Kaftankii Heesaha Wasiirrada iyo Maxamuud Xaashi.
September 23, 2017
Latest Headlines:   _

Kaftankii Heesaha Wasiirrada iyo Maxamuud Xaashi.

0
Monday May 08, 2017 - 12:21:23 in by Samiir Cabdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftankii Heesaha Wasiirrada iyo Maxamuud Xaashi.

    Kaftankii Heesaha Wasiirrada iyo Maxamuud Xaashi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaftankii Heesaha Wasiirrada iyo Maxamuud Xaashi.
Kaftankii wasiirrada iyo wejigii labaad,waxaan idiin soo gudbinayaa saaxiibayaal,qayb kale oo xiiso badan.waxaan idinla wadaagayaa wasiirkastaa heesta uu shacabka u qaadaayo,inagoo siyaasadiisa ka duulayna.wasiirka madaxtooyada mudane maxamuud xaashi Cabdi.Magaca heesta: isku qasan

 

Ereyada heesta :Eng-Dacar Jama
Codka:wasiir maxamuud xaashi
Laxanka :nin la qariyey!
Music:kooxda socodka badan!

Durbaanka waxa gacmihisa ku daaliyey nin lagu sheegay Cabdilaahi yare anigu ma aqaane.heestii ugu horaysey kaftankeena wejigiisa labaad,waatan, -eegmo,akhris wacan.

Hadda siyaasada wasiirka ayuunbaa hees laga dhigay!

Waynakaa haddaba waynakaa
Xumbo Wayne biyihii
Xarumaha dhamaan
Lagu xidhayeybaan
Inoo soo xafee
Xajiimaynta iga daaya
Xajiimaynta iga daaya
Xajkii baan tagoo
Xaaji baan ahee
Xajiimaynta iga daaya
Xajiimaynta iga daaya
Aqoonyahan dhamaan
Ifka iyo adduun
Waxuun bay arkaanoo
Indho fiiqanyiine
Askar iigu yeedh yeedha
Aragooda iga qariya
Aragooda iga qariya
Inamada dalkana
Iskuulada dhamaan
Midaan alifba dhigan
Ayaan door bidee
Isagana bal ila doona
Isagana bal ila doona
Maayirkii horiyo
Maalintii burcana
Martigeliyihii
Madashii wacnayd
Is moodsiiya oo
Miyaan maahsanahay?
Ma murqaandanahay
Muxubiyo kalgacal
Miyaan moodayaa!
Waxbaan maaganahay
Maalin aan fogayne
Muuse biixiyo
Kan mujaahidka
Ninka magaca wayn
Marag iigu fura
Miyaanan mudnayn
Madaxwayne qaran?

Ninka magaca wayn ee ay heestu xustay waxaa mujaahid maxamed kaahin axmed.

Afeef:wasiirku fanan maaha,laakiin siyaasadiisa ayaa inoo yara heesaysa.

Magaca heestu waa isku qasan ama mushakal ilanoo siyaasada wasiirka ayaaa isku qasan oo mushakal ah.

Xasuusin:Bulshadu waxay Codsanaysaa in Wasiirku Hees Kale inoogu Luqeeyo Waanay Soo Socotaa
Eng-Dacar Jama


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip