Moogananta wasiir cukuse iyo eexda nin jeclaysiga isuduwaha Xanaanada xoolaha G/togdheer
August 21, 2017
Latest Headlines:   _

Moogananta wasiir cukuse iyo eexda nin jeclaysiga isuduwaha Xanaanada xoolaha G/togdheer

0
Monday May 29, 2017 - 16:46:38 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Moogananta wasiir cukuse iyo eexda nin jeclaysiga isuduwaha Xanaanada xoolaha G/togdheer

    Moogananta wasiir cukuse iyo eexda nin jeclaysiga isuduwaha Xanaanada xoolaha G/togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moogananta wasiir cukuse iyo eexda nin jeclaysiga isuduwaha Xanaanada xoolaha G/togdheer
Guud ahaan dhakhaatiirta xanaanada xoolaha G/todheer ee aan

ka gunaysnayn wasaarada isla markaasina ka Diwaan gashan

wasaarada buuxiyeyna shuruudihii looga baahnaa sida

qaadashada kaadhka aqoon siga dhakhtarnimo ee looyaqaan

(s/land national veterinary board)

waxay si mug iyo miisaan leh ugu soo jeedinayaan

wasaaradda sare ee xanaanada xoolah in dib u eegis baladhan

 

lagu sameeyo eexda iyo nin jeclaysiga uu caadaystay isuduwaha

wasaarada xanaanada xoolaha ee G/todheer DR.cabdi muuse

jaamac (cabdi hindi

hadaba dhawaan uun bay ahayd markii wasaaradu bilawday daawaynta xoolaha nool waxana

soo shaacbaxay eex lagu kaco tii ugu cuslayd abid ee ka dhacda gobolka togdheer markii

shiqsiyaad aan dawlada ka tirsanayni sicad gacan ugu yeesheen liistaynta dhakhaatiirta aan

gunaysnayn isla markaasina culays lama filaana ku keentay mihnadlayaasha caafimaadka xoolah

gaar ahaan gobolka togdheer taasi oo cawaaqib xumo ku keeni doonta wasaaradda xanaanadda

xoolaha s/land

isuduwe hindi sidoo kale wuxuu ku goodiyey in uu wasaaradda ku joogo wasiirka wasaaradda

deegaanka oo ah marwo xukuumada iyo qarankaba xushmad wayn ku leh oo ay deegaan kasoo

wada jeedaan oo uu ka dhigtay gaashaan aan la mari karin

isagoo ugu hanjabay dhakhaatiirtu in aynay iman Karin dhismaha wasaaraddu ku leedahay

xurunta g/todheer sidaa awgeed wuxuu xafiis kiisii u raray gudaha jaamacada burco gaar ahaan

xafiiska hurmuudka kuliyada xanaanada xoolaha DR.hamse jibriil oo ah ku xigeen kiisa taasi oo

dhinaca kale u horseedi karta in ay saamayn balaadhan ku yeelato hurmarkii ay ku talaabsatay

mudooyinkii danbe jaamacada burco

waxaa in taaba sii dheer kumanaan xoolo ah oo abaarta awgeed magaalada burco lagu soo

xereeyey oo aan helin daryeel caafimaad iyadoo dhamaan kooxihii caafimaadka xoolaha loo

saaray dhulka imyiga ah oo kaliya hase yeeshee aanay jirin dhakhtar kaliya oo ka hawlgala

gudaha xarunta wasaaradda oo daawayn u fidinkara xoolah halkaasi la keeno

sidoo kale waxaa jira teams ka daawaynta xoolaha ee G/togdheer qaar kamida ah ma

shaqeeyaan umana baxaan goobaha ay ku qoranyihiin iyaga oo lacagtooda si caag laysiya

uqaata , sidoo kale iyaguna waxaa jira dad shakhsiyaad khaasa oo aan ahayn dhakhaatiir

xoolood sida IT , Bussness , economy oo hadana marwalba ka qayb qaata daawaynta xoolaha .

dhakhaatiirta baratay cilmiga xoolaha looma ogola in ay ka qayb qaataan daawaynta xoolaha

G/togdheer taasina waa khaladadka iyo nin jeclaysiga uu samaynayo isduwaha xanaanada

xoolaha G/ togheer . sidaa darteed hadaanu nahay dhakhaatiirta xoolaha ee G/togdheer

waxaanu ka codsanaynaa wasiirka xanaanada xoolaha jamhuuriyada Somaliland mudane

cukuse iyo cidii kale ay khusayso in dib loo eego cadaalad darada iyo maamul xumada ka jirta

wasaarada xanaanda xoolaha faraceeda G/ togdheer

Mihnadlayaasha caafimaadka xoolaha G/togdheer

 DR mustafe caydiid dacar

 DR Hamud cumar sh cusmaan

 DR abdirizak ibraahim ahmed

 DR Abdikani saleban mohamud

 Dr Abdikani sidiiq Mohamed

 DR jama muse ali

 Drs hibo Mohamed ismail

 Drs mona nuur aadam

Lasoco qaybta labaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip