa uu amray in ganacsatadda uu qiimo u jaro oo wax go’an ka iibsadaan, waxa kale oo hadana amray in Ganacsataddu lacagta dhigtaan Baanka dhexe iyaguna Liisanka ganacsi ka qaataan. Madaxweyne Cigaal iyo wasiiraddii la shaqaynayey waxay arrimahaasi ugu suurtogaleen waxay ka madhnaayeen inay danno dhaqaale ku dhex leeyihiin ganacsatadda, sidoo kale, amarka ka soo baxa madaxweyna wuxuu wasiirku ku qasbanaa inuu fulo, waayo waxa mar walba daba taagan madaxweynaha, sidaas darteed wuu ku qasban yahay in amarkaasi madaxweynuhu meel maro. Daba galka iyo fulinta amaradda madaxweynaha ka soo baxay waxay sababeen in sicir bararkii lala dagaalamo oo la xakameeyo oo sidiisii lagu soo celiyo. Maxa laga baran kara qaabkii madaxweyne Cigaal sicir bararka ula dagaalami jiray;
Madaxweyne Cigaal waxa uu la socday dareenka shacabka, waxaanu wasiir walba ku daba galayey shaqadiisa, isagoo mar walba kula xisaabtamayey wasiirka shaqadaasi khsueeyey sababta arrimahaasi uu u diray wax uga qaban waayey, isagoo la tashanaya dadka uu isleeyahay aqoon bay u leeyihiin. Madaxweyne Cigaal arrimo dhaqaale muu dhaafsiisan jirin waxay danta shacabku jiraan, waxaanu wax walba ka door bidayey badbaadadda shacabkiisa gaar ahaan danyarta. Madaxweynuhu wuxuu ganacstadda kaga adkaa waxa weeyi may jirin ganacsi uu saami ku lahaa, halka imika wasiiradeenu mid waliba dhaafsiisanayo dhaqaale ama saami hadii danta shacabka iyo dantiisa noqotana dantiisa uu ka hor marinayo cid walba. Madaxweynuhu wuxuu dib u qiimayn jiray go’aamadda uu fuliyey siday inay dhaqan galeen iyo waxa ka dhashay fulintoodda, taasina waxa arimaha uu kaga adkaaday sicir bararkii waagaasi jiray. Waxa kale oo laga baran karaa go’aan qaadashadda, waana arrimaha la isku dhaafay go’aan qaadashaddu, kooxda uu la shaqaynayey waxay ku qasbanaayeen amarka madaxweynaha oo kii fulin waayey uu shaqadda ku waayayo. barkhadladiif@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip