Murti iyo Mahadhooyin, Q.8aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud "Cumar-Dheere").
November 24, 2017
Latest Headlines:   _

Murti iyo Mahadhooyin, Q.8aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud "Cumar-Dheere").

0
Sunday May 14, 2017 - 12:57:32 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murti iyo Mahadhooyin, Q.8aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud "Cumar-Dheere").

    Murti iyo Mahadhooyin, Q.8aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud "Cumar-Dheere").

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murti iyo Mahadhooyin, Q.8aad (WQ: Amb. Cumar Xaaji Maxamuud "Cumar-Dheere").

2 CUTUBKA LABAAD: MAHADHOOYIN

2.1 CADDUUR DHAW-DHAWDU UMA DHACSANA

Nin la odhan jiray Cadduur oo lagu yiqiin hal-adayg iyo wax-garadnimo ayaa maalin col uu ku jiraa ku duuleen col kale oo ay iska soo horjeedeen. Markii weerarkii la galay ayuu Cadduur warankiisii daray nin ay isku soo hagaageen oo fuushanaa faras caan ahaa. Rag damac lagama waayee, Cadduur waxa lagu qabsaday faraskii uu ka soo furtay ninkii uu dilay. Isaga iyo ninkii ay faraska isku qabsadeen ayaa loo soo goleeyey si loogu gar naqo oo nin walba laga dhegeysto sida uu ku caddaynayo sheegashada faraskaa isaga ah.

Markii uu Cadduur golihii is dhex taagay ee uu bilaabay in uu baano ayuu ninkii faraska ku haystay inta uu jeedal qaatay ku bilaabay kunakarbaashay Cadduur isagoo uga gol leh in uu ka cadhaysiiyo oo hadalku ka lumo gartiisuna halkaa kaga xumaato. Dadka qaarna waxay soo weriyeen in qofka Cadduur jeedalka la dhacay uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo uu soo abaabulayninkii ay Cadduur is haysteen. Si kastaba ha ahaatee, waxa la yaab noqotay in aanu Cadduur dheg u dhigin dareena u yeelan wixii ku cadhacayey balse uuhadalkiisii iska watay. Baanihiisiina wuxu ku yidhi "Qodaxi waa halkeede, anigu waxaan ku sheeganayaa faraskan saddex arrimood:

• Shakamad qabad;
• Shalalax dhiig iyo
• Shaf-saar.”

Raggii golaha garta lagu naqayey isugu yimid markii ay arkeen in aanu Cadduur u jeedin ninkii shaabuugga la dhacaya oo uu garnaqsigiisii ku kooban yahay waxayyidhaaheen murtidan hal-hayska noqotay:

"Cadduur dhaw-dhawdu uma dhacsana.

Guurtidii marki ay dhinicii kalena dhagaysteen waxay gartii siiyeen Cadduur. Sidaas ayuu Cadduur ku helay faraskii isla markaana ay uga hadhay odhaahdani.

Murtida "Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana” waxa loo adeegsadaa marka qof la doonayey in majarihiisa laga leexiyo uu ka adkaysto culaysyada ku imanaya ee ka leexinaya dhabbihiisa. Waxaana la yidhaa "Innaga daaya hebel/heblaayo dhawdhawdu uma dhacsanee.” Beryahan dambe waxa iyaduna dhacda in dadka qaar murtidan u isticmaalaan si ka duwan asalkeedii oo ay adeegsadaan marka ay arkaan qof fahanku ku adkaaday oo dareemi kari waayey waxa hareerihiisa ka socda. Waxayna yidhaahdaan "Hebel/heblaayo dhawdhawdu uma dhacsana” iyagoo uga jeeda waxa socda ma fahmasana.

2.2 BACALUUL IS QAADAY

Beribaa nin la odhan jiray Bacaluul oo aan xoolo sidaa u fara badan lahayn laakiin haystay in isaga ku filan iyo nin kale oo ay is xigeen ay mar kali ah u wada geed fadhiisteen laba hablood oo walaalo ah. Ninkaa ay Bacaluul wada geed-fadhiisteen wuxuu ahaa nin aad u dheer quruxna Ilaahay u dhaliyey. Bacaluulna wuxuu ahaa nin aad u gaaban qurux la sheegana aan lahayn hase ahaatee waxa la weriyey in uu ahaa nin caqli badan.

Reerkii ay u guur doonteen markii ay arkeen faraqa u dhaxeeya labada nin, waxay Bacaluul ku xidheen in uu xoolo faro badan bixiyo. Dhaqan ahaan waxa ceeb ahaan jirtay in nin gabadh u soo geed-fadhiistay si cad loogu diido. Haseyeeshee qofkii wax lagu dhalliilayo ee la doonayo in arrinka laga niyadjabiyo waxa lagu xidhi jiray shuruudo adag iyo xoolo fara badan si guurka loogu adkeeyo.

Bacaluul markii uu bixiyey yaradkii iyo gabbaatigiiba ee laga qaaday wixii uu xoolo lahaa, ayaa haddana, Ilayn waa nin wax looga jeedo’e, la weydiiyay in uu keeno lixdan adhi ah iyo awr, waxaana loo sheegay ilaa uu intaa keeno in aan gabadha la siinayn. Bacaluul oo aanay ka dahsoonayn ujeeddada laga leeyahay xoolahaa kale ee lagu xidhay, wax xeradiisii ugu hadhayna aanay jirin, ayaa isagoo hadal sarbeeba ah ku sheegaya dareenkiisa, tolkiina ka doonaya in ay ka soo bixiyaan xoolahaa shardiga lagaga dhigay yidhi :

Nagu laashe meeshii dadkuba laydhad ka ahaaye
Lixdan adhiya iyo qaalin bay libinna joogtaaye
Liil geliya caawana wixii lagula laabmaayo

Markii ay Bacaluul tolkii maqleen weedhaahaa ayay ceeb isaga yaabeen, waxayna degdeg iska soo ururiyeen oo ay keeneen xoolihii lagu xidhay. Inantiina sidaasaa lagu siiyey Bacaluul.

Hawshu intaa uun kagama ay dhammaan Bacaluul. Reerkii hablaha laga guursaday, siiba dumarkii, si gudban ulamay dhaqmin Bacaluul iyo ninkii ay ooriyo-walaalka noqdeen. Iyagoo yasaya, nacasnimana ka baadhaya, kuna tijaabinaya waxa uu yeelo, ayay dumarkii reerku habeenkii koowaad ee dadab-galka gabadhii uu Bacaluul guursaday kula taliyeen in ay gogosha ugu gogosho dhinaca maqluubka ah. Bacaluul waxba iskamuu waaline isagoo arkaya siday wax yihiin ayuu iskaga seexday gogoshii qalinka u rognayd.

Aroornimadii markii loo yimid ayaa lagu yidhi "Bacaluulow, waa maxay dhinacan aad gogosha ugu huruddaa?” Isaguna isma uu dhibinbee wuxu ugu jawaabay ”Dhanka kalaa xigi

Maalintii dambe ayaa haddana kadinkii gurigiisa lagu tiiriyey joonyad dhuxul ah. Markii uu duleedka soo marayey ayuu maqlay dumarkii oo ku xanshaashaqaya ”Naa horta Bacaluul joogiisu joonyaddaa dhuxusha ah ma gaadhayaa”? Ninkii Bacaluul markiiba garayin la xifaalaynayo dhererkiisa. Inta uu garab joogsaday joonyaddii ayuu u dhaafay kadinkii gurigiisa, dabadeedna isagoo dumarkii maqashiinaya ayuu yidhi ”Ma ka mudhay?”

Maalin kale ayaa haddana isagoo reerka soo gelaya, ay dumarkii iyagoo maqashiinaya ogaan u yidhaaheen ”Naayaadhaheen, dameerkii ma soo hooyday?” Bacaluul kamuu kululaan aflagaadadaase, intuu gurigiisii ku toosay ayuu yidhi”Dameerku dantiisa wuu yaqaan!”

Muddo dabadeed Bacaluul iyo ninkii ay ooriyo-walaalaha ahaayeen iyo waliba reero kale oo door ahi waxay goosteen in ay ka digo-rogtaan halkii ay degenaayeen. Geedigii intii aanu dhaqaaqin ayay dumarkii laba gorof oo caano ka buuxaan u kala fidiyeen Bacaluul iyo ninkii ay ooriyo-walaalka ahaayeen. Ninkii wuxuu is yidhi "Waar ma adigoo hebel ah ayaad dumarka hortooda caano ku dhami oo lagu daawan adigoo shaarubahaaga caano ka cad yihiin?” Wuxuu dumarkii ku yidhi ”Maya. Waad mahadsan tihiin. Anigu uma baahni ee geediga innoo dhaqaajiya!”

Dan iyo xarago kala duwane, Bacaluul isagoo ka fikiraya geediga ay galayaan iyo hawsha sugaysa marka reerku gaadho halkii lagu furi lahaa iyo sidaan loo helayn wax dambe oo afka la saaro ilaa reerku dego, ayuu gorofkii loo soo fidiyey inta uu labada gacmood ka buuxsaday ka dhergey. Ciddii yaabaysaaba ha iska yaabto.

Markii geedigii la furay ayaa Bacaluul iyo ooriyo-walaalkii bilaabeen in ay reerka soo oodaan inta dumarku aqallada dhisayaan. Ninkii is xariifinayey ee caanaha diiday waxa ku soo baxay daalkii iyo gaajadii oo wuu tamarin kari waayey, halka Bacaluul dhib yaraan uu hawshii oodda si hufan ugu dhammeeyey reerkii. Wuxuu Bacaluul halkaa si cad ugu muujiyey inuu ka karti badan yahay ninkii quruxda iyo dhererkaba lahaa ee laga jeclaa, walow aan libintaa iyada ahna sidii uu rabay loogu qirin.

Bacaluul oo dareemaya in aanu wali maqaamkii uu u qalmayey ku yeelan reerka uu la xididay, ayaa maalin maalmaha ka mid ah col duulimaad ahi qaaday geelii reerku lahaa oo meel daaqayey. Markii ay qaylo-dhaantu yeedhay, ayuu nin waliba faraskiisii raadsaday si geela loogu soo dhiciyo.

Ninkii awalba looga roonaa waxa la isugu dubba riday qalabkii faraska oo dhan waxaana loogu diyaariyey si aad u qurux badan. Bacaluul markii uu maqlay geelii in la qaaday ayuu inta uu xarago meel iska dhigay qorigiisii aqalka kala soo booday oo uu ku booday baqal duleedka ugu xidhnaynd oo caddaysimo ahayd. Intaan geeliiba lala fogaan ayuu dhawr goor xabbad ka daba riday, dabadeedna colkii geela qaaday markii ay rasaastii maqleen way garteen in rag hubaysani reerka joogaan, kadibna cagaha ayay wax ka dayeen.

Iyadoo aan gurmadkii kale wali sooba dhaqaaqin, ayaa ninkii Bacaluul oo geelii dabada kaga jiraa uu soo guryo-hooyey. Markii la arkay ninkii Bacaluul oo rag iska reebay oo wada geelii oo aan hal ka dhinayn ayaa la wada farxay waxaana lagu hadaaqay murtida caanka noqotay ee”Bacaluul is qaaday!”

Intaa wixii ka dambeeyey Bacaluul wuxu hantiyey maqaamkii uu reerka ku lahaa, xoolihii dheeraadka ahaa ee laga qaaday markii inanta la siinayeynawaa loo celiyey, guushiina iyo sumcaddiina sidaas ayey isaga ku raaceen.

Xikmadda "Bacaluul is qaaday” waxa loo adeegsadaa marka uu qof la yimaaddo ficil togan oo aan laga filayn in uu awooddeeda leeyahay, ha noqoto guul aan laga fileyn oo uu dhaliyo, ha noqoto deeq aan laga filayn oo uu bixiyo ama ha noqoto gar murugtay oo isaga oo aan laga filayn uu furdaamiyey. Si kale haddii aan u dhigo, waxa loo adeegsadaa marka qof iimo uu lahaa lagu yasayey uu muujiyo dulqaadkii, xikmaddii iyo raganimadii Bacaluul uu kaga soo gudbay duruufihii adkaa ee la soo gudboonaaday, isla markaana uu dhaliyo gool aan laga filayn in uu dhalin karo.

La soco qaybaha dambe…



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip