Wax Qabad La,aanta Ragaadisay Deeganada Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Saraar..
June 26, 2017
Latest Headlines:   _

Wax Qabad La,aanta Ragaadisay Deeganada Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Saraar..

0
Wednesday June 14, 2017 - 11:17:46 in by Samiir Cabdi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Qabad La,aanta Ragaadisay Deeganada Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Saraar..

    Wax Qabad La,aanta Ragaadisay Deeganada Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Saraar..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Qabad La,aanta Ragaadisay Deeganada Hoos Yimaada Maamulka Gobolka Saraar.. Wax qabad la,aanta Ragaadisay deeganada hoos yimaada maamulka gobolka saraar Wax qabad la,aanta Ragaadisay deeganada hoos yimaada maamulka gobolka saraar Marka hore mahad guud ahaanted ilaahay ayey u sugnaatay Mar xigtada waxaan ilaahay ka baryaya in guud ahaanba wadanka alle ka kor qaado xanuunada abaaraha dhulalka qaar weli ku hadhay iyo sixir bararka halakeeyey dadki danyarta ahaa iyo badiba umada jamhuuriyada soomaliland Hadaan usoo dhaadhaco mawduucan aan doonayo inaan halkan ku iftiimiyo oo badiba ka hadlaaya quseeyana danta caamka ah ee umadan reer soomaliland kawada dhexeeyana xaqna ay u leeyihiin inay u sinaadan Dhamaanten waxaynu ka war qabna amase dareesanahay in waxqabadka dawlada aanay u sinayn gobolada dalka qaarkodna ay tabanayaan waxqabad la,aan baahsan oo badiba ragaadisay

 

wixi dawladi umadeeda u qaban lahayd Gobolka saraar wuxuu ka mid yahay deeganada aadka u faca wayn lehna taariikh aanan halkan kuso koobi Karin Gobolku waxa hoos yimaada deegano fara badan oo ka tirsan gobolka saraar dhulalkaaso u badan dhul daaqsimeedyo tuuloyin iyo degmoyin kale oo fara badan Gobolka saraar badiba wuxuu ka aradanyahay kaabayashi bulshada iyado waxa loo qabtay aad u kooban yihiin mararka qaarna aan laba magacabi Karin Ku dhawaad 52 tuulo oo hoos yimaada gobolka saraar haba yaraate kama jiraan xarumo caafmad MCH dugsiyo waxbarasho mana laha haba yaraate wax Ambulance yo ah Waxay kalo ka aradan yihiin riigag biyoodyo oo aan haba yaraate ila hada aan la og soonayn hal riigna ha noqote wax laga taagat degankasi Tooloyinka A da ah waxa ka mida  Waridaad  Gadhka  Dhanaano  Ceelcade  Dhudhubka

Tuuloyinka aan sare kuso xusay iyo qaarkalo farabadaniba badiba waxay ka aradan yihiin waxqabadki xukuumada manta majaraha wadanka u haysa Taas bedelkeedana deeganada burco ku hareeraysani ay dhamaantodba ay dheregsan yihiin amase waxqabadka xukuumadu uu u janjeedho hawdka burco Maamulka gobolka saraar waxay badiba dadka degaanku arkaan marka olole siyaasaded amase kaanbayn lagu jiro Weli lama arag meel ay xadhiga kaga jarayaan mashaaric mamulka gobolka iskii u hir geliyay wax dhiiri gelin bulsheedna kama qaybqaatan iyago ku mashquulsan danahooda khaaska ah badhasabka gobolkas iyo maayirkuba

TALO KU DHISAN WAAYA ARAGNIMO IYO IN AAN HABA TARAATE DEGANKAAS AAN LO JEEDIN waxna aanay u maqnayn Dadka deeganka waxaan kula talin laha iyagoo aan axsaab mucaarad iyo muxaafid midna garabsanayn in aayahooda iyo danta deganka ay kaso jeedan ay isugu yimaadan Axsaabta wadanka ka jirta mid waliba wuxuu leeyahay hami uu ku donayo inuu ku kasbado shacab farabadan oo uu cod ka helo balse iyagana waxaan idhan lahaa mucarad iyo muxafidba la kaalaya umada gobolkaas waxaad ku kasban kartan waanad u simantihiin Odayaasha madax dhaqameedyada ganacsatada kaso jeeda golka

waxan iyagana idhan laha haloo midoobo danta gobolka waayo waad aragtan caynaba iyo deganaday maamusho wax laga qaado mooyane inan waxba laguso celin Dhalinyarada ku kala baahsan gudaha wadanka iyo dibadiisana waar waad ka war haysaan marxalada gobolku manta maraayo u kaca oo nin walawba waxaad tari karto ku tar degankaga iyo dadkaaga xooluhu ka bexeen ALLA MAHADLEH


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip