BBCSOMALI 60 Sano Waa Cimri Dheer July 18, 2017
December 13, 2017
Latest Headlines:   _

BBCSOMALI 60 Sano Waa Cimri Dheer July 18, 2017

0
Friday July 21, 2017 - 16:52:44 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBCSOMALI 60 Sano Waa Cimri Dheer July 18, 2017

    BBCSOMALI 60 Sano Waa Cimri Dheer July 18, 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BBCSOMALI 60 Sano Waa Cimri Dheer July 18, 2017.

BBCSomali waxa ay maanta u dabaal dageysaa sanad guuradii 60aad ee ka soo wareegtey maalinkiila unkey, waa waqti dheer hay’ad ama qof ama dawlad wuxuu rabo ha noqdee soo shaqeeyey mudo ku siman lixdan sano waxaana intaas u dheer waayo aragnimo ay u ifteemiyeen guyaashaas faraha badan ee uu soo jiray. Waxaan jeclahay in aan qoraal kooban kaga qayb galo sanad guuradaas lixdanaan ee ka soo wareegtey aas­aaskii BBCSomali, waxaan dhici karta in Soomaali badan dhinac togan uun ay ka eegaan oo aanay ka war hayn dhinacyada taban ee ay leedahay sameynta idaacadaas oo kale iyo muxuu uga dan lahaa ninkii Ingriiska ahaa ee sameystey idaacadaas si uu Ummadeena ugala hadlo danta uu leeyahay. Waa dhab sida la inoo sheegay waxaa la aas­aasay maalinkii 18/07/1957kii waxaanay sadex sano kaliya ka horaysay markii uu ogolaaday in Ingriis ka kaco Caradeena oo uu xoriyad siiyo, sanadahaas waxaa la odhan jiray sanadihii halganka qaarada Madow oo dadkeedu u loolamayeen sidii ay xoriyad buuxda uga qadan lahaayeen gumastayaashii reer Yurub ee kala duwanaa ee qaarada kala qaybsadey. Waxaa sanadkii 1954kii la aas­aasay magaalada Qaahira idaacada la yidhaahdo Sawtul Carab oo aad gacan u siin jirtay halgamayaasha qaarada Afrika, waxaanay idacaadaasi lahayd qayb Af Soomali ku hadasha oo saameyn weyn oo togan ku yeelatay dadkii Soomaalida ee u dhaqdhaqaaqayey xoriyadooda, dabcan Ingriisna wuu arkay saameynta ey idaacadaasu ku yeelatay iyo sida Soomaali uga soo

horjeesatey markaas ayuu isana sameeyey idaacada BBCSomali si taas ula tartano oo ay danihiisa uu Soomaali ka leeyahay u ilaaliso. Waxaa halkaa inooga soo baxaya bahashu artan bay ku timid iyo is hirdigii danaha gumaystayaashee kuma ay iman danteena iyo maslaxadeena in ay ka shaqeyso. Dabcan Idaacadu marxalado kala duwan ayey soo martey oo ku saabsan waxa ay tabinayso iyo waqtiga ay haysateyba waxaana la sheegay in markii u horaysay ay ku bilaabantey 15 daqiiqi kaliya oo ay warar inta badan ku soo tabiso, todobaatameeyadii ayaa hadana laba waqti oo min badh (nus) saac ah laga dhigay ilaa waxay halkaa ku soo gaadhay 2000 markaas oo waqti sadexaad lagu daray oo ah aroortii, waxaa iyaduna xigtey in idaacada duhurnimo 2007dii lagu daray. Anigu shakhi ahaan waxaan ka mid ahaa dadkii idaacadaas la qabsadey 80dii iyo 90dii waana xiliyada ay labada jeer (5:30 & 9:00 PM ) soo gali jirtay waagaas waxa ay idaacdu lahayd barnamijyo midba maalin lagu talo galo warku joogtuu ahaaye, waxaa ka mid ahaa barnaamijyadaas : ” Todobaadka iyo Afrika, Dunida islaamka, waydiin iyo war celin iyo kuwo kale oo xiiso lahaa, waxaa iyaduna jirtey gabdhaha iyo inamada idaacada ka hadlayaa cod Soomaali halaasi ah oo ku soo jiidanaya ayey lahaayeen, xataa wareysiyada waxaad is odhan jirtay malaha wax kasta oo ku jirta qalibga dhagaystaha ayuu waydiinayaa qofka uu wareysanaayo, runtii waayo arag waaweyn ayey ahaayeen. Waxaan aad u xusuustaa sanadkii 2001dii ayaa waxa ay idaacad la odhan jiray HorfAfrik oo Muqdisho ka jirtay waxa ay habeen wareysatey Yusuuf Garaad oo markaa ahaa madax laanta Soomaaliga ee BBC waxaana ka mid ahaa su’aalaha la waydiiyey isbadalada lagu sameeyey barnaamijyadii idaacada waxaanu ku dooday in sida ay hada ka dhigeen ay ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd markii hore oo ah in maalin kasta wixii dhaca la soo bandhigayo halkii markii hore laga sugi jiray barnaamijyada qaar mudo todobaad ah. Waxa ay soo soctaba waxa ay soo gaadhay markii idaacada subacnimo lagu daray waxaa la odhan karaa sanadihii 2010­2013kii waaxa ay ahaayeen markii ay ugu liidatey idaacadaa subux nimo ee ay soo kordhiyeen maxaa yeelay qof kaliya ayaa ahaa soo saare, tabiye iyo malaah farsmo yaqaan oo marar badan waxaa iskaga dhax daadan jiray sidii uu waxa u kala horaysiin lahaa oo waxaa la maqli jiray

qofkii wariiyaha ahaa oo la diriraya koombuterka uu ku shaqeynyo, laakiin markii ay Nayroobi u soo wareejiyeen waxoogaa arinku sidii waa dhaamey. Waxaa jirta iyaduna dood badan oo ku saabsan tayada afka Soomaaliga ee hada idaacada laga adeegsado iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid, waxaa iyaduna xilba aan malaha la iska saarin bbcsomali.com oo aad is odhanayso waxa lagu qorayo ma caruur baa ku cayaartey, miyaanay meeshu tafatire iyo kaaliyaalba lahayn mise markaba qofkii doona uun baa waxa iskaga tuura. Waxaa ay idaacada BBCSomali hada wajahaysaa tartan adag oo aanay sidii ay 60kii sano ee ay soo jirtay ummada ay iyada uuni ugu ahayd meesha waxa laga helo aanay ugu ahaaneyn, tartankaas hor yaala waxaa kow ka ah idaacada VOASomali oo runtii ka tayo iyo waqtiba badan idaacadii guunka ahayd ee aan naqaanay, loolanka kale ee adag waxa uu kaga imanaya dhinaca muuqaal baahiyayaasha fara badan ee Soomaalida kuwaas oo hadii qaarkood la tayeeyo ama ay helaan Garaad waxa ku ool ah oo haga meesha ka saari kara tartan kasta oo lal gali karo. Bilahan waxa ay bilowday BBCSomali muuqaal baahiye 15 daqiiqo kaliya ah oo Isniin Ilaa jimce ah waxaa iyaduna ceeb ah idaacad guun ah oo sida BBC oo kale in ay kiraysto Telefishan madax banaab oo uu leeayhay qof kaliya markaa saw lama odhan karo dawladii dhanayd ee Ingriis ahayd waxaa ka xoog baday qof kaliya oo Soomaliyeed oo leh hal telefishan oo 24 ka saacadoodaba uu kiisu socdo, halkaa way ku ceebaysan tahay hadii aanay deg deg wax uga qaban. Tartanka kale waxa uu ka jiraa warbaahinta bulshada oo qof waxa uu baahinayo iyo hay’ad warbaahineed waxa ay baahinayaani waa in ay kala tayo roonaadaan oo aykala duwanaadaan halkaa markaa ma h in ay BBCSomali u egaado hal qof meel uu waxa ku baahinayo ee barteeda twitter­ka, face book iyo youtube­keedaba waa in ay ka duwanaadaa meel qof kaliya leeyahay oo waa in ay u ekaadaa meel kala dabeyn iyo taftir buuxa leh. Ugu danbeyn aniga oo ugu hambalyeyna cimrigaa dheer ee ay jirtey, waxaan u rajeynayaa Taftiraha cusub ee hada loo magacaabay Cabdilaahi Seekh Cabdi in uu ka faa’iideysto wixii horay u soo dhacay oo uu waxa badan intii karaankiisa ah horu mariyaa oo hagaajiyaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip