Somaliland iyo Khaatumo Guul Bay Wada Higsan karaan Haddii La Garwaaqsado Maanta.?
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Somaliland iyo Khaatumo Guul Bay Wada Higsan karaan Haddii La Garwaaqsado Maanta.?

0
Sunday June 18, 2017 - 12:35:22 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Khaatumo Guul Bay Wada Higsan karaan Haddii La Garwaaqsado Maanta.?

    Somaliland iyo Khaatumo Guul Bay Wada Higsan karaan Haddii La Garwaaqsado Maanta.?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Khaatumo Guul Bay Wada Higsan karaan Haddii La Garwaaqsado Maanta.?

Maanta shirbaa ka dhacay magalada hargaysa,waxana muuqda ilin u furmay ummada wax wada leh ee Soomaalilaan.

Sinnaan iyo wax wada yeelasho ayaa inoo iftiimaya,bar bilow ah waxaana guushaa u horseeda xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Siilaanyo.

Waa aasaaska iyo udub dhexaadka xisbiga iyo xukuumadda kulmiye in bulshada Soomaalilaan laysu uruuriyo oo gogol lagu wada fadhiisto.

Waxa isna ammaan iyo bogaadin mudan Eng Faysal Cali waraabe Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee ucid oo aan Mar ka fadhiisan yagleelida iyo unkida guulahan shacbiga ah ee ummada Soomaalilaan xaqiijisay muddo ka dib.

Waa bilow wacan,dhamaadse maaha!

Hadaladii Pro Cali Khaliif.

Cali Khaliif hadaladiisa waxa ka muuqdey bisayl siyaasaadeed iyo garnaqsi run ah,garawshiiyo se u baahan,xaga dawladda iyo shacabkaba!

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aynaan cidna aqoonsi ka baryayn haddii aynu gacmaha is qabsano oo ummadeennu midawdo,adduunku inoo sandulaysanyahay.

Cali Khaliif waxa uu si cad oo aan caad saarayn u tilmaamay in shacabka Khaatumo u hammuun qabaan cadaalad iyo sinnaan,oo ay rabaan Soomaalilaan ka duwan tan maanta!

Waxa uu si aftahanyo leh ugu kaftamay in Soomaalilaan u baahanyahay in ay ka korto Isaxaaqiyada waa siduu u yidhiye!

Maanta waxa Madaxda xisbiyada qaranka iyo xukuumaddaba horyaal imtaxaan adag,oo haddii laga gudbo la higsankaro barwaaqo iyo nabad waarta,guud ahaan Soomaalilaan.

Haddaba waxa loo baahanyahay in heshiiska la dhowro,lana tixgeliyo doonitaanka shacabka walaalaha ah,si ay u higsadaan hiraalka u muuqda iyagoo isku duubban.

Alloow laba talo midii Toosan.

Eng-Dacar Jama

Hargaysa.

Somaliland 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip