Gabadh Reer Guinea Ah Oo La Sheegay in Addoonsi Galmo Loogu Haystay Australia.
September 25, 2017
Latest Headlines:   _

Gabadh Reer Guinea Ah Oo La Sheegay in Addoonsi Galmo Loogu Haystay Australia.

0
Friday May 19, 2017 - 10:54:53 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Reer Guinea Ah Oo La Sheegay in Addoonsi Galmo Loogu Haystay Australia.

    Gabadh Reer Guinea Ah Oo La Sheegay in Addoonsi Galmo Loogu Haystay Australia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh Reer Guinea Ah Oo La Sheegay in Addoonsi Galmo Loogu Haystay Australia.

Gabadh da'yar oo ka soo jeeda dalka Guinea ee galbeedka Afrika ayaa ka soo baxsatay guri ku yaalla dalka Australia oo la sheegay in loogu haystay sidii addoon galmo uun loo haysto, sida ay booliisku sheegeen.

Gabadhan 17 jirka ah waxaa horaantii bishii Abriil geeyay magaalada Sydney nin u sheegay in uu siin doono shaqo nadiifiso nimo ah.

Waxaa la geeyay guri halkaas oo tiro rag ah ay u galmoon jireen ilaa ay ka soo baxsatay 27kii Abriil.

Waxaa hadda hawshan baaraya booliiska qaabilsan dambiyada addoonsiga iyo tacadiyada galmada la xiriira.

Gabadhan yar ayaa sheegtay in ay ka soo carartay goob aysan garanayn ka hor inta aysan haweenay ku soo qaadin gaarigeeda ee aysan keenin xarun bulsho.

Waxaa loo sii qaaday isbitaal si loo daweeyo.

Gabadhan ayaa booliiska u sheegtay in ay bishii koobaad ee sanadkan dalka Guinea kula kulantay nin uu u soo bandhigay in ay u shaqayso. Labadooduna ay markaas ka dib soo aadeen Australia iyaga oo sii maray magaalada Paris

Booliiska ayaa hadda baadigoobaya dadka ku eedaysan in ay gabadha dhibaateeyeen iyo haweenayda caawisay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip