Samaynta Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland. Q.1aad (WQ: Mohamed Mohamoud Ilkacase)
December 12, 2017
Latest Headlines:   _

Samaynta Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland. Q.1aad (WQ: Mohamed Mohamoud Ilkacase)

0
Monday May 29, 2017 - 16:46:38 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samaynta Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland. Q.1aad (WQ: Mohamed Mohamoud Ilkacase)

    Samaynta Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland. Q.1aad (WQ: Mohamed Mohamoud Ilkacase)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Samaynta Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland. Q.1aad (WQ: Mohamed Mohamoud Ilkacase)

Magacaygu waa Mohamed Mohamoud oo looyaqaano Ilkacase waxaan ahay arday wax ka dhigta Jaamacadaha Ethiopia khaasatan ardaydii Dawladu Scholarship-ka uga soo heshay Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, waxaan Diyaariyaa (Master of Public Financial Management ).


Marka hore alle ayaa mahad oo dhani usugnaatay, ii Suuro geliyey ina ogolaaday inaan wax ka qoro mid ka mid ah Dhibaatoyinka ka jira Dalkeena Somaliland kaas oo ah sixir bararka ama afka qalaad lagu yidhaahdo (Inflation).

Mar labaad waxaan u mahad celinayaa warbaahinta hadhwanaagnews oo mar walba aragtida dadweynaha baahisa una soo gudbisa bulshada warar dhaxal gal ah.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa aragtidayda ku aadan Sixir bararka, iyo waxa keena sixir bararka laftiisa, iyo sida looga hortegi karo mustaqbalka Danbe.

Waa maxay Sixir bararku?

Sida dadka badankiisu u yaqaanan sixir bararku, waa iyada oo wax waliba noqdaan qaali (More expensive for everything of goods and services).

Sixir bararku waa qiimaha maceeshada iyo adeegyada ay dadku ubaahan yihiin oo kor ukaca wakhti, taas oo ay keentay qiimo dhaca ku yimaada lacagta wax lagu iibsanayo ee Dalka, Maxsuulka sixir bararka kasta ma ah mid xun, hadii la joogteeyo sixir bararka oo laga dhigo mid Caafimaad qaba oo Dawladu gacanta ku hayso wuxuu u fiican yahay Dhaqaalaha.

Sixir bararka waxaa ka soo horjeeda qiimo dhac, kaas oo Natiijadiisu tahay in wax walba lagu iibsado qiimo jaban(lowest price), Dukaamada iyo alaabta guud ahaanba. Qiima dhacu wuxuu u muuqdaa in uu fiican yahay Dan yarta, waayo waxaa kor dhaya qiimaha lacagta aad haysato ee aad wax ku iibsanayso, Lkn ma fiicna sixir barar iyo sixir dhac labaduba waxay wax yeelaynayaan Bulshada qaybaheeda kala duwan, lkn waxaa fiican in laysu dheeli tiro labadoodaba.

Sixir bararka waxaa kordhaya wax walba oo qofku ubaahdo in uu iibsado, waayo lacagta uu qofku haysto intay doonto hanoqotee waxba ugoyn mayso, askariga ama macalinka hadii aan Tusaale usoo qaato, marka mushaarka lasiiyo waxba ka kafayn Maayo, sida kirada guriga, laydhka, Cuntada guriga, fiiga Caruurta uu waxbarashada kaga bixiyo, iyo Dhamaan wax yaabihii aasaasiga Nolosha u ahaa oo Dhan, waayo wax waliba Waa kordheen oo sidii hore ma ah.

Maxaa keena hadaba Sixir bararka?

Sixir Bararka Wax ugu weyn ee keena waa iyada oo wax soo iibsiga Debedu ka bato wax Soosarka Dalka, taas oo ay Sababto iyada oo aanay jirin Shirkado gaar loo leeyahay iyo kuwo Dawladu leedahayba oo wax soosaar, lana dhiiri gelin wax soosaarka dalka gudihiisa. Waayo maanta wax Dalkeen lagu cuno iyo wax lagu isticmaaloba waxay inooga yimaadan Debeda, Findhicilka ama istikiinka baa ugu yar oo waxaa laynooga keena Dalka Debediisa.

Dawladuna malaha shirkado Dawli ah oo wax soosaar jaban leh, Mana samayso shirkado Dawli ah oo wax usoo saara oo ay faa”iido karaadiso kagana jebiso badeecada ganacsatada gaarka looleeyahay ee bulshada baadha, sixir bararkan ka dhiga wax walba say faa”iido badan u helaan.

Dawladu ma kantoroosho ganacsatada dhiig miiratada ah ee Debeda ka soo dhoofiya alaabta ay Bulshadu isticmaasho ee ay qiimaha jaban ku soo qaatan, hadan bulshada ku kor dhiyaan lacagta ay ku iibsanayaan alaabtaas iyada oo Dawladu aanayba ka qaadin cashuur badan.

Noocyada sixir bararaka

1. Xadiga lacagta suuqa taala: (money supply)

Hadii aan la kantoroolin xadiga lacagta ee suuqa taala, waxay sababaysaa qiimo korodh iyo inay si xawli ah ku korodho, qiimo dhacna ku yimaado lacagta, taasina ay hoos u dhigto awooda wax iibsiga iyo wixii ay goynaysay lacagtu.

Hadii lacagta suuqa ku jirtaa ay yaraatana qiimaheedu kor ayuu ukacayaa wax badana way goyn karaysaa markaas. Awoodaasna waxa iska leh baanka dhexe kolba inuu ka war hayo xaalada xadiga lacagta inay yar tahay iyo inay badan tahay maadaama badnaanteedu ay sixir barar sababi karto.

Bangiga dhexe ee Dawladuna wuxuu awood buuxda u leeyahay qodobadan hoos ku qoran:-

ü In uu Dejiyo Siyaasada guud ee lacagta Dalka. Set monetary policy.

ü In uu noqdo Haa’yada Metesha lacagta Dalka. Acts as the currency authority.

ü In uu Maamulo isku bedelka lacagaha qalaad. Manages foreign exchange.

ü In uu noqdo Baangi Dawlada metela una shaqeeya. Serves as a banker to the government.

ü In uu kantorolo siistamka lacagaha dalka. Regulate the financial system of the country.

ü Metelona baangiga bangiyada somaliland. Acts as the banker of banks

ü In uu joogteeyo qiimaha lacagta iyo isku bedelkeeda. to maintain stable rate of price andexchange

ü In uu sameeyo oo hirgeliyo siyaasada iyo habka isku bedelka lacagaha Dalka. formulate and implement exchange rate policy

ü .In uu xadido qiimaha isku bedelka lacagaha qalaad iyo lacagta dalka. Set limits on the net foreign exchange and country’s money.

ü In uu sameeyo daraasad sanadkiiba hal mar ah taas oo lagu eegayo dhaqaalaha dalka iyo halka uu marayo. Prepare periodic economic studies.

ü in uu metelo Dawlada Somaliland una metelo Haa’yada lacagta aduunka iyo Haa”yadaha kaleba.represent Somaliland in the IMF and other international financial organizations

Baangiga dhexe ee Somaliland baa laga rabaa in uu Kantorolo lacagta iyo qiimaha isku bedelka lacagaha qalaad, sameeyona qiimo go’an oo lagu bedesho lacagta, kantorolna sixir bararka dalka ka jira. Waxaa jira meel walba oo dunida ka mid ah suuq Madow (Black market) kaas oo la tacaamula isku bedelka iyo kala iibsiga alaabta iyo adeegyada qarsoon ee aan Dawladu raaliga ka ahayn, kuwaasna waa la dabo gala hadii la helona waxaa la horkeena sharciga dalka. Waayo waxay khalkhal iyo hoos udhac gelinayaan dhaqaalihii dalka waxayn la baxsanayaan cashuurtii. Anigu waxaan isleeyahay waxa ka gaabiyey Doorkii uu lahaa Baangiga dhexe ee Dalka, lana xisaabtamo sariflayaasha siday doona yeelaya. Iyo ganacsatada dollar wax walba ku iibinaysa. Anigu hada dalka aan joogo ee Ethiopia arki maysid Dollar meel maray iska daa in wax lagu iibsadee, lacagtooduna waxay leedahay qiime xadidan oo lagu bedesho dollarka waxaan masuul ka ah Bangigag dhexe ee Ethiopia.

2. Dawladda oo dayn gasha: (national debt)

Marka ay Dawladu dayn gasho tani waxay sababi kartaa sixir barar bal aynu eegno siday ukeenayso inagu dawlad ahaan wali la inama aqoonsan markaa dayn ma gali karno, balse wadamada la aqoonsan yahay markay Daymaha galaan sixir barar ayay ku keentaa markaa daynta wadankaasi haday badato dawladu laba talaabo ayuun baa ubanaan inay qaado kuwaas oo kale ah :

Inay dawladu cashuuraha ay kordhiso(increase tax collection and new tax base) si uu dakhli badani usoo galo iyada iyo inay lacag badan daabacdo (printing money) si ay halkaas dakhli uga hesho , labadaas wado ee meesha yaalaana labadooduba sixir bararka way keenayaan.

Haday dawladu cashuurta kordhiso ganacsataduna qiimaha qiimaha ay alaabada ku iibiyaan ayuun bay ku darayaan halkaas bay alaabtii ayaa qaaliyoobaysa sidaasuuna sixir barar ku dhashaa,

Hadii ay lacag badan daabacdana lacagtii suuqa ku jirtay ayuun baa korodha taasina sidaasay sixir bararka ku keentaa.

3. Korodhka Doonista alaabta: (demand pull)

Aragtidani waxay sheegaysaa korodhka ku yimaada mushaharaadka shaqaalaha waliba wadamada soo koraya ee fursadaha shaqana ay aadka ugu yar yihiin, dadku waxay heli doonaan lacag badan si ay ugu iibsadaan alaabaha ay ubaahan yihiin, tanina waxay kordhinaysaa baaahida loo qabo alaabaha ay dadwaynuhu isticmaalaan markaas ganacsataduna maadaama baahidii alaabtoodu korodhay waxay isku dayayaan inay kordhiyaan qiimihii alaabtooda si ay suuqa lacagta taala iyo baahida alaabtooda ay iskugu waafajiyaan halkaasna ayey qiimihii alaabta ku kordhaysaa sixir bararna sidaas ku dhasho.

4. Sarifka lacagaha: (exchange rate)

Tani waxay samayn ku yeelataa oo isku bedelashada lacagaha dhexdooda uu ka yimaado sixir bararku taas oo inta badana ku timaada qiimaha lacageheena oo hoos udhac ku yimaado lacagtii qalaadna ay kor ukacdo tani waxay keentaa in alaabtii qalaad uu qiimahoodii kor ukaco oo uu ku yimaado qaali, kuna noqdaan dadkeena qaali halkaasna uu sixir bara inoogu yimaado.

5. Mushaarka shaqaalaha oo kordha

Sixir bararka sidoo kale waxaa keena markay dadka mushaaradka ay qaatan ay kordhaan ama bataan, taasina waxay sababaysaa in dalabkii bulshadu kordho ay ubaahan yihiin alaab iyo adeegyo kala duwan oo badan.

Yaa ugu Nugul sixir bararka

Bulshada ugu nugul sixir bararka waa bulshada dan yar ta ah, waa kuwa dakhliga yar ee soogalaa aanu ka kafayn karayn inay ku daboolan baahidooda. Waana kuwa uu werwerka ugu badan ku hayo ee aan qurbahan lacag uga iman oo aan dollar helin.

Waxaan ka mid ah:-

Ø Muruq maalka ama xoogsatada.

Ø Ganacsatada yar yare ee meherada yar yar haysta.

Ø Askarta.

Ø Macalimiinta.

Ø Hooyooyinka khudaarta iibiya.

Ø Shaqaalaha mushaarka yar hela.

La soco qormada danbe: sidee looga hortegi karo mustaqbalka Danbe sixir bararka.

Ilkacase5555@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip