Falanqaynta Siyaasada, codka gobolada togdheer,sool,sanaag & Xisbiyada UCID,kulmiye.
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Falanqaynta Siyaasada, codka gobolada togdheer,sool,sanaag & Xisbiyada UCID,kulmiye.

0
Monday July 24, 2017 - 13:24:23 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqaynta Siyaasada, codka gobolada togdheer,sool,sanaag & Xisbiyada UCID,kulmiye.

    Falanqaynta Siyaasada, codka gobolada togdheer,sool,sanaag & Xisbiyada UCID,kulmiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falanqaynta Siyaasada, codka gobolada togdheer,sool,sanaag & Xisbiyada UCID,kulmiye.

Xisbiga UCID Ayaa gebi ahaanba shax siyaasadeedkiisa wax ka bedeli doona bishan fooda inagu soo haysa waxaana is bedelkaasi toos utaaban doonaa xisbiga kulmiye oo codadka madaxtinimo ee goboladan isu cimaamaday.

Siday wax u dhici karaan:
Xisbiga UCID Ayaa cugan doonaa laba jago oo muhiim u ah inuu fagaaraha tartanka la yimaado.

1.xisbiga ayaa cugan doona musharax ku xigeenka ee jagada madaxtinimo wuxuuna Kasoo xulan doonaa Gobolka SOOL (magaca musharaxa waan iska dhaafayaa) Talaabadaas Ayaa xisbiga kulmiye ku noqon doonta laf dhuun gashay waxaana gebi ahaanba si lama filaan ah meesha uga bixi doonta xisaabta hadda xisbil xaakimku SOOL kaga talo galay.

2. Xisbiga Ayaa cugan doonaa gudoomiyaha xisbiga (gudoomiye cusub)oo uu hanayn doono musharaxa awooda badan ee UCID mudane faysal cali waraabe wuxuuna jagadaas gudoomiyinimo ku wareejin doonaa Masuul kasoo jeeda degmada GARADAG Ee Gobolka SANAAG.

Labadan jago oo xisbiga UCID aad u danaynayo Ayaa falaadh siyaasadeed oo kama kacdo ah ku noqon doona xisbiga kulmiye ee xisaabsaday labada gobol ee labadaas masuul xisbiga UCID ka cugan doono.

Markale waxaa gobolada bari geli doonaan tartan qadhaadh oo dhex mari doona UCID iyo KULMIYE, Waxaa kale oo aan odhan karnaa isbedelkan UCID saaxda lasoo geli doono Maalmaha fooda inagu soo haya ayaa xisbiga KULMIYE laga yaabaa in uu shaxdiisii hore ee ku wajahnayd gobolada bariga gebi ahaanba uu wax ka bedelo.

Si kastoo ay ahaataba waxaa la daawan doonaa UCID oo hawshiisa bilaabaya iyo kulmiye oo qalin daar weyni soo wajihi doono.

Fiiro gaara:

 

Labada masuul Waxaa xisbigu kasoo xulan doonaa gobolada SOOL iyo SANAAG balse waxaan faalada aanan ku xusin Masuuliyiinta la cugan doono sababtoo ah waa Xog ugaara xisbiga UCID.

 

Aan eegno

WA BILAAHI TAWFIIQ
Falanqayn siyaasadeed
Gen Abdifatah Basher
burao-Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip