Agaasime Axmed Abokor oo Hore Musuqmaasuq ugu Caan Baxay . W/Q.Axmed Cileeye
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Agaasime Axmed Abokor oo Hore Musuqmaasuq ugu Caan Baxay . W/Q.Axmed Cileeye

0
Thursday June 22, 2017 - 19:53:06 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Axmed Abokor oo Hore Musuqmaasuq ugu Caan Baxay . W/Q.Axmed Cileeye

    Agaasime Axmed Abokor oo Hore Musuqmaasuq ugu Caan Baxay . W/Q.Axmed Cileeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasime Axmed Abokor oo Hore Musuqmaasuq ugu Caan Baxay . W/Q.Axmed Cileeye. magacaabay agaasimaha guud ee waxbarashada. Labo sano ka hor ayay ahayd markii Axmed Abokor uu ka mid ahaa masuuliyiinta hay'adda Save the Children ee dhinaca waxbarashada. Axmed waxa lagu helay musuqmaasuq ballaadhan oo kula kacay mashruucii waxbarashada ee uu waday waxaana laga caydhiyay shaqadii. Sida la sheegay wuxuu Axmed Abokor 2 guri ka dhistay lacago uu ka musuqmaasuqay mushaharka macalimiin iyo waxyaabo kale oo mashruucaa waxbarashada ee masuulka ka ahaa ku jiray.
Baadhis dheer ka dib waxa Axmed lagu helay isdaba marin iyo musuqmaasuq ballaadhan waxaanay taasi galaafatay shaqadiisi. Murankii ka dhashay hawshaasi waxa markii danbe soo dhex gashay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo iyadu hay’adii u waydiisay in axmed xaqiisii la siiyo tii oo markii danbe laga ogolaaday.
Hadaba waxa nasiib darro ah in qof sidaa ugu caanbaxay musuqmaasuq oo waliba ay caddaymihiisa xiitaa wasaarada dawlada sida wasaaradda shaqada iyo waxbarashadaba yaalaan in loo magacaabo agaasimaha guud ee waxbarashada. Maxaa laga filan karaa marka qof sidan ahi noqdo masuulka maamulaya mushaharka kumanaan macaliim oo danyar ah. Sida lasoo wariyay waxa axmed abokor magacaabistiisa ka danbaysay wasiirka maaliyadda iyo marwada madaxweynaha oo iyagu ka hinaasay dedaalka wasiirka waxbarashada iyo agaasimaha haatan xilka laga wareejiyay oo waxbadan kusoo kordhiyay wasaaradda. Samsam maadaama ay mudo badan wasaarada fadhiid ka dhigtay,
ma rabto ma jecla in ay maqasho in wasaaraddii dhaqaaqday oo horumar ku tallaabsatay waana sababta ay meesha u keensatay wiil ku suntan musuqmaasuq si uu wasaaradda lugta u qabto. Wasaaradda waxbarashadu waxay dhawaantan ku tallaabsatay horumar muuqda, waxaana la wada dareemay sida wasiirka iyo agaasimaha guud oo labaduba ku cusbaa shaqadu iskula jaanqaadeen una dhigeen qorshe hawleed lagu dardargalinayo waxbarashada Somaliland guud ahaan.
Qore Ahmed Mouhmoud Cileeye Tell 4259654



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip