Xusuustaydii tartanka Qur'aanka sannadkii 2001­2002­dii (WQ: Xasan Cabdi Shire).
October 17, 2017
Latest Headlines:   _

Xusuustaydii tartanka Qur'aanka sannadkii 2001­2002­dii (WQ: Xasan Cabdi Shire).

0
Thursday June 22, 2017 - 19:53:06 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xusuustaydii tartanka Qur'aanka sannadkii 2001­2002­dii (WQ: Xasan Cabdi Shire).

    Xusuustaydii tartanka Qur'aanka sannadkii 2001­2002­dii (WQ: Xasan Cabdi Shire).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xusuustaydii tartanka Qur'aanka sannadkii 2001­2002­dii (WQ: Xasan Cabdi Shire). Muddadii laga soo laabtay dagaaladii sokeeye laga na soo kabtay diiftii iyo burburkii aafadaas isla markaas dadku kusoo noqdeen magaalooyinka waaweeyn, dib na loo yagleelay goobaha waxbarashada ee isugu jira malcaamadda iyo dugsiyada maadiga lagu barto, dadku waxay badanka aadi jireen dugsiyada Qur’aanka oo inta badan la heli jiray awood ahaan, ardaydu waxay adeegsan jireen loox ka sameeysan qori iyo khad laga unkay dhuxul dhir isla markaas lagu daray malmal ama sonkor hadba qofku wuxuu awoodo sababtoo ah waxaay qurxin jirtay farta qoraalka iyo inuu khadku si wanaagsan ugu sawirmo looxa. Muddadaas qofkii kitaab haaystay, dadk isaga ayaa ugu sareeyn jiray Qur’aanka isla markaas ugu hor dhamaayn jiray. Ardayda dugsiga joogta iyo e macalinkoodu damiinka waxa loo yaqaanay qofka khadka cuna, doqonka na waxa loo yaqaanay qofka aan jaleelo cagaaran aan marin looxiisa soona qurxin, ardaydu casharkii hore waxaay ku maaydhi jireen meel loogu talo galay oo nadiif ah. Qiimaha iyo xiisaha loo qabo marka ardaygu Jus dhameeyso waxaa la samaayn jiray bun iyo salool, waxaay u ahaayd ilmaha dhiiri galin, bahda dhigata malcaamada na waay kusii xisabtami jireen saloolka, timirta, bunka. Waalidku farxad iyo dabaal deg ayuu ku wajihi jiray ardayga Jus madaxa ka jara, waqtigaas tafaraaruqu ma badnaayn, macalinka waa la dhoowri jiray, ceeb waa u ka hufnaa barruhu, abaalgud ayaa la siiniray kuna dhiiri galinjirtay inuu ardaysa muddo kale wax u dhigo, waalidku xogogaal ayaay u ahaan jireen ilmuhu halka uu marayo iyo maalinta aanu waxba soo dhigan, looxaga ayaay waxkasta sheegi jiray.
Hadda casriga waaba kasii fududaatay oo kitaab, internet iyo aalado kale ayaa la helaa, xifdiguna waa ka batay sidii hore. Waqtiga abaaraha la galo, amin galabnimo ah ayaa roob­doon la bixi jiray ardayda oo madaxa ku sitada loox Qur’aanka, isla galabtaas roob ayaa soo curan jiray ama maalmaha xigta inta badan. Waxa ardayga looga bilaabi jiray higaadda Qur’aanka lagu kicin jiray, higaadaasi waxaay ahaayd cajabi "Alif la kordhabay”, laakiin si fudud oo wanaagsan Qur’aanka loogu barto waxaay na ka dhignaayd tan carabiga oo la turjumay "afad xaa aa”. Ardayda labada ba wax ku baratay ayaan kamid ahaa, muddo aan meelo kala duwan Qur’aanka kasoo dhigtay ilaa aan ka gaadhay ilaa suuratu "Cankabuut” ee Juska tobnaad. Tartanka Qur’aanka iyo Dugsigii masjidu­Ramadaan. Haddaba markaan taariikhdaas ka imaado Xasan ahaan, Maalcamado badan ayaa gobolka Sanaag kaso dhigtay iyo macalimiin badan oo aan wada xasuusto. Sannadii 1999 kii ayaa waxa waalidkaay go’aamiyeen gaar ahaan aabahay "Cabdi Shire Diiriye” oo ahaa aabe jecel Qur’aanka iyo waxbarashada "Ilaahay ha u naxarisito, jannadii na Alle ha ku irsaaqee”, inaan dhigto malcaamad markaas laga furay masaajidka Ramadaan oo ku cusbaa magaalada Ceergaabo, waana masaajidkii ugu horeeyay ee lahaa manaarad dheer oo cad dadka degaanka gobolka aad u soo jiidatay gaar ahaan reer Ceergaabo, Axmed Xirsi Cabdraxmaan Alle jannadii ha geeyee ayaa haaa macalinkii Qur’aanka ee halkaas noogu bilaabay Qur’aanka kariimka ah gaar ahaan habka xifdiga, waxa uu ahaa macalin dadaal badan, karti badan, Qur’aanka si wanaagsan u yaqaanay, Axmed waxa Qur’aanka baray oo aflixiyay kumanaan arday ah oo Alle gacantiisa ugu fududeeyay barashada, ardaydaasi waxay xifidiyeen Qur’aanka qofkasta halka u maraayo, Xasan ahaan waxaan kamid ahaa ardaydii kasoo biloowday xagga hoose markii dambe ka aflaxday malcaamadii masjid Ramadaan. Waalidiinta reer Sanaag gaar ahaan reer Ceerigaabo waxay keeni jireen qofkasta oo ay rajo ka qabaan mustaqbalkiisa, Axmed waxa uu ahaa macalin waqti go’an.kula balamaya, ardayda ku dhiirigaliya xifdiga sidoo kale kuna tarbiyad iyo toosiya anshax wanaagsan. Nasiib wanaag waxaan kamid noqday ardaydii Qur’aanka xifdiyay waxaa na kamid noqday ardaygii sadexaad ee ka dhameeya Qur’aanka malcaamda Ramadaan, labo arday ayaa iga hor dhameeyay Qur’aanka, malcaamadu waxaay ka koobnayd dhoowr bakhaar oo midkiiba intaas oo boqol oo arday ah dhigato hadaanan khaldanaayn. Marka aad Qur’aanka dhameeyso waad dalacaysa waxaad noqon maamule bakhaar iyo kabiir/kaabo­galaas/horjoogo fasal arday meel gaar ah fadhiisata, waxaad noqon macalin yar oo caawiya macalin Axmed Xirsi. Sannadii 2000 dhamaadkeedii waxaan gunaanaday markii ugu horeeysay Qur’aanka kariimka ah, sannadahaas waxa socota dabaylo tartan oo dhamaan malcaamadaha iyo ardaydu ku dadaasho isla markaas dadku niyadda ku wada hayaan. Saddex bilood kabacdi waxaana ka qaayb noqday saaxiibo badan oo gobolka kasoo jeedaa kuwasoo ka qaayb ahaa tartankii isreeb­reebkii gobolka Sanaag ee loogu soo baxaayay kan guud ee Somaalilaad, nasiib daro kamaan soo bixin kuma na guuleeysan inaan kamid noqdo ardaydii gobolka metelaysay waqtigaas waxaase tirada ugu badan heshay malcaamadii Ramadaan. Sannadii 2001 ayaan markale soo rogaal celiyay waxaan kamid noqday inaan usoo gudbo wareegii ka dambaysta ahaa ee aan ku matelayay aniga iyo dhoowr kale gobolka Sanaag, isreeb­reebkaas waxa lagu qabtay masaajidka Al­Taqwa oo cusbaa waxaa kasoo qaayb galay culimo iyo dad badan, culimadii halkaas joogtay ee soo agaasintay tartankaa waxaay na gudoonsiiyeen jaa’isado ka kooban kitaab Qur’aan ah, cimaamad iyo dhoowr shaay oo kale oo hadda aan xususan laakiin aan filaayo inuu cadar ku jiray, sidii Ayaan kaga qaayb galay tartanka gobolada Somaalilaan markii ugu horeeysay. Tartanka gobolada Somaalilaan waxa uu baahnaa khibrad uma baahnaayn oo kali ah xifdi iyo garasho, waayo waxa kusoo qaayb galaya dad faro badan oo tiradoodu dhantahay intaas oo kun, dadkaas oo badankoodu ka kala yimaadeen gobolada.
Tartankii 2001 Waxaa uu kusoo beegmay iyadoo aay dunnida ka dhaceen qaraxyadii 11 September­2001, waxa tartanka lagu soo xidhay masaajida Cali Mataan, shahaadooyin nalama siin laakiin xaqal ciid wanaagsan ayaanu helnay. Culimadii aan ka xusuusto maalintaas ee aayadaha Qur’aanka I waaydiisay waxa kamid ah Shiikh Dirir iyo Shiikh Maxamed Aadan imaamka Cali Mataan, su’aashii ugu horeeysay waxaay ahaayd "biloow suuratu Maa’ida”, suaashii labaad na waxaay ahaayd "bogga labaad ee suuratu Racad” tii ugu dambaaysay ee aan ku khal­khalay na waxaay ahaayd " bogga ugu dambeeya ee Waaqicah”, hadaad shed ama med kali ah khalado waxaad ka baxaysa saddexda tartame ee ugu horeeya iska daa inaad aayad khaladee madaama aay tartanka ku jiraan dad aad u dhisan, waxaan khalday aayad Waaqicah ku jirtaa sidaas aya ku seegay tobonkii arday ee ugu sareeyay Somaalilaan inkastoo saaxiibkaay Maxamed Yaasiin uu kaalmaha hore galay. Sannadii 2002 ayaan markala kusoo rogaal celiyay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee gobolada Somaalilaan, Hargeysa markii labaad na waxaan galnay Sanaag ahaan kaalmihii dhex­dhexaadka ahaa, waxa bahdayadii la gudoonsiiyay shahaado Qur’aan oo nagu sharfay Madaxweyne ku xigeenkii Somaalilaan Axmed Yuusuf Yaasiin. . Halkaas ayaan kuso gebo­gabeeyay inaan markale ka qaayb galo madaama sharcigu uu ahaa inuu qofku xaq u leeyahay labo jeer oo kali ah, waxaanse dareemayay inaay I ahaayd fursd tii iigu dahabi­sanaayd ee isoo martay. Niyad wanaagii ugu badbaa iyo wanaaggii aan u qabay tartanka waxa uu igu dhashay sannadkii 1999 kii oo aan daawaday cajilad la duubay oo aan u malaynayo inuu ahaa tartankii labaad ama ugu horeeyay ee Somaalilaan laga qabto, waxa kaalinta koowaad galay arday kasoo jeeday gobolka Sool, ardaygaasi horseed wanaagsan ayuu ahaa. Berigaas tartan Qur’aanka heer gobol ilaa iyo heerarka kasii sareeya waa mideeysna hal mar ayaa la qaban jiray, dugsi Qur’aan kasta waa laga iman jiray  ciddii wax isku tabaysa, waa lagu xirfad tami jiray, ku darso dadku xogogaal ayaay u ahaayeen. Sannadkan aan ku jirno waxaan daawaday dhoowr tartan oo kala duwan oo goboladii lagu qabanayo, inkastoo aanan fahmin ujeedka haddana waxay u baahanahay in tartamayaasha heer gobol la mideeyo iyo heerarka kasii sareeya. "hibo eebe ku siiyo habeel laayskama qaado”. Qur’aanku waa nolosheena, waxaan maqaalkan usoo qaatay inaan muujino, dhiirgalino ardayda ku tabcaysa Qur’aanka. 

WQ: Xasan Cabdi Shire



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip