Shirka Ballidhiig Hal kooban Aan Ka idhaahdo.
August 21, 2017
Latest Headlines:   _

Shirka Ballidhiig Hal kooban Aan Ka idhaahdo.

0
Monday June 05, 2017 - 22:18:12 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Ballidhiig Hal kooban Aan Ka idhaahdo.

    Shirka Ballidhiig Hal kooban Aan Ka idhaahdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Ballidhiig Hal kooban Aan Ka idhaahdo.

Ayaamihii u danbeeyey waxa jirey shir dhallinyaro ku baaqday iyo dhallinyaro kale oo Ka Biyo diidey isla shirka laftiisa.

Haddaba anigoo ixtiraamaya dhallinyarada shirka isku maandhaafsan haddana waa mihiim in aan arintan aragtidayda Ka dhiibto.

Anigu waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii ugu horaysey ee taageertay in la shiro,haddana maanta waddada aannu maraynaa maaha mid dhallinyaro ahaan na anfacaysa,sidaa awgeed aan soo ururiyo afkaartayda shirkaa ku wajahan.

Waxa jirtey in saxaafada laysu mariyey hadalo yara taagtaagan oo aan ahayn kuwii wax dhisijirey.

Fekerkaygu in yar hay danbeeyee marka carrabka lagu dhufto beel iyo shir waxa xaq u leh,shirku haddaanu siyaasi ahayn madaxda dhaqanka,iyadoo mudakarka,aqoonyahanka iyo dhallinyaraduna doorkooda leeyihiin.

Dhallinyarooy walalayaal xafadeenu weligeed waxay wax ku ahayd isku arin baynu ahayn oo isku Gogol baynu ku fadhiney,mana jirto beel u kala shirtay dhallinyaro iyo waayeel ogaalkey.
Waa arin abaar iyo abbaar weecsan

Ma lihi dhallinyarada qaar beesha ma sheegankaraan,suure-gala maaha laakiin wax baynu wada doonaynaa,deeganadeena ayeynu Ka hadlaynaa,shirarkaas ayeynu doorka ugu mihiimsan qaadanaynaa,waxa habboon oo keliya in aynu waddadaa burburka ka baydhno iyo kala qaybsanaanta.

Haddaba walaalayaal waxa jira shir madaxda dhaqanku hoggaaminayaan beesha aynu ka soo jeedno,waxaana door siman ku leh,aqoonyahanka,dhallinyarada,ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha.

Sidaa awgeed,inagoo ilaalinayna wada jirka,isku duubnida iyo damalka aynu wada hadhsano ee hadhaca ah aynu Ka qayb qaadano shirkaa madaxda dhaqanku waddaan,wayna egtahay in aynu awooddena iyo aragtideena muujinaa dhallinyaro ahaan.

Arinta Xisbiyada

Xaafad ahaan codkeenii,cududeenii iyo cuudkeenii waxaynu geliney xisbiga kulmiye,mana muuqato Sabah dhallinyaradeena loogu dhiibo qori dableh,inagoo ogsoon in aan nina dedaalkiisa hadyad kuu siinayn.

Marnaba kama soo horjeedo in la shiro,laakiin waxaan ka welwelsanahay astaamaha kala furfurashada iyo hadal isku taagtaaga ah ee inoo bidhaamaya.

Midnimo,urursanaan iyo kala danbayn baan ku baaqay.

Dacar Jama,Hargaysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip